Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president ahmed siilaanyo visits the sanaag region+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii oo u Jarmaadaya gobolka Sanaag iyo Puntland oo ka soo saartay War-saxaafadeed Tawaawac ah

 

Maamul goboleedka Puntland oo ka wareeray safarka waftiga Miisaanka leh ee Somaliland ku gaalaa baxayaan gobolada barri

 

Burco(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa aroorta guure ugu kicitimaya Gobolka Sanaag kadib markii uu maanta meel fagaare ah oo ku taala barxada hore ee xarunta Gobolka kula hadlay dadweynaha reer Burco.

 

Safarka Madaxweynaha ee gobolka Sanaag ayaa noqonaya safarkii labaad ee uu madaxweynuhu socdaalkiisan ku tago gobolada barri ee Dalka ilaa hadana ma cada inuu gaadhi doono bariga fog ee gobolkaas iyo inuu ku eekaan doono magaalo madaxda gobolkaasi ee Ceerigaabo

 

Dhinaca kalena magaaladda Burco waxa uu dadweynaha reer burco maanta xarunta Gobolka Horteeda ugu jeediyay Khudbad uu kaga xog waramay waxa uu maagan yahay iyo wixii uu qabtay mudadii uu xilka hayay “Walaalayaal dadweynaha reer Burco ee Gobolka Togdheer waxaan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa sida aad noo soo dhawayseen Aniga (Madaxweynaha) iyo weftiga balaadhan ee qaranka waxaan ogahay inaad saaka oo dhan aad milic taagnaydeen taasina waxa weeye jacaylka aad u qabtaan dawladnimada iyo qaranimada. Walaalayaal waxaanu wax ka qabanay waxyaabo badan muddadii koobnayd ee aanu xilka haynay haddii ay tahay mushahar kordhintii Ciidamada, shaqaalaha iyo dhinaca waxbarashada.”

 

“Walaalayaal si aanu Ciidamadda u dhiiri gelino waxa aanu booqanay Gobolka Sool oo aad iyo aad naloogu soo dhaweeyay, farxad weyna way noo ahayd inaanu ciidamada qaranka ee jiida hore ee wadanka daafaca booqano oo u mahad naqno oo aanu tusno si aanu u dhiiri gelino,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay dalka intiisa badan kormeer ku soo mareen qeybaha u hadhsana ay booqan doonaan.Madxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in gobolka Togdheer laga fulin doono mashaariic faro badan, waxaanu yidhi “Gobolkan Togdheer ee aan maanta joogno mashaariic badan baa laga fulin doonaa oo qorshaha noogu jira, qorsheyaashaasi waxa ka mid ah ceelal ay inoogu deeqeen Imaaraadka carabta, waxa kale oo ka mid ah Iskuulo badan oo la dhisi doono. Waxa kale oo la dhisi doonaa goobo caafimaad.”

“Wadadda u dhaxaysa Burco iyo Hargeysa dhismaheeda balan qaad baanu ka samaynay weftigii balaadhnaa ee ka socday Gudidii horumarinta Gobolka Togdheer ee Hargeysa noogu yimid ayaanu ka wada hadalay. Wadaddaasi oo aanu imikana soo aragnay inshaalaahu tacaalaa miisaaniyada soo socota ayaanu qeybo ka mid ah ku dari doonaa anagoo hubna in meel kasta ha joogeene’e dadweynaha gobolka Togdheer ee reer Somaliland ay iyaguna gacan ka geysan doonaan mar walbana horumarinta gacan ka geystaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

 

 

Waxa isna halkaas ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir Waxaanu yidhi “booqashadan Madaxwaynuhu waxay ujeedadeedu tahay xogogaal u noqshada Dalka ,waxyaabihii qabsoomay iyo waxay doonayso inay xukuumadu fuliso Hadii aanu idiin sheegno ka xukuumad ahaan waxyaabihii aanu qabanay Laba Milyan lacag ka badanbaa Burco lacagtii Giinbaarta ahayd lagaga bedelay,meelo badan oo debeda ah baa la gaadhay oo shiinahaa ka mid ah, Musuqmaasuqii baa dawladu la dagaalantay, maanta waxaynu haysanaa nabad, waxaa jira hadalo badan oo warbaahinta laga sheegayo oo ah xamar baa la tegayaa waxaan idiin sheegayaa oo idiin cadaynayaa halkan maanta madaxwaynihii baa jooga Gorgortan ma laha madaxbaanideenu laynagamana duwi karo ujeedadeena, waxaanan aad uga mahad naqayaa Gobolkan oo leh gudi horumarineed, gudidan oo noogu timi wadadii oo ay naga dalbadeen waanu ka midho dhalinaynaa miisaaniyada sanadkan baanu ku daraynaa waxaanu wasiirku ugu danbayntii dadwaynaha ka dalbaday inay isku duubnaadaan oo aan la kala qaybin”

 

Waxaa isaguna halkaas hadlay Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waxaanu idiinka mahad naqaynaa soo dhawayntan fiican xisbiga kulmiyena wuxuu idiinka mahad naqayaa inaad tihiin aasaasayaashii. Burco waa xuduntii 18 may 1991 waana wadaniyiin. Burco waxay nasiib u yeesheen sadex Madaxwayne oo soomaaliland soo marayoo Madaxwayne Siilaanyo ugu danbeeyay, waxaynu markhaati ka nahay in Xukuumadani intii ay joogtay ay wax badan qabatay umana baahnin in aynu dhexdeena is qab-qabsano Xukuumadani waxay ogolaatay in Xisbiyada la furto, Xisbiyadana waxaanu leenahay doorasho xalaal ah ayaanu diyaar idiinla nahay kusoo dhawaada” ayuu Gudomiye Muuse hadalkiisii ku soo xidhay

 

waxaa isaguna halkaas ka hadlay oo dadka ugu baaqay inay xukuumada la shaqeeyaan Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada C/casiis samaale waxaanu aad ugu adkeeyay inay u hiiliyaan xukumada oo ay la shaqeeyaan.

 

Dhinaca kale socdaalka Madaxweynaha waxa isagoo ka xanaaqsan war-saxaafadeed ka soo saaray Maamulka Puntland kaasoo canbaareyey booqashadii uu madaxweynaha Dawladda Somaliland shalay ku soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool , waxayna ku tilmaantay inay ahayd mid xadgudub ku ah Siyaasadda Maamulka Puntland iyo rabitaanka shacabka ku nool magaalada Laascaanod hase yeeshee waxa aanu Maamulkaasi mar naba soo dhigan Xukuumadda Somaliland inay in badan dhawraysay Nabada oo ay sheegashadiisa indhaha ka qarsanaysay iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo Laascaanood ka cadeeyay in Gobolka Sool yahay Dhul Somaliland oo laga doortay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Daawo video waftidii balaadhnayd ee uu hogaaminayey Madaxweyna jamhuuriyada somaliland ayaa gaadhay magaalada ceel afweyn oo ka tir san gobolka Sanaag kuna sii fooleh magaalada cerigaabo daawo vediaga.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Degmadda Ceel Afweyn, Khudbadna ka jeediyay Fagaaraha Deegaankaas

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ugu Balan Qaaday Deegaanka Ceel Afweyn in uu Dhisi Doono

 

Ceel Afweyn (GNS) Madaxweynaha Somlailand Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Mar dhoweyd gaadhay Degmada Ceel Afweyn, taasi oo Galbeed ka Xigta Magaaladda ee Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

 

Madaxweynaha Somaliland iyo Waftiga uu hugaaminayo ayaa waxa Magaaladaasi ku soo dhaweeyay Madaxda Dawladda ee Gobolkaasi,kaasi oo uu hugaaminaya Badhsaabka Gobolka Sanaag, Duqa Degmadda Ceel Afweyn, iyo waliba Kumaanaa Qof oo ka mid ah Shacab weynaha Deegfaankaas.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa dadka deegaankaas kula hadlay meel Fagaare ah waxana uu ugu Horeyn uga Mahadnaqay soo dhoweynta ay u sameeyeen, waxana uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uga Warbixiyay Shacabka Deegaanadda Ceel Afweyn Waxqabadka Xukuumadda iyo Waliba waxyaabaha ay Qaban Doonto.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ugu Balan Qaaday Deegaanka Ceel Afweyn in uu Dhisi Doono Cusbitaal lagu Daweeyo Bukaanka Sidoo kale waxa uu Fagaaraha Magaaladda Ceel Afweyn Madaxweynuhu ka sheegay in uu Dhisi doonoi School ay yeelato Degmadda Ceel Afweyn.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa saacadaha Soo Socda la filayo in uu gaadho Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

 

Wixii War ah ee ka soo kordha kala Soco Shabakadda Wararka ee Gabiley News

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah: Waftigii uu Hogaaminayay Madaxwayne Siilaanyo oo Goodhwayd Gaadhay Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo

 

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa Waxa Magaaladaasi ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali X.Cabdi Hurre,

 

Ceerigaabo (GNS)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Mar Dhoweyd Gaadhay Magaaladda Madaxda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa Waxa Magaaladaasi ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali X.Cabdi Hurre, Maayirka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji nuur Faarax, Siyaasyiinta Gobolka, Aqoonyahano, Ardeydada Dugsiyadda, Haween, Ururadda Bulshadda iyo Waliba Qaybaha kala Duwan ee Shacabka Gobolkaasi.

 

Dadkan ayaa Sitay Caleemo Qoyan iyo Waliba Calanka Somaliland, isla markaana waxa ay Ku dhawaaqayeen Haddalo Soo dhoweyneed, taas oo ay ku Taageersan yihiin Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la filayaa inuu maalinta bariya fagaaraha khayriyadda kalaha hadli doono Dadwaynaha reer Ceerigaabo.

 

Safarka madaxwaynaha ee Goboladda Bariga ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo intii uu xilka madaxtinimo ee Dalka qabtay, Waftiga uu hogaaminayo Madaxwaynuhu ayaa ujeedada socdaalkooda ku sheegay Xogogaal unoqoshada Xaalada Dhabta ah ee Gobolada Bariga .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Siilaanyo Oo Khudbad uJeediyay Dadwaynaha Ku Nool Magaalada Ceerigaabo

 

October 11th, 2011

 

Ceerigaabo (Somaliland.Org):- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta meel fagaare ah kala hadlay boqolaal ka mid ah dadwaynaha ku nool magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

 

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa xadhiga ka jaray xafiisyo iyo dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay qaar ka mid ah hay’adaha dawlada ee magaalada Ceerigaabo, waxaanu madaxwaynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland.

 

 

 

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad u jeediyay boqolaal ka mid ah shacbi weynaha magaalada Ceerigaabo ayaa uga mahad celiyay soo dhawaynta diiran ee ay isaga iyo weftigiisa ku qaabileen, waxaanu madaxwaynuhu ka warbixiyay waxqabadyada kala duwan ee xukuumada uu hogaamiyo ay ku talaabsatay muddadii koobnayd ee ay talada dalka haysay.

 

Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu balan qaaday in aanu waxba ka hagranaynin waxka qabashada jidka isku xidha gobolka Sanaag iyo Togdheer. “Walaalayaal waxaa in badan laga hadlay oo aanu ognahay oo xanuun daran ku haysa, in badana ku haysay ilaa weligeedna ku haysay wadadaa dheer ee isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, runta marka aynu ka hadalno wadadaasi anagaba waxay nagu hasyaa oo aanu ognahay wakhtigii aanu mucaaridka ahayn ama ummada reer Somaliland caam ahaan niyada ay u hayaan iyo qiimaha ay wadadaasi leedahay.”

 

“Wax alla waxaanu kala hadhaynaa ma jirto laakiin wadadaasi waa jid dheer oo waa jid lacag badani ku baxayso oo lacagta ku baxaysaa ma aha hadaynu runta ka hadalno wax sanad iyo laba midna lacagteeda haddii miisaaniyada dawlada lagu daro, ay dawladu keligeed bixin karayso ma aha,” Ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxaa kale oo uu sheegay in ay dawladu diyaar u tahay wax ka qabashada wadadaasi, shacbiga gobolka Sanaag iyo shacbi waynaha kale ee Somaliland-na ay ku guubaabinayaan in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaasi waxaanu yidhi “Waxay dawladu diyaar u tahay oo aanu marwalba heegan u nahay,

 

1- In aanu ka qayb qaadano itaalkayagu inta uu yahay oo aanu ka goyno miisaaniyada dawlada wixii nagaga soo beegma.

 

2 – in aanu shacbiga reer sanaag ku guubaabino iyo shacbi waynaha kale ee reer Somaliland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaasi,

 

3 Waxaa kale oo aanu dawlad kasta iyo meel kasta oo aanu tagno oo caalamka ka mid ah oo aynu doonayno in ay wax nagala qabtaan horumarinta dalkeena waxa aanu had iyo jeer u qadinaa mashruuca wadadaa isku xidha Sanaag iyo Togdheer”.

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, maayarka magaalada Ceerigaabo ismaaciil xaaji Nuur oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si wada jir ah u sheegay in shacbiga gobolka sanaag ay taageero balaadhan u hayaan xukuumada Somaliland kana filayaan wax qabad.

 

Waxaanay madaxwaynaha ka codsadeen sidii ay xukuumadu wax uga qaban lahayd wado xumida haysata gobolka Sanaag, oo ay sheegeen in ay dhibaato badani ka haysato isku socodka gaadiidka iyo dadkaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this