Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Banaanbax ballaaran oo looga so horjeedo qarixi hargaha iyo samaha oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif" Walee inaanan ajaanib gabaad doon ah iyo caasi waaldiin ay duufsadeen aanan dalkeyga uga tageeynin"

 

Waxaa maanta Banaabax balaaran oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho uu ka dhacay Garoonka Kubadda cagta ee Banadir Stadium, iyadoo madaxda Dowladda KMG ah, ururada bulshada sida haweenka iyo dhalinyarada ay banaanbaxaasi ka wada qaygaleen.

 

Banaanbaxaasi ayaa ahaa mid uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir, iyadoo dadkii ka qeyb galay banaabaxaasi ay wateen boorar ay ku qornaayeen ereyo ay uga soo horjeedaan qaraxii lagu laayey ardayda iyo iyo shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxayna ku qeylinayeen ereyo ay ka mid yihiin Maxaan Galabsanay oo naloo gubayaa? iyo erayo kale.

 

Sidoo kale Dibadbaxaasi ayaa madaxdii ka qeyb gashay waxay halkaas salaan sharaf ay kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kooxda baambeyda oo halkaas ka garaacay muusikada astaanta u ah calanka Soomaaliya iyo Heeso qiiro ku abuuray dadkii joogay goobtaasi.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa banaanbaxaas ka hadlay, wuxuuna tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka geeriyoodeen ardaydi lagu laayay qaraxii ka dhacay magaalada Muqisho oo uu ku timamaay inuu ahaa mid ka baxsan islaamnimada iy xitaa bani’aadamnimad,a uuna yahay mid horseedi doona soo afjarida dhibaatada Al-shabaab ay ku heyso shacabka Soomaaliyed.

 

“Koox is abaabushay oo qofkii ay rabtana ku tilmaamaysa Gaal mid kalena Murtad leh umadana xasuuqeysa xil kama saarna diinta Islaamka, ALLE ayaa ilaalinaya guud ahaan hase ahaatee dalka iyo dadka iyo diintaba dowladda ayaana mas’uul ka ah hadii ay waajibkeeda gudan weysana ILAAH ayaa kula xisaabtamaya” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

“ Qaraxan lagu laayey ummadda Soomaaliyeed waxaa uu Shabaab u noqon doonaa kii ay ku bixi lahaaayeen insha ALLAAH, anigana waxaan aminsanahay inayba jabeen, waayo? waalidiinta ay caruurta ka laayeen, shacabka Soomaaliyed ee ay baabi’iyeen, masaakiinta ay dabka ku gubeen ee kadibna ay yiraahdeen waa Gaallo intaba ILAAHAY habaarkooda iyo dacwadooda ma dayacayo waadna arki doontaan mar aan dheereyn iyadoo la isweydiinaayo Shabaab meesha ay ka baxeen” ayuu yiri Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed.

 

Waxaa isna halkaas hadlay raisul wasaare C/weli Maxamed Cali oo saakay ku soo laabtay dalka, isagoo u mahad celiyey dowladihii u soo gurmaday dadkii ku dhaawacmay masiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan dowlada Turkiga oo uu sheegay shacabka Soomaaliyed aysan iloobi doonin abaalkii iyada iyo shacabkeeda u galeen umada Soomaaiiyed.

 

Raisul wasaaraha ayaa tacsi u diray eheladii dadka Khasaaraha nafeed uu ka soo gaaray qaraxii hargaha iyo saamaha, isagoo ku guubaabiyay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan in ay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab oo uu sheegay iney baneysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bannaanbax looga horjeedo Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dadka badani ku dhinteen oo Muqdisho ka dhacay

 

 

Axad, Oktoobar 09, 2011 (HOL) — Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ay dadka badan waxyeelladu kasoo gaartay ayaa lagu qabtay maanta Muqdisho, waxaana ka qaybgalay madaxda DKMG ah oo ay ka mid yihiin madaxweyne Sheekh Shariif, ra'iisul wasaare C/weli Gaas, duqa Muqdisho iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

 

Dibadbaxan oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo sheegay in dadka isku soo baxay ay aad uga careysan yihiin qaraxii lagu dilay ardayda badan iyo dadka kale ee shacabka ah.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay wakaaladdii hore ee hargaha iyo saamaha uu ahaa mid aad u fool xun oo ay geysteen dad uu ku tilmaamay damiir laawayaal, isagoo sheegay in dowladdu ay qaadayso taallaabo ka dhan ah Al-shabaab.

 

"Wixii dhacay waxay ahaayeen wax aad u fool xun, waxaana geytay kuwo damiir laawayaal ah. Dadka Soomaaiyeed waxay soo mareen dhibaatooyin kala duwan, waxaa lagu dhibay magacyo kala duwan, balse dadka Soomaaliyeed maalinna ma moodayn in lagu dhibi doono diinta Islaamka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Madaxweynuhu wuxuu intaas raaciyay inuu aad uga xun yahay in lagu laayo dadka Soomaaliyeed magaca diinta islaamka, isagoo tacsi u diray ehellada iyo qoysaska dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxaas.

 

"Hadday la tahay inay dadka cabsi geliyaan oo sidaas ay ku badbaadaan waa wax aan dhacayn, shacabkaan dhibaatooyin fara badan ayaa soo maray waxaa soo maray gumeysi waxaa soo maray dad kuwaan ka awood badn waana la iska kiciyay. Shabaab waa gumeysi cusub waana inaan iska kicinnaa," ayuu mar kale yiri, isagoo intaas raaciyay in shacabka inaan la cabsi gelin karin, ciddii isku daydana inay iyagu khasaaraha ku dambeyn doonaan.

 

Sheekh Shariif, wuxuu shacabkii dibadbaxaas kasoo qaybgalay u sheegay inaysan uga tagay dalkooda dad uu sheegay inay dalalkooda kasoo carareen, isagoo ugu dambeyn halkaas ka duceeyay.

 

"Dunuub fara badan ayaan galnay... qof-qofaan u galnay si guudna waan u galnay ee Ilaahow waan kuu toowbad keennay... Ilaahow ummaddaada dhibaatada haysata ka qaad, Ilaahow amni-darrada amni noogu badan, Ilaahow gaajada iyo abaaraha barwaaqo iyo dharag noogu badala... Ilaahow dadka diinta kuma wada fiicna waan ognahaye kuwa diintaada ku fiican naga dhig," ayuu kusoo afjaray khudbadiisa.

 

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in uu aad uga faraxsan yahay inuu maanta ka qaybgalay dibadbaxan, isagoo sheegay in qaraxii ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid aad u fool xun oo laga naxo.

 

"Waxaan soo maray goobtii uu qaraxu ka dhacay, waxaan ku arkay burbur aad u xooggan, waxaana qaraxaas lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed oo waxbarasho u socda, runtiina dilka dhallinyaradaas janno laguma galo," ayuu yiri C/weli Gaas.

 

Ugu dambeyn, wasiirka garsooradda iyo cadaaladda DKMG ah ee Soomaaliya Ugaas Axmed Bile Gaboowe ayaa ka warbixiyay dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga, isagoo sheegay in lix qof oo ka mid ah ay xaaladdoodu aad u darnayd, basle ay hadda wanaagsan yihiin marka laga reebo hal gabar oo xaaladeedu ay aad u daran tahay weli.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo weerarkii argagixiso ee ay kooxda Al-Shabaab kula beegsadeen xarunta Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho dhalinyaro arday iyo dad shacab ah ayaa waxa uu maanta ka dhacay karoonka Koonis ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Masuuliyiinta sare ee dowladda sida m/weynaha, r/wasaaraha, gud. gobolka Banaadir, wasiiro iyo xildhibaano ayaa dibadbaxan ka qeyb galay kaas oo ay shacabka ku muujinayeen dareenkooda ku aadan xasuuqii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

 

 

 

Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay dibadbaxaasi ayaa ayaa cabaareeyay falkii lagu beegsaday ardayda iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana ay ku baaqeen in si wadajir ah looga hortago kooxda falkan ku jacday ee Al-Shabaab.

 

M/weynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa tacsi u diray dhamaan dadkii ay khasaaruhu ka soo gaareen weerarkan, isagoona uu sidoo kale tacsi taa la mid ah uu diray r/wasaare Dr. C/weli.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibad bax bllaaran oo ay ka qeybgaleen kumannaan ka mid ah dadweynaha Muqdisho isla markaana looga soo horjeeday xasuuqa ay sahabaab ku hayaan shacabka Somaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

 

Isu soo baxan oo ahaa kii ugu weynaa oo muddooyinkan ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa ka qeybagalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horreeyaan ardayda, waalidiinta ayaa waxa ay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah malleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Shabaab.

 

Dibadbaxayaasha oo markii dambe isugu soo ururay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ayaa waxaa halkaasi kula hadlay mas’uuliyiinta ugu sarreeysa dowladda oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Shariif R/wasaare C/weli, wasiirro Xildhibaanno saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta gobolka.

 

Gdudoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay gumaadka ay shacaka ku hayaan kooxda Khawaatijta isagoo dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in shabaab ay baxayaan.

 

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda,awqaafta iyo arimaha diinta Ugaas Bile oo madax u ah guddi uu madaxweynuhu u magacaabay sidii ay u daryeeli lahaayeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ardayda lagu laayay oo halkaasi ka hadlay ayaa warbixiyay xaaladii dhaawacyada la qaaday.

 

Ugaas Bile ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay qaaday 36 ka mid ah dhaawacyadii ugu darnaa oo ay ay wehliyaan 36 kale oo eheladooda ah, wuxuuna tacsi u diray arday geeriyooday markii la qaaday kadib kaas oo lagu magacaaboAsad Cabdi Saciid, lix ka mid ah dhaawacyadaasi ayuu sheegay in xaaladuudu ay aad u liidato.

 

Dibad baxaasi ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u nabdoon iyadoo ciidamada dowladuna ay ku guuleeysteen sugidda amaanka dibadbaxayaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalis in Mogadishu hold anti-militants rally to denounce recent bombing that killed over 100

 

MOGADISHU, Somalia — Thousands of Somalis have gathered in a soccer stadium in the country’s capital to denounce the recent truck bombing that killed more than 100 people.

 

The blast was claimed by the al-Qaida-linked militants of al-Shabab who vowed to increase attacks “day by day” against the government and African Union peacekeepers.

 

President Sheik Sharif Sheik Ahmed urged the crowd gathered Sunday to help government forces in eliminating the militants whom he called “religious thugs.” The rally, also attended by other officials, was held under tight security.

 

A truck loaded with drums of fuel exploded Tuesday at the gate of a compound housing several government ministries on a busy street in Mogadishu.

 

It was the deadliest single bombing by al-Shabab since its insurgency began.

 

IMG_3670.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this