Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamadda Xooga Dalka iyo Amisom oo gaaray duleedka Kaaraan iyo guluf ku socdo huriwaa iyo sh/dhexe

Recommended Posts

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay howl gallo ka wadan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyadoo dhinaca kale ay ciidamada dowladda qasaaro gaarsiiyeen kooxda Shabaab oo deegaanno ka tirsan Kaaraan laga saaray.

 

Ciidamad dowladda Soomaaliya oo saakay arroortoo howl gal ka fuliyay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay kooxda Shabaab ka saareen deegaanno ay degamadaasi haraadi uga ahaayeen.

 

Saraakiisha ciidamada dowladda ee howl galkaasi hoggaamineysa ayaa inoo sheegay in sidoo kale ay wadaan baari taanno xooggan oo dhanka amniga.

 

Dhinaca kale saraakiisha ayaa sheegay in ay dileen illaa iyo 10 ka tirsaneed kooxda Al-Shabab oo isku dayay in ciidamad dowladd in ay iska cabin kala hor yimaadaan.

 

Dadka deegaanka aya dhankooda sheegay in kooxda Shabaab qasaaro xoog leh in uu soo gaaray kaddib ciidamada dowladda oo saakay kusoo kalahay qayb ka mid ah degamada Kaaraan kooxda Shabaabna laga cayriyay.

 

Howl galka ayaa welli ka socda degannadii uu saakay ka billaawday iyadoo ay suura gal taha in uu ku fiddo xaafado hor leh oo ka tirsan degamada Hillawaa ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa midowga Afrika ee Amisom ayaa saakay waaberigii bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Ammaanka Caasimadda ayaa la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan Waqooyiga magaalada Muqdisho ayadoo dhanka kalena uusoo baxayo faah faahin ku aadan qasaaraha ka dhashay howlgalka.

 

Ciidammada Dowladda ayaa waxaa ay hada ku guuleysteen inay xaqiijiyaan Ammaanka guud ahaanba degmada Kaaraan oo xaafado ka mid ah ay horey ugu dhuumaaleysan jireen Maleeshiyada kooxda Shabaab waxaana Ciidammadu ay fariisimo ka sameysteen Isbitalka Keysaneey ayaga oo dhanka kalena isku fidiyey guud ahaanba xaafadaha degmada Kaaraan.

 

Gudoomiyaha maamulka degmada Kaaraan C/laahi Maxamed Rooble oo goor dhow la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan xaafada Buurka Dico ee degmada Kaaraan ayaa tilmaamay in howlgalka saakay ay ku dileen ku dhowaad Toban ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab islamarkaana isbitalka Keysaney ay ku qabteen dhaawacyo tira badan oo kooxda halkaasi ka yiilay iyo Maleeshiyo ilaalo u aheyd oo iyana nolosha hada lagu hayo kuwaasi oo sharciga la horkeeni doono.

 

Dad deegaanka ah oo ku sugan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho oo iyana aynu la xiriirnay ayaa tilmaamay in saakay ay kuwada naaloonayaan guud ahaanba dadka degmada Neecaaw xuriyadeed oo dhibtii gumeystaha Madow ee Shabaab laga dul qaaday islamarkaana ay iyanu saakay u tahay maalin farxadeed maadaama guud ahaanba degmada si buuxda Ammaankeeda loo xaqiijiyey.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo aan kol dhow iyana la xiriirnay ayaa tilmaamay in howlgalkan uusan joogsan doonin ilaa inta laga gaaro yoolka la hiigsanayo oo ah in guud ahaanba dalka laga sifeeyo Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

 

WIXII WARAR AH EE KUSOO KORDHA IYO SAWIRRO haka fogaan radiomuqdisho.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada XDS ayaa maanta la wareegay guud ahaan degmada Kaaraan kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada XDS oo fariisimo cusub haatan ka sameeystay duleedka degmada kaaraan.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo saakay waaberigii u jaheystay waddooyinka dhinaca Cisbitalka Keysaney uga baxo degmada kaaraan ayaa la wareegay deegaanno ay kooxdu kaga sugneyd inta udhaxeysa galgalato iyo saldhiga degmada iyagoo sidoo kalena gacanta ku dhigay deegaannada Sheekh Cali Cabdulle, sarta habar gaalo cisbitalkii Keysaney iyo dhulka buuraha ah ee dhinaca Ceel maacan kaga beegan degmadaasi.

 

Saraakiisha ciidamada dowladda ee howl galkaasi hoggaamineysay ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayo goobaha maanta lala wareegay iyo sidii ay ugu sii siqi lahaayeen goobo hor leh.

 

Dhinaca kale saraakiisha ayaa sheegtay in ay dileen illaa iyo 10 ka tirsan kooxda Al-Shabab oo isku dayay in ciidamada dowladda ay iska caabin kala hor yimaadaan. Iyagoo dhinaca kalena gacanta ku dhigay dhowr maleeshiyo kadib markii ay adeegsadeen taatikada ay caanka ku yihiin.

 

Dadka deegaanka ayaa dhankooda sheegay in kooxda Shabaab qasaaro xoog leh in uu soo gaaray kaddib ciidamada dowladda oo saakay ku soo kalahay qayb ka mid ah degmada Kaaraan kooxda Shabaabna laga cayriyay.

 

Howl galka ayaa welli ka socda duleedka degmada Kaaraan iyadoo ay suura gal tah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kadib markii Dowladda Somaliya ay Khamiistii shaaca ka qaaday inay taggi doonto deegaanada ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay maanta bilowday dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Xoogaga Shabaab.

 

Dowladda Somaliya ayaa waxay maanta ciidamo xoogan ay u daabushay dhinaca degmada Kaaraan, gaar ahaan deegaanada ay iska soo gallaan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa, iyadoo dhinaca badana ay Dowladda uga siqday wadada dheer ee xeebta ee aaday Gobolada Dhexe.

 

Boqolaal ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Midowga Afirika ee Amisom oo ay kaabayaan gawaarida gaashaaman ee Taangiyada, ayaa waxay saakay u dhaqaaqeen dhinaca duleedka degmada Kaaraan.

 

Ciidamadda ayaa waxaa saakay wa-xoogaa iska caabin aan buurneen kala hor yimid Ciidamadda Shabaab ee ku haray degmada Kaaraan, hase ahaatee waxaa la-sheegay inay jiireen oo ay gaareen meelo fog fog.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay hada ku sugan yihiin Cisbitaal Keysaney, halka Dowladda Somaliya ay goor dhaw sheegtay in Ciidamadda Dowladda ay qaarkood fariisimo ka dhigteen Dhismihii Habar Gaallo ee degmada Kaaraan.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso, inay gacanta ku dhigto degmooyinka Gobolka Banaadir oo idil, isla-markaana ay ku sii fiddo goobo hor leh, si’ay u xakameyso dhaq dhaqaaqyada caasimadda.

 

Dhanka kale waxaa jira baqdin ku aadan in dagaalo xoogan ay dhex maraan Ciidamadda Dowladda Somaliya oo ay kaabayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom iyo Xoogaga Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkayna dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo xoogan ayaa waxay maanta ka dhaceen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana ay iminka magaaladda ka soconaaya dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya dhinacyada dagaalameysa.

 

Dagaalada ka soconaaya magaaladda Muqdisho ayaa yimid, kadib markii Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ay maanta isku fidiyeen qeybo ka mid ah magaaladda Muqdisho.

 

Labada dhinac ayaa waxaa dhex maray dagaalo xoogan oo geystay khasaarooyin kala duwan, waxaana markale laga cabsi qabaa in labada dhinac ay dhex maraan dagaalo kaloo aad u xoogan, geysta khasaarooyin hor leh.

 

Dagaalada ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen xaafadaha ku dhaw dhaw Masaajidka Sheekh Cali Cabdulle ee degmada Kaaraan, isla-markaana Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom, ayaa waxay ku fideen deegaano hor leh.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladu ay geysteen khasaarooyin kala duwan, iyadoo gawaarida gargaarka deg degga ah ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay dhaawacyadoodu ka soo qaadeen degmada Kaaraan, waxayna soo gaarsiiyeen cisbitaalada ku yaalla xeendaanka ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan inay jiraan khasaarooyin kale oo gaaray dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee majirto wax faah faahin ah oo laga haayo, bacdamaa ay Xarakada Al Shabaab ka gaabsatay inay ka hadasho.

 

Dagaalo goos goos ah ayaa waxay weli ka soconayaan xaafadaha ku dhaw dhaw Masaajidka Sheekh Cali Cabdulle ee degmada Kaaraan, waxaana goor kastaa dhici kareysa in dagaaladu ay dib u xoogeystaan.

 

Ugu dambeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, oo maanta isku balaarin ka sameeyay magaaladda Muqdisho, ayaa waxay taggeen Cisbitaal Keysaney oo qiyaastii 20km u jira bartamaha magaaladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo maanta hawl-gallo ka sameysay magaaladda Muqdisho, ayaa waxay guulo balaaran ay ka sheegatay dagaalo ay maanta la-gashay Shabaab iyo isku balaarin ay ka sameysay degmada Kaaraan.

 

Maxamuud Maxamed Saneey oo ka tirsan Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga Waqooyi ee Magaaladda Muqdisho, oo warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan, ayaa wuxuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Sheekh Mukhtaar.

 

“Waxaan dilnay seddex ka tirsan nimankaan nabadiidka ah, waxaanu ka qabanay laba nin, oo uu ka mid yahay ninkii isir naceybka dadka u qali jiray, ee ku qali jiray degmada Kaaraan, hadana wuxuu ku jiraa gacanteena, magaciisana waa Mukhtaar” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Saneey.

 

Wuxuu sheegay in Sheekh Mukhtaar uu caan ka ahaa degmada Karaan, wuxuuna sheegay in Xarakada Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhinaca gawraca, isla-markaana wuxuu sheegay inay cadaaladda hor-keeni doonaan.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wado hawl-gallada ay dib maanta uga bilowday magaaladda Muqdisho, waxaanu sii wadi doonaa buu yiri ilaa aanu ka gaarno dhamaan meelaha ay jooggaan.

 

Dhanka kale Sheekh Mukhtaar oo Shabaab qeybta gawraca u qaabilsan, ayaa waxaa la-rumeysan inuu gudaha magaaladda Muqdisho uu ku gawracay xubno ka tirsan reer Muqdisho, oo isugu jira dhalinyaro iyo wax-garad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naga soo wac halkan (Skype)

Skype Me™!

 

 

 

 

 

War Deg Deg ah:Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo saakay qabsaday Fariisimo Cusub iyo Maleeshiyaadkii Al-Shabaab oo isaga cararay deegaano dhowr ah.

 

Waxaa saakay waa Hiirkii ka dhacay duleedka Degmada Kaaraan iska hor imaadyo kooban oo socday muddo, kuwaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo maleeshiyooyin ka tirsan ururka Al-Shabaab, dagaalkaasi oo ka dhacay agagaarka Ceel Cadde ee duleedka degaanka Xaliimo Hiite iyo deegaanada ku dhow.

 

Dagaaladaasi ayaa la sheegay in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay halkaasi isaga carareen kaddib markii dagaal aan waxba la isula harin ay la galeen Dowladda iyo AMISOM, iyadoona la sheegay in Shabaabka halkaasi uu ka soo gaaray qasaarooyin lixaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawacyo, gaadiid dagaal oo laga gubay qaarna laga qabtay, hub iyo agab Milateri.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaaladaasi ka dhacay degaanka Xaliimo Hiite uu ka dambeeyay kaddib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar lixaad leh ku qaadeen aagagaasi duleedka magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi oo qorsheysnaa ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Dowladda inuu ahaa mid lagu guuleystay.

 

Ciidamada AMISOM ayaa bilaabay inay fariisimo cusub ka sameystaan degaanada Sheekh Cali Cabdulle iyo Xaliimo Hiite, halkaasi oo horay maleeshiyada Al-Shabaab u heysteen, waxaana sidoo kale wadada dheer ee lagu magacaabo Waxarcadde iyo Gubadley ku yaacay ciidamada Dowladda oo raxan raxan u socda.

 

Dhinaca kale degaanada Suuqa Xoolaha iyo Ceel Cirfiid oo ururka Al-Shabaab ka taliyo ayaa la soo sheegayaa inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada ku soo wajahan, iyadoona la arkayay maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo dadka ugu yeeraya inay ka qeyb qaataan dagaalada.

 

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble ayaa sheegay in saakay dagaaladii ka dhacay qeybo ka tirsan degmadaasi uu ahaa mid lagu jebiyay kooxda Shabaab, wuxuuna caddeeyay in dhammaan degaanada ku yaala dhinaca beri guud ahaan la wareegtay Dowladda KMG ah.

 

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa haatan ku sugan deegaano dhowr ah oo uu ka mid yahay Cusbitaal Kaysanay ee Duleedka Degmada Kaaraan, iyadoo Ciidamadu la socdaan saraakiil iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo iyana xukumaysa askarigii lagu arka falal ka baxsan ansaxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sida uu sheegayo qof goobjooge ah ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan duleedka magaalada Muqdisho, iyagoo iminka gaaf wareegaya degaano ku dhow suuqa xoolaha inkasta oo ay jiraan rasaas goos goos ah oo xilliyada qaarkoodm maleeshiyada Al-Shabaab ay ku soo ridayaan.

 

Waxaa iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan weerarada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen maleeshiyaadka xarakada Al-Shabaab, waxaana haatan madaafiic sida roobka oo kale ugu socda degaano ka tirsan suuqa Xoolaha, halkaasi oo la soo sheegayo in maleeshiyada Shabaabka ay ka sii guranayaan isla markaana ka sii baxayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen.

 

Xaaladda dhaqdhaqaaqa Suuqa Xoolaha ayaa la sheegayaa inuu saameyn ku yeeshay ganacsigii iyo isu socodkii dadka iyo gaadiidka, iyadoona madaafiicda ku dhaceysa suuqa ay ku geeriyoodeen ilaa iyo iminka saddex ruux halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan ururka Al-Shabaab ciidamadooda inay iminka isu diyaarinayaan sidii ay uga bixi lahaayeen suuqa Xoolaha, xerada Maslax iyo degaanada ku dhow dhow, halka dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in maleeshiyada ku hartay degaanadaasi ay dalbanayaan gurmadyo ciidan, hub iyo saad milateri ah si ay isaga caabiyaan hirarka weerarada ah ee ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo qorsheynaya inay qabsadaan labada Kontrol ee Muqdisho laga ilaaliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin ku saabsan dagaalladii Muqdisho ku dhexmaray DKMG ah, AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab

 

Sabti, Oktoobar 08, 2011 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jira ayaa ku dhintay dagaal maanta degmada Kaaraan ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab, waxaana ku dhaawacmay dagaalkan 21-qof oo kale.

 

Dagaalkan oo ahaa mid billowday kaddib markii ciidamad dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay Al-shabaab kaga sugnayd degmada Kaaraan, waxaana la sheegay in ciidamada dowladdu ay hormar ka sameeyeen dagaalka maanta.

 

Dadka shacabka ah ee ku dhintay dagaalka ayaa waxay isugu jiraan kuwo ay meelo fog-fog ku haleeleen xabadaha dagaalka iyo kuwo ay madaafiici kula dhacday goobihii ay ku sugnaayeen.

 

G/sare Maxamed Maxamuud Saney oo ah taliyaha guutada koowaad ee ciidamada dowladda KMG ah oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu uga dhintay hal askari ayna uga dhaawacmeen shan kale, isagoo xusay inay ku dileen saddex ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ayna ku qabteen afar kale, oo uu sheegay inuu ku jir sarkaal aad looga yaqaan degmada Karaan oo uu magaciisa ku sheegay Mukhtaar.

 

"Culeys badan nagama horimaan - waxaana diyaar u nahay inaan wixii hadda ka dambeeya kula dagaalanno Al-shababa meelaha ka baxsan magaalada," ayuu yiri Col. Saney oo intaas ku daray inay gacanta ku hayaan isbitaalka Keysaney ayna sii wadayaan dagaalka.

 

Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble oo isna saxaafadda kula hadlay degmada Kaaraan ayaa sheegay inay shacabka ugu baaqayaan inay is-dajiyaan, wuxuuna ka digay in goobaha ay Al-shabaab ka baxday lagu deg-deg tegitaankooda.

 

"Dowladdu waxay baaris ku sameynaysaa goobihii ay ka baxday Al-shabaab, marka waa inaysan dadku ku deg-degin goobahaas," ayuu yiri C/llaahi Rooble oo intaas ku daray inay dhici karto in waxyaabo qarxa oo looga tagay ay shacabka dhibaato kasoo gaartay.

 

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo ku saabsan dagaalka, inkastoo saakay ay idaacada Andulus sheegtay in la fashiliyay weerar ay AMISOM iyo DKMG ah ku doonayeen inay ku weeraraan fariisimo ay Xarakadu kaga sugnayd degmada Karaan iyo degmooyin kale.

 

Inkastoo dagaalku uu joogsaday, haddana waxaa la maqlayaa hub hugunka hubka culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayaan kuwaasoo qaarkood ku dhacaya goobo ay ku sugan yihiin dad rayid ah oo dagaalka lug ku lahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: - Dagaal ayaa saakay ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan kadib marki ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ay u ruqaansadeen dhankaasi iyo degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa.

 

Dagaalo ayaa saakaydi hore ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan kadib marki ay ciidamada is garabsanaya ay u dhaqaaqeen dhinaca shishe ee degmada Kaaraan iyaga oo ka ruuqaansaday saldhigyadi ay ku lahaayeen isgoyska Kaaraan.

 

Dad goob joog ah ayaa sheegay in xaafado ay ka mid yihiin Arjintiin iyo Gubadleey ay ka dhaceen iska hor imaadyo marki maleeshiyada Al Shabab ay iska caabin kala hor tageen.

 

Saraakiil u hadashay dowlada ayaa sheegtay in dagaalki saakay ay ku dileen ka badan 10 ka tirsan Al Shabab, walina uu socdo waxa ay ku tilmaameen howlgal is balaarin ah.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in gulufka dagaal ee saaka ka bilowday magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay qorshayaasha ay wadaan dowladda iyo Amisom oo ay ku doonayaan in magaalada Muqdisho inteeda kale ay qabsadaan.

 

Dagaalkaan iyo is balaarinta ay saakay bilaabeen AMISOM ayaa kusoo beegmaya xilli shalay taliyaha ugu sareeya ciidamada Amisom Jen. Fred Mugisha uu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay ku qabanayaan magaalada Muqdisho inta uga harsan.

 

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegi doonaan degmooyinka Dayniile iyo Heliwaa qeybaha ay shabaabka ku hareen.

 

Dadka deegaanka ayaa saaka muujinaya cabsi ku aadan dagaalada iyo is fidinta ciidamada midowga Afrika oo saaka dhaq dhaqaaq ciidan oo ballaaran ka wada Muqdisho.

 

Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha ay dadka rayidka ah u geysteen dagaalada saakay ka socdo qeybo ka mid ah degmada Kaaraan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Goobo strategy leh oo dagaalka ku haboon ayeey gaareen Ciidanka xooga dalka hore uu socda! Huriwaa 2 dhinac ayaa lagaga so weerari doona dhanka ramadaan iyo dhanka waxarcadde sii fudud ayaa lagu jiiri doona hadda kedib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this