Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilaanyo visits togdheer and eastern regions

Recommended Posts

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wafti Balaadhan uu Hugaaminayo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Sool, Soona Booqday Xeryaha Ciidamadda Qaranka ee Jiidaha Horre.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa kormeer indha indhayna ku soo maray xeryaha ciidamada Qaranka Somaliland isaga oo halkaasi kulamo..

 

Laascaanood (GNS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Maanta si rasmi ah u soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Siilanayo ayaa waxaa ku wehliya safarkiisan wasiiro ka tirsan maamulkiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha,wasiirka madaxtooyada iyo wasiiro kale, sidoo kale waxaa Madaxweynaha la socda, Marwadiisa koowaad Aamina Waris Maxamed Jirde.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa Magaaladda Laasacanood kaga soo horeeyay wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade.

 

Madaxweynaha ayaa waxa soo Dhaweeyay Boqolaal Qof oo ka mid ah Shacab Weynaha Magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo iskugu jirey Ardey, Dhalinyaro, Haween, Siyaasiyiin, Madaxdhaqmeedyo, iyo Bulsho kale oo Far badan.

 

Dadkan Soo Dhaweeyay Madaxweynaha ayaa ku Dhawaaqay hadalo Soo Dhoweenayd, kuwaasi oo ay ka mid ahaayene “ Madaxweyne Noolow, Geesigii Qarankoow Waligaa Ha Dhicin iyo Hadalo kale “

 

Dadkan soo Dhaweeyay Madaxweynaha ayaa sitay Caleemo Qoyan iyo Waliba Calanka Qarankla Somaliland, waxana ay Madaxweynaha kaga Hortageen Afka Horre ee Magaalaadda laga Soo Gallo.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa kormeer indha indhayna ku soo maray xeryaha ciidamada Qaranka Somaliland isaga oo halkaasi kulamo kula qaatay madaxda ciidamada qaranka oo xog waran ka siiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku Sugan yihiin Ciidamada Qaranku

Madaxaweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu kulmo kala Gadisan la qaadan Doono Qaybaha kala duwan ee Bulshadda Laascaanood gaar ahaan Madaxdhaqmeedyadda Reer Laascaanood iyo xubno ka yimi qurbaha oo ay soo wakiishaan odayaasha Laascaanood.

 

Lama ogaa inta uu Madaxweyne Siilaanyo Joogi doono Magaaladda Laascaanood.

 

Si kastaba ha ahaatee Waa Markii ugu Horeysay ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu Safar ku tago Magaalada Laascaanood, Tan iyo intii uu ku guulaystay Doorashooyinkii dalka Ka Qabsoomay Sanadkii in dhaafay.

 

Wixii ka soo kordha kulamadaasi iyo socdaalka Siilaanyo kala soco Gabiley News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mandaqadan waxa ku badan dadka aan Somaliland madax-banaanida la jeclayn” Madaxweyne Siilaanyo

 

October 8th, 2011

 

Jawigii soo dhawaynta Weftigii Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolka Saraar

 

Caynabo (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar, waxaanu dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah.

 

Weftiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxa duleedka Magaalada Caynabo ku soo dhaweeyay Boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan gobolka Saraar waxaana madaxweynaha loo dhigay rooga cas oo lagu muuneeyay soo dhawayntiisa.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlay shacbiga magaalada Caynabo ayaa u mahad celiyay shacbigii soo dhaweeyay waxaanu yidhi “Walaalayaal aad iyo aad ayaanu idiinka mahad naqaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen, waxyaabo badan ayay madaxdiinu halkan ka sheegeen in Gobolku u baahan yahay, waanu ognahay in baahiyo badan uu gobolka Saraari u baahan yahay.”

 

Madaxweynaha Somaliland waxa sheegay in ay wax badan qabteen mudadii xukuumadiisu jirtay waxaanu yidhi “Waxaanu is leenahay mudadii yarayd ee sanadka ahayd ee aad xilka hayseen waxaad qabateen wax badan waxbarashadii aasaasiga ahayd ayaanu lacag la’aan ka dhignay, waxa ka mid ah waxyaabaha aanu qabanay shaqaalihii iyo ciidammaddii oo aanu mushaharkii u kordhinayn in kasta oo aanu jeclayn inaanu kafaalo qaadno oo aanu *****lo baahiyaha gobolada oo dhan haddana nooma ay suurto gelin ee waxa noo qorshaysan inaanu anagoo shacbigayaga kaashanayna oo gacmaha is haysana aanu qabano.”

 

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga u soo jeediyay inay ilaashadaan nabadgelyada dalka waxaanu carabaabay inay mandaqadan ay joogaan dad badan oo neceb qaranimadeena.

 

“Waxa dhammaanteen xil inaga saaran yahay inaan ilaashano nabadgelyada dalkeena, waxa mandaqadan waxa ku badan dadka aan Somaliland madax-banaanida la jeclayn, waxaana aad ugu faro badan dadka dibada inagaga soo duulaya waxaan dadweynaha ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay is kaashadaan oo ay meel uga soo wada jeedsadaan dhismaha qaranka,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Md, Siilaanyo waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan wax ka qaban doonaan adeegyada bulshad ee uu u baahan yahay Gobolka Saraar.

 

Waxa madaxweynaha ka hor halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saraar, Xubno ka mid ah waxgaradka deegaankaasi iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdi-casiis Maxamed Samaalle.

 

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiiradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdi Casiis Maxamed Sam aalle, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland iyo saaraakiil ka tirsan madaxda lamaha dawlada.

 

Weftigu galabta ayay dib ugu soo laabteen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacbiga Togdheer oo si xamaasad leh u soo dhaweeyay xukuumadda iyo khudbadii Madaxweynaha ee Khayriyada Burco

 

October 9th, 2011

 

Madaxweynaha Somaliland Oo ka Hadlay Mashaariicda laga fulin doono gobolka Togdheer

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer kala hadlay fagaaraha khayriyada Burco.

 

Kumanaan qof ayaa weftiga madaxweynaha si diiran ugu soo dhaweeyay isla markaana u soo diyaar garoobay khudbada weftigiisa.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka khudbad ka hadlay waxa uu ka waramay socdaalkiisa iyo waxyaabihii xukuumadiisu qabatay waxaanu yidhi “Walaalayaal dadweynaha reer Burco ee Gobolka Togdheer waxaan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa sida aad noo soo dhawayseen Aniga (Madaxweynaha) iyo weftiga balaadhan ee qaranka waxaan ogahay inaad saaka oo dhan aad milic taagnaydeen taasina waxa weeye jacaylka aad u qabtaan dawladnimada iyo qaranimada. Walaalayaal waxaanu wax ka qabanay waxyaabo badan muddadii koobnayd ee aanu xilka haynay haddii ay tahay mushahar kordhintii Ciidamada, shaqaalaha iyo dhinaca waxbarashada.”

 

“Walaalayaal si aanu Ciidamadda u dhiiri gelino waxa aanu booqanay Gobolka Sool oo aad iyo aad naloogu soo dhaweeyay, farxad weyna way noo ahayd inaanu ciidamada qaranka ee jiida hore ee wadanka daafaca booqano oo u mahad naqno oo aanu tusno si aanu u dhiiri gelino,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilanyo.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay dalka intiisa badan kormeer ku soo mareen qeybaha u hadhsana ay booqan doonaan.Madxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in gobolka Togdheer laga fulin doono mashaariic faro badan, waxaanu yidhi “Gobolkan Togdheer ee aan maanta joogno mashaariic badan baa laga fulin doonaa oo qorshaha noogu jira, qorsheyaashaasi waxa ka mid ah ceelal ay inoogu deeqeen Imaaraadka carabta, waxa kale oo ka mid ah Iskuulo badan oo la dhisi doono. Waxa kale oo la dhisi doonaa goobo caafimaad.”

 

“Wadadda u dhaxaysa Burco iyo Hargeysa dhismaheeda balan qaad baanu ka samaynay weftigii balaadhnaa ee ka socday Gudidii horumarinta Gobolka Togdheer ee Hargeysa noogu yimid ayaanu ka wada hadalay. Wadaddaasi oo aanu imikana soo aragnay inshaalaahu tacaalaa miisaaniyada soo socota ayaanu qeybo ka mid ah ku dari doonaa anagoo hubna in meel kasta ha joogeene’e dadweynaha gobolka Togdheer ee reer Somaliland ay iyaguna gacan ka geysan doonaan mar walbana horumarinta gacan ka geystaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Gobolka Togdheer ugu baaqay inay ilaaliyaan wad jirkooda, midnimadooda isla markaana ay ilaalinta nabadgelyada iska xil saaraan.

 

Waxa kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga gobolka Togdheer ku ammaanay kaalintii ay ka geysteen isbedelkii dalka ka dhacay oo uu ku sifeeyay inay ka qaateen door horseednimo.

 

Muuse Biixi waxa uu sheegay in Magaalada Burco ay baal dahabiya kaga jirto sooyaalka taariikheed ee qaranimada Somaliland.

 

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, Wasiirka xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali Iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in gobolka Togdheer laga fulin doono mashaariic faro badan, waxaanu yidhi “Gobolkan Togdheer ee aan maanta joogno mashaariic badan baa laga fulin doonaa oo qorshaha noogu jira, qorsheyaashaasi waxa ka mid ah ceelal ay inoogu deeqeen Imaaraadka carabta, waxa kale oo ka mid ah Iskuulo badan oo la dhisi doono. Waxa kale oo la dhisi doonaa goobo caafimaad.”

 

:D :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this