Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: new political party announced Called Wadani

Recommended Posts

Hargeysa oo lagaga dhawaaqay Urur Siyaasadeed cusub oo la yidhaahdo Wadani oo ay ku bahoobeen Garabkii UCID ka baxay

Hargaysa(Waaheen)Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey oo lagu qabtay hotel maansoor ee magaalada hargeiasa taas oo ay soo qaban qaabiyeen siyaasiyiin uu hor

kacayey Gudoomiyaha Baarlamaanka somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/rahman Cirooo)oo ay weheliyaan xunnihii kasoo go,ay xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Xasan Xuseen Codyare, Maxamed Cabdilaahi Uurcade ,Muuse X.maxamud (Muus inji,) iyo 19 Xildhibaano oo katirsanaa Xisbiga Ucid, Madax Dhaqameedyo,iyo Dadwayne Aad utirabadan ayaa maanta si rasmi ah Loogu dhawaaqay urur siyaasadeed Cusub oo la magac baxay WADANI, xaflada lagaga dhawaaqayey Wanqalka Urursiyaasadeedka Cusub oo ay hadalo iskugu jira gubaabo iyo waano ay hal kaa soo jeediyeen Masuuliyiintii Kahadashay madashaasi

Iyadoo ay ahayd madal aad u xiiso iyo xamaasad leh oo ay dadwaynihii kas oo qayb galay ay aad u jeclaysteen dhamaanba ma suuliyiintii halkaa kahadashay .Waxaana ugu horayn halkaa tafaasil dheer kabuxiyay gudoomiyahay ku meel gaadh ka ah ee urur siyaasadeedka Cusub ee WADANI ahna Gu doo miyaha Baarlamanka Somaaliland

Cabdiraxmaan Maxaamed Cabdilaahi (Ciro) isagootilmaaaamay inay mudo dheer kasoo shaqaynayeen sidii ay ufuri lahaayeen urur cusub oo dadwaynaha reer somaaliland ku diirsadaan waxqabadkiisa. iyo siyaasada ay ku hagi doonaan ururkan ay maanta ku dhawaaqeen ee wadani.

waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” walaalayaal maanta oo taariikhdu tahay 06/10/2011 aniga iyo xubnahan kale ee i weheliyaaba waxaanu ku dhawaaqnay urur siyaasadeedkan cusub ee wadani, markii aanu eegnay distoorka qaranka jamhuuriyada somaliland qodobkiisa 14aad ee aanu aragnay xeerkii ka soo baxay golayaasha sharci dajinta ee dalka markii aanu aqoonsanay inaanu jirin wax sharciya oo noo diidaya inaanu urur siyaasaded cusub furano ayaanu isla garanay inaanu ku dhawaaqno urur siyaasadeedkan cusub, ururkani waxa uu u taagan yahay horumarinta dalka iyo dadka ,waana urur u taagan horu marinta dhalinyarada dalka” gudoomiye cabdiraxmaan mar uu ka hadlayey in ururkoodan aanay lahayn cid gaar waxa uu yidhi ” ururkan wadani walaalayaal waa urur aanay cid gaari lahayn sida ururkii aanu hore uga tirsanaan jirnay oo ay cid gaari yeelatay waana urur ka dhaxeeya dhamaan shacbi waynaha somaliland ururkan hogaankiisa rasmiga ah waxa lagu dooran doonaa shirweynaha ururka oo aanu ku qaban doono mudo dhan 90 cisho waxanan ilaahay ka baryayaa inuu noqdo ururada ku guulaysta inay noqdaan xisbiyo”.

waxa isaguna xafladaa hadal kooban ka jeediyey Xasan Xuseen Codyare oo ka mid ahaa xuninihii ugu mihiimsanaa ee kasoo go,ay xisbiga Ucid kuna soo biiray Urur siyaasadeedka Cusub ee WADANI. waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” ururkan wadani waa urur aanu mudo badan soo wadnay kana soo fikiraynay magacan wadanina waa magac aanu ka soo dhex xulanay magacyo badan oo aanu isku keenay mudadaa badan ee aanu ka soo fikiraynay urur siyaasadkan wadani ee maanta aanu ku dhawaaqnay, ururkan wadani waa urur siyaasi ah isla markaana u taagan horu marka wadankeena oo loo baahan yahay inaad garab istaagtaan sidii uu uga mid noqon lahaa sadexda urur ee hadhaw noqon doona xisbiyada qaranka” .

Waxaa isna halkaa hadal kooban ka soo jeediyey muuse X. Maxamuud Guuleed (Muuse inji )oo ka mida siyaasiyiinta furtay urur siyaasadeedkan cusub ee wadani isagoo utaagan Gudoomiye kuxigeenka Urur siyaasadeedka WADANI waxaanu sheegay in loo baahan yahay in lays garab taago urur siyaasadeekan cusub ee wadani waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” ururkan waxaanu ka soo shaqaynaynay mudo dheer waxaana maanta noo suura gashay inaanu xafladan kaga dhawaaqno markaa waxa loo baahan yahay in lays garab taago urur siyaasdeedkan cusub ee wadani ee aanu maanta ku dhawaaqnay ururkana maaha urur ay cid gaari wadato ee waa urur ka dhaxeeya umada somaliland

waxa kale oo isaguna xafladaa hadal kooban ka soo jeediyey xildhibaan Cali oo ka mida xildhibaanada golaha wakiilada somaliland iyo xisbiga kulmiye-ba waxaanu uu sheegay in sharcigu wakhtigan ogol yahay in ururo siyaasadeed la furto isla markaana ururkan cusub ku sifeeyey inuu leeyahay calaamadihii xisbiga kulmiye markii lagu dhawaaqayey uu lahaa waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ” ururkan wadani waa urur siyaasadeed oo firfircooni ka muuqato marka aad eegto sida ay dadwaynuhu uga soo qayb galeen iyo xubnaha miisaanka culus ee ku jiraba waxaanan odhan karaa waxa uu leeyahay saansaantii xisbiga kulmiye markii sanadkii 2002 lagaga dhawaaqayey hotelkan aan imika joogno ee maansoor, waxaanan u rajaynayaa urur siyaasadeekan cusub ee wadani inuu ka mid noqdo sadexda urur ee soo bixi doona, anigu waxaan ka mid ahaa xildhibaanadii wax ka sameeyey xeerka furashada ururada siyaasada ee xeer lanbar 14aad xeerkana waxa loogu tala galay inuu 10kii sanaba uu mar dhaqan gal noqdo oo lagu baratamo doorashada golayaasha deegaaanka si ay u soo baxaan sadexda xisbi qaran ee iyaguna ku tartami doona doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Waxaana Gabagabadii halkaa hadal koban kasoo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Wakiilada Somalilan C/cassis Maxamad Samaale oo isagu kamid ahaa xubin sharaf lagu soocasuumay Wanqalka Urur siyaasadeedka Wadani waxaanu ku amaanay masuliyiinta soo abaabushay ururkan sida fican ee ay usoo qaban qaabiyeen iyo sida quruxdabadan ee ay Dad waynaha tirade badani usoo ajiibeen wanqalka xaflada .

Waxaana hadaladiisii kamid ahaa sidan “waxaanu nahay laba nin oo aad usaaxiiba waxayna dadku namoodaan inmidkaayo kasoobaxay xisbigiisii oo uu kusoo biiray xisbiga UCID ama KULMIYE waxananau nahay labanin oo isdoortay waxaanu ku soo hal qabsaday hadalkii dube iyo doolaal waxaanu nahay duqay magaalo anaagaaba isdooranay midba duubka wanaagsan buu dushaa kuwataa dudmana loogama yaabo ”

Cabdirahman Adan Madar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadani will be a good party i think it will be a big party it's led by the Current Somaliland Parliament speaker Abduraxmaan Ciiro it has potential.

 

Wadaniyow so dhawoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuxurka Khudbadii C/Raxmaan Cirro Ka Jeediyay Wanqalkii Urur siyaasadeedka WADANI

 

October 6th, 2011

 

Baaniddii Samaale iyo Badhaadhihii Xildhibaan Buubaa iyo Balan qaadkii Cirro

 

Hargeysa (Somalialnd.Org)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno badan oo ka mid ah garabkii isbedel doonka ee dhawaan shaaciyay inay ka baxeen xisbiga UCID, ayaa maanta Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay Wadani.

 

Xafladii loo sameeyay wanqalka urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada iyo masuuliyiin badan oo kala duwan iyo taageereyaashii UCID ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

 

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Ururkan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) furitaankii wanqalka ururka waxa uu ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga waramay asbaabaha ay uga digo rogteen xisbiga UCID, waxa ururkani kag duwan yahay axsaabta kale.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay ururkan wax ka aasaaseen tobaneeyo Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada kaga jiray Xisbiga UCID.

 

C/Raxmaan Cirro khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladaas iyadoo dhamaystiran waxay u qornayd sidan:-

 

“1. Hordhac

 

a. Bisimilaahi raxmaani raxiim, Alxamdulillaah, Wassalaatu Wassalaamu Calaa Rasuulillaah……….

 

b. Mudanyaasha Golaha Gurtida, Mudanyaasha Golaha Wakiilada, Madaxda Axsaabta Qaranka, Sulaadiinta,Cuqaasha, Madaxda Axsaabta Qaranka, Culimaaudiinka, Siyaasisiyyinta iyo aqoonyahanka, Ururadda Bulshadda, Ururada aan dawliga ahayn, Haweenka , Dhalinyaradaa, saxaafadda iyo dhamaan marti sharafta Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idinka salaamayaa salaanta islaamka Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa baraakatuhu waxaanan si kal iyo laaba, qalbi muran, waji furan iyo niyad wanaagsan idiin ku soo dhawaynayaa walqasha urur-siyaasadeedka WADANI.

 

Barigii aynu dhalinyarada ahayn, inta i leeg baan sheegya, marka filim la galo ee uu dhamaanayo waxa hordhac la iska tusi jirya filimka habeen dambe la dhigayo waxaana la odhan jiray boorsaminto. Kulanka maanta waxa uu hordhac u yahay shirweynaha urur siyaasadeedka WADANI, oo aan fillimkii idiin soo bandhigi doono.

 

Mudanyaal iyo marwooyin

 

Maanta maalin wax ka sheeg maaha. Markaas annigu cidna wax ka sheegi maayo.

 

Tobankii sano ee dambeeyey waxaan ka mid ahaa asaasayaashii iyo madaxda Xisbiga UCID waxaanse hortiina ka cadeynayaa inaan maanta iska casilay xilkii aan ka hayey iyo xubinamdii Xisbiga UCID kana mid ahay aasayaasyaasha urur siyaasadeedka WADANI, markaan eegay Qod 5aad Faq 9aad, Qod 9aad Faq 2aad, Qod 9aad Faq 4aad, Qod 10aad, Qod 24 Faq 1aad iyo Qod 24 Faq 2aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxsaabta Siyaasadda lana tashaday garyaqaano oo ii cadeeyay in talaabadan aan qaaday ay waafaqsantahay Dastuurka iyo Xeerarka JSL ( Reference President EGAL).

 

Sidoo kale doodo dhaadheer ka dib, waxa mudanyaasha Golaha Wakiilada JSL ee ka soo baxay UCID, oo aan ka mid ahaa , aan magacyadooda ku dhawaaqi doonaa go’aansadeen inay iska casilaan xubinamdii iyo xilalkii ay ka hayeen Xisbiga UCID kana mid noqdaan aaasayaasha Urur siyaasadeedka WADANI,

 

Md Bashiir X Xuseen Tukaale

 

Md Xaashi Xussen Caabi

 

Md Xuseen Maxamed Cigge

 

Md Ibraahim Mahdi Buubaa

 

Md Cabdulqaadir Askar Xasan

 

Md Mahdi Cabdilaahi Maxamuud

 

Md Maxamed Baaruud Shide

 

Md Faarax Maxamuud Cabdulle

 

Md Siciid Maxamed Cilmi

 

Md Maxamed Faarax Qabile

 

Md Muuse Maxamed Ismaaciil

 

Md Maxamed Jaamac Cali Guuleed

 

Md Jaamac Xasan Adan

 

Md Nasir Xaaji Cali Shire

 

Md Cabdilaahi Axmed Yuusuf

 

BACKGROUND

 

2. Sababaha Dhalashada WADANI

 

a. Ka garnaqii khilaafkii UCID, waxa Maxkamadda Sare JSL ka soo saartay Go,aan u qoraa sidan:

 

• Waxay go’aamisay in dhamaan hay’adaha Xisbiga UCID ee lagu doortay shirweynihii 2aad ee Xisbiga 27/6/2006 ay muddo dhaaf yihiin jiritaanka xaaladooda qaanuuneedna ay tahay mid ku meel gaadh ah inta laga qabanayo shirweynihii Xisbiga.

 

• Waxay maxkamadu go,aamisay in shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabto , laguna qabto muddo saddex bilood gudahood ah oo ka bilaabmeysa maalinta go,aankan lagu dhawaaqo, waxaanu shirweynuhu ka koobnaanayaa xubnihii ka qayb galay shirweynihii 2aad inta ka nool.

 

b. Waxaa go’aanka maxkamada ku cadaadinay jirin cid gaar oo loo xukumay ama la siiyey Xisbigii UCID.

 

c. Waxaad mudanayaal iyo marwooyin la socoteen go,aanka ka dib in aqlabiyad hogaankii, fulintii , Golihii dhexe, masuuliyintii Gobolada iyo laamaha dibedda ee UCID is casilayeen si joogta ah oo ay ugu dambeysay mudanyaashii Golaha Wakiilada ee UCID

 

d. Waxaan ku qanacnay in xaaadaha qaarkood danta Qaranku ka mudan tahay wax kasta.

 

e. Taas darteed waxaan ku qanacnay in go,aanka maxkamadda Sare JSL iyo Go,aan asaaska urur siyaasadeedka WADANI tixgeliyey kana horeysiiyey danta qaranka wax kasta.

 

f. Go aanka lagu aasaasay urur siyaadadeedka WADNI wuxuu ahaa mid loogu tudhayna Dalka iyo Dadka una danaynayna xasiloonida iyo wadajirka bulshada Somaliland.

 

MISSION

 

3. Muxuu u taaganyahayururka Wadani, Somaliland National Party?

 

a. Wadani wuxuu u taaganyahay SUGIDA amniga Qaranka

 

b. Waxauu u taaganyahay hagidda, hanka iyo hiigsiga muwaadiniinta Somaliland gaar ahaan dhallinyarada.

 

c. Waxauu u taagan yahay hirgalinta, himilooyinka Bulshada Somaliland higsanayso

 

d. WADANI wuxuu u taagan yahay ka rumaynta riyada Muwaadinka Somaliland ee ah inay ka helaan ictiraaf bulshada caalamka

 

e. Waxa uu u taagan yahay gaadhsiinta Somaliland horumar dhaqaale.

 

f. Wuxuu u taagan yahay ixtiraamka dastuurka iyo ku dhaqanka shuruucda( LAW & ORDER)

 

g. Wuxuu taagan yahay taabo gelinta talo wadaag, wada noolashad , dulqaad iyo sinaanta muwaadiniinta .

 

MABAADIIDA URUR-SIYAASADEEDKA WADANI

 

4. Siyaasadda ururka

 

a. Ururka Wadani waxa uu horseed ka yahay Siyaasad Xariir ah kana muuqdo bisayl hogaaminadeed

 

b. Ururka Wadani waxa uu ka soo horjeedaa, siyaasad guryo-noqosho ah

 

c. Ururka wadani wuxuu u taaganyahay siyaasad ku salaysan wadajir, isku-duubni iyo danta guud oo loo midoobo si loo hormariyo wadankeena Somaliland

 

d. Siyaasadda ururka Wadani waxa u sal ah, wada-shaqayn dhexmarta dhammaan inta ku foogan siyaasadda Somaliland, oo laga gudbo siyaasadda ku dhisan muran iyo khilaaf.

 

e. Ururka Wadani wuxuu ka shaqaynayaa sidii Dhallinyarada Somaliland, dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay talada wadanka uga qayb gali lahaayeen, waxaanu taageeraynaa in hoos loo dhigo dada ay ku gelayaan dhallinyaradu golayaasha qaranka

 

f. Siyaasadda Wadani waxa mudnaan siinayaa deris wanaaga dawladaha Jaarka iyo wada-shaqayn ay ugu mudan yihiin dhaqaalaha iyo amnigu.

 

URURKA WADANI IYO BAAHIYAHA SOMALILAND

 

5. UrurkaWadani waxa uu aaminsanyahay in Somaliland baahiyaheeda ugu weyniyihiin:

 

a. Aqoonsi Caalamiya oo ay kaga mid noqoto bulshada caalamka si ay u hesho xuquuqdeeda ummadnimo una gudato waajibaadkeeda dawladnimo.

 

b. Midnimo dhexdeenna ah iyo gacmaha oo la is qabsado si aynu u noqonno qaran wadajira oo dan isku mid ah leh kana gudubno isu-fiirsiga hoose .

 

i. Si Somaliland u hesho Aqoonsi caalamiya, waxay u baahantahay aqoon iyo waayo-aragnimo diblumaasiyadeed, iyo xidhiidho caalamiya. Ururka Wadani iyo hogaankiisu waxa uu haystaa khibraddaas, aqoontaas, waayo-aragnimadaas iyo xidhiidhkaas.

 

ii. Sidoo kale, si aynu u gaadhno midnimo dhexdeenna iyo isku-duubni, waxa loo baahan yahay hogaan leh sifooyinka midnimno, dhexdhexaadnimo isla markaana aan wadan xajiin siyaasadeed, taasna waxa u taagan ururka Wadani

 

6. Ururka Wadani waxa uu tixgalinayaa

 

a .Xoriyada ,karaamada iyo qofnimada Wadaniga reer Somaliland.

 

b. Madaxbanaanida Saxaafada xorta ah.

 

c. Dhamaan Xuquuqda Wadaniga reer Somaliland iyo Cidii la noolba.

 

7. Balanqaadka Ururka WADANI.

 

a. Wuxuu WADANI ummadda reer Somaliland u balanqaadayaa hogaamin toosan.

 

b. Siyaasad Mudakara iyo Xuquuq siman.”

 

Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, waxanu sheegay inuu si kalsamiya u soo dhawaynayo ururkan Wadani oo uu u rajeeyay inuu noqdo sadexda urur ee u gudba xisbinimo.

 

Md. Cabdicasiis Samaale, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee sheegay inaanay ku galayn doorashada diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada ee kalhore, waxaanu ku tilmaamay kuwo ka baqanaya inay ku hadhaan doorashada Goleyaasha deegaanka.

 

Guddoomiye Ku Xigeenku waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu ka hawl galo sidii ay dhawaan u qabsoomi lahayd doorashada Goleyaasha deegaanka.

 

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Xoghayihii hore ee xisbiga UCID Md. Muuse Xaaji Muxumed Guulleed (Muuse Inji) iyo Afhayeenkii hore ee xisbiga UCID Md. Xasan Xuseen Codyare, waxaanay ka warameen ahdaafta ururkoodan cusub oo ay sheegeen inuu noqon doono mid dimuqraadi ah.

 

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa ayaa sheegay inuu iska casilay xubinimadii xisbiga UCID oo uu ku biiray urur siyaasadeedkan Wadani.

 

Sidoo kale, Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsanaa xisbiga UDUB, ayaa sheegay inuu ka baxay xisbiga UDUB kuna biiray urur siyaasadeedkan wadani.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Parliamentary Speaker launches Somaliland National Party

 

Posted on 06/10/2011

Hargeisa(JSLTimes)-The speaker of Somaliland parliament Mr., Abdirahman Mohamed Abdilahi ‘Ciro’ accompanied by politicians, MP’s, religious leaders and members of Society from all walks of life attends a well-organized ceremony of the launching of new political party by the name of Somaliland National Party yesterday.

 

The new party endorsed by popular figures from all provinces of Somaliland and is spearheading by the veteran diplomat and politician by the name of Ciro.

 

The official launching ceremony was held in Mansoor hotel and attended six hundred people representing all societies. The attendees include officials from UDUB and Kulmiye.

 

The launch of the party is expected to change the general feeling of Somaliland society living in Hargeisa.

 

The widely known Somaliland singer Mr. Nuur Daalacay sang a song in favor of the Somaliland National Party.

 

The deputy speaker of Somaliland parliament Mr. Abdiasiis Mohamed Samale made a speech at the official launching ceremony and supported strongly the formation of political parties in the country.

 

At the ceremony, it was announced that seventeen MP’s defected from UCID and joined the newly launched party by the name of Somaliland National party.

 

The names of defectors are written below:-

 

 

Mr. Bashiir X Xuseen Tukaale

 

Mr. Xaashi Xussen Caabi

 

Mr. Xuseen Maxamed Cige

 

Mr. Ibrahim Mahdi Buubaa

 

Mr. Cabdulqaadir Askar Xasan

 

Mr. Mahdi Cabdilaahi Maxamuud

 

Mr. Maxamed Baaruud Shide

 

Mr. Faarax Maxamuud Cabdulle

 

Mr. Siciid Maxamed Cilmi

 

Mr. Maxamed Faarax Qabile

 

Mr. Muuse Maxamed Ismaaciil

 

Mr. Maxamed Jaamac Cali Guuleed

 

Mr. Jaamac Xasan Adan

 

Mr. Nasir Xaaji Shire

 

Mr. Cabdilaahi Axmed Yusuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Lucky they didn't say Wadhani, but even Waddani is an Arabic word, so until we go back to the beauty of our language, we are not promoting our calture, in this case, language.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;750139 wrote:
Wadani? hehehe this party might be the one to end the night time chat dream project... Go Wadani!

You are disappointed with Kulmiye ,,, eh ?? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this