Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Ministerial Delegation received by Kenyan Prime minister Raila Odinga+PICS

Recommended Posts

Ra’iisal-wasaaraha Kiiniya oo sheegay in ay Somaliland u qalanto aqoonsi caalami ah

 

October 5th, 2011

 

Nayroobi (Somaliland.Org) – Ra’iisal-wasaaraha Dalka Kiiniya Md Railla Odinga ayaa markii u horraysay ka hadlay qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu sheegay in ay u qalanto inay aqoonsi caalami ah ka hesho beesha caalamka .

 

Ra’iisal-wasaaruhu waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh. Khaliil C/laahi Axmed ee gargaarka binu’aadanimo gaadhsiiyey xeryaha qaxootiga Soomaalidu ay ku jiraan ee dalka Kiiniya.

 

Ra’iisal-wasaaraha Kiiniya waxa uu sheegay inuu si mug leh uga warhayo ulana socdo xaalada Somaliland iyo marxaladihii ay soo martayba.

 

Railla Odinga waxa uu intaasi ku daray in ay Somaliland kaalin muhiim ah mandaqada Geeska Afrika kaga jirto, waxaanu ku amaanay raashinkii iyo dawooyinkii gargaarka ahaa ee ay soo gaadhsiiyeen Soomaalidii ku tabaaloobay abaaraha iyo macaluusha ba’an ee ka jirta ee dalka Soomaaliya ee ku jira xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

 

Ra’iisal-wasaaruhu waxa uu ka waramay xidhiidh iyo saaxiibtinimo qoto dheer oo uu tilmaamay in ay ka dhaxeysay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuun Maxamed Ibraahim Cigaal iyo isaga Aabbihii oo ahaa siyaasi caan ka ah dalka Kiiniya.

 

Railla Odinga waxa uu sheegay in Somaliland muddo kooban ay ku gaadhay horumar ballaadhan oo dhinacyo kala duwan leh, waxaanu ku dhaqaqday horumarka isa soo taraya ee ay ka gaadhay dhinacyada nabadgelyada, dawlad wanaagga, dimuqraadiyada, isgaadhsiinta iyo adeegyada kale ijtimaaciga ah.

 

Ra’iisal-wasaaraha Kiiniya waxa uu ku dooday in ay Somaliland u qalanto aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka.

 

Dhinaca kale Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil C/laahi Axmed, ayaa Ra’iisal-wasaaraha uga mahad celiyey sida uu ugu soo dhaweeyay dalka Kiiniya, waxaanu gaadhsiiyey salaan uu uga siday Madaxweynaha Somaliland.

 

“Waxaanu mar labaad uga mahad celinaynaa Ra’iisal-wasaaraha Kiiniya sida uu ugu soo dhaweeyey dalkiisa, waxaanu u soo jeedinaynaa inuu sii xoojiyo xidhiidhka iyo cilaaqaadka labada dal”, ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisal Wasaaraha Dalka Kenya Oo Si Taxdir Leh Carabka Ugu Dhuftay In Somaliland La Siiyo Aqoonsi Caalami Ah

 

Raysal wasaare Raila Odinga ayaa dhankiisa isna ka muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu arko dadaalak ay Somaliland muujisay

 

Nairobi (GNS) Waftigii Jamhuuriyada Somaliland ee soo gaadhsiiyay deeqda dadka tabaalaysan ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya oo maalmihii u danbeeyayba ku sugnaa dalkan ayaa manta si rasmi ah kulan ula qaatay raysal wasaaraha dalka Kenya Mudane Raila Omolo Odinga, kulankan oo ka dhacay xafiiska raysal wasaaraha dalka Kenya dhanka Somaliland waxaa u metelayay Wasiirka diinta iyo awqaafta Mudane Sh.Khaliil oo waftiga hogaaminayay, wasiirka ganacsiga , warshadaha iyo dalxiiska Mudane Abdirisaaq Khaliil, xildhibaan Abdiqaadir indho indho, Imaamka masaajidka Ali mataan sh.maxamed Aaden, maareeyaha haayada wadooyinka Mudane Abdi waaxid iyo Safiir ku xigeenka Somaliland Mudane Abdirisaaq Axmed Karaani. Dhanka kale waxaa raysal wasaaraha kulankan ku wehelinayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Mudane faarax macalin iyo agaasimaha guud ee xafiiska raysal wasaaraha mudane Dr.maxamed abdi isaxaaqiya.

 

Wasiirka diinta iyo awqaafta mudane sh.khaliil ayaa raysal wasaaraha u gudbiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Jmahuuriyada Somaliland Mudane Ahmed maxamed maxamuud, kadibna sharaxaad uga bixiyay u jeedada ay u yimaadeen dalkan oo ah inay caawiyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha ku yaala dalkan Kenya, kaalmada ay sideena tahay mid ay soo dhiibeen shacabka Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kale wuxuu aad ugu mahad naqay dawlada Kenya oo si fiican dalkeeda ugu soo dhawaysay.

 

 

Raysal wasaare Raila Odinga ayaa dhankiisa isna ka muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu arko dadaalak ay Somaliland muujisay ee ay ku taageerayso dadka tabaalaysan ee qaxootiga ku ah dalkooda , raysal wasaaraha ayaa ku amaanay dadaalkaas isagoo sheegay in uu ogsoon yahay in abaartu xitaa saameysay Jamahuuriyada Somaliland balse dadaalkani uu yahay uun ficil walaalnimo iyo maamul wanaag oo ay Somaliland go aan satay inay taageerto Soomalida taabalaysan ee kukala nool xeryaha qaxootiga Kenya iyo waliba gudaha Somaliya.

Raysal wasaaraha ayaa si taxadar leh carabkiisa ugu adkeeyay in aragatidiisa gaarka ah uu qabo in Jamhuuriyada Somaliland mutaysatay in la aqoonsado ay beesha caalamka ka mid noqoto. Wuxuu si gaar ah u xusay in doorashooyinka dimuqraadiyada ku dhisan iyo waliba dadaalada kale ee horumarineedba uu ku amaanayo Jamhuuriyada Somaliland, wuxuu xusay raysal wasaaruhu in uu hore u booqday Dalka Somaliland imikana diyaar u yahay inuu booqdo.Kulankaas ayaa kusoo idlaaday jawi farxad leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Nairobi Kula Kulmay Safaaradaha reer galbeedka

 

October 7th, 2011

 

Nairobi(Somaliland.Org)-Weftigii uu Hoggaaminayay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ee gargaarka gaadhsiiyay Soomaalida abaaruhu tabaaleeyeen eek u jira xeryaha qaxoontiga ee dalka Kenya, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah safiirada wadamada adduunka u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weftigani waxay maanta si gooni gooni ah ula kulmeen Safaaradaha Maraykanka, Canada iyo Xafiiska midowga Yurub u qaabilsan horumarinta ee Somaliland/Soomaaliya.

 

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay kulamadan ay la yeesheen safaaradaha waxa uu yidhi “Sidaad ka warqabtaan-ba waanagii baryahan joognay magaalada Nairobi kulamo kala duwana la yeelanay dawlada Kenya iyo qaarka mid ah safaaradaha Yurub iyo mayreykanka, khaastan maanta(shalay) waxaan kulamo la yeelanay safaarada mareykanaka oo uu nagu qaabilay safiirku xigeenka u qaabilsan arrimaha siyaasada Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kale waxaan la kulanay xafiiska midowga Yurub madaxdii u qaabilsaneyd arrimaha Somaliand dhamaantoodna waxaan uga xog waranay socdaalkayaga iyo kaalmadii ay shacbiga Somaliland ugu deeqeen dadka ku tabaaloobay abaaraha iyo macaluusha Soomaaliya.”

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay kala hadleen dublamaasiyiintii ay la kulmeen xaalada guud ee Somaliland ku sugan tahay xiligan.

 

Sheekh Khaliil Cabdilaahi waxa uu intaasi ku daray inay maalmihii la soo dhaafay la kulmeen qaar ka mid ah safaaradaha wadamada yurub.

 

Kulamadan waxa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ku wehelinayay Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan C/Qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida ooh ore u sii joogay Kenya iyo Safiir Ku xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.Weftigan bari ayaa lagu wadaa inay dalka dib ugu soo guryo noqdaan.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this