Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Xaaji Cabdi Waraabe President Siilaanyo is my son i will defend him

Recommended Posts

Xaaji-Cabdi-Xuseen.jpg

 

 

X. Cabdi Waraabe Oo Uga Digay Xisbiyada Mucaaridka Inay Shaqo Ka Dhigtaan Wax Ka Sheega Madaxweynaha, Uguna Baaqay Inay Ka Hadlaan Qabyada Adeegyada Bulshada Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Weedhihii Sh. Shariif

“W/Khaarajigu Waa Inuu Guurtida Hor Yimaado Oo Mugdiga Ka Saaraa Siyaasada Dibada, Siilaanyo Waa Inankaygii Oo Berigii C/Llaahi Yuusuf Madhiyay beeshu ka dhashay Isagu SNM-Tii Nina Ma Xidhan Nina Ma Dilin, Ninkaad U Jawaabayso Lafaha Gur Xaragana Ha Tagin, Shirka Duburna..” (Waraysi Khaasa)

Hargeysa, October 4, 2011 (Haatuf) - Xaaji Cabdi Kariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah odayaasha ruug-cadaayada ee golaha guurtida ayaa uga digay axsaabta mucaaridka inay caado ka dhigtaan weedho ay ku weerarayaan Madaxweyne Siilaanyo, balse ay ka hadlaan qabyada adeegyada bulshada, tilmaamayna in jawaabaha siyaasiyiintu iskugu jawaabayaan ay noqdaan weedho milgo iyo dhaqan suuban leh, isagoo dhinaca kalena jawaab kulul ka bixiyay hadaladii dhawaan ka soo yeedhay hogaamiyaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif oo uu ku tilmaamay nin tiisii daryeeli waayay.

Xaaji Cabdi Kariim Xuseen ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibada Maxamed C/llaahi Cumar ugu baaqay in golaha Guurtida uu hor yimaado, isla markaana uu si dhaba u cadeeyo shakiga laga qabo siyaasada khaarajiga iyo socdaalada uu dibada ugu baxo.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sidaasi ku sheegay xogwaran khaasa oo uu shalay siiyay Haatuf, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin mawqifkii guddoomiyaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi Ciro, Aadan Waqaf iyo siyaasiyiintii garabkoodu ay ka qaateen khilaafkii xisbiga UCID iyo arrimo kale oo la xidhiidha golaha guurtida iyo Ugaaska beelaha awdal soo guryo noqoshadiisa.

Xaaji Cabdi oo ugu horayn ka hadlaya dhaliilaha baryahan dambe loo jeedinayo doorkii golahooda iyo maqnaanshaha gudoomiyaha golahooda, waxa uu yidhi “Golahayagu hoos umuu dhicine kor buu u socdaa, halkii baanu dalka iyo dadka ka haynaa, gudoomiyihii baa naga buka oo naga maqan, aad baanay xaaladiisu u wanaagsan tahay sida aanu warka ku hayno”.

Xaaji Cabdi Waraabe oo mar uu ka hadlayay siyaasada arrimaha dibada iyo wasiirka khaarajiga, waxa uu yidhi “Wasiirka arrimaha dibada waxaan usoo jeedinayaa golaha guurtida inuu hor yimaado, oo siyaasada arrimaha dibada mugdiga ha ka saaro, waxbaa lagu kordhin doonaaye”.

Mar uu ka hadlayay hadalkii todobaadkii hore ka soo yeedhay Sheekh Shariif ee uu ku sheegay in Somaliland ay Somalia ka mid tahay, waxa uu yidhi “Waa nin iska hadlay, waxay tidhi islaantii buraan-burtay ninkii tiisa-ba daryeelaa tu kalena ku dara Sheekh Shariif tiisii-buu u taag layahay in aanay Somaliland iyo Somalia isku soo noqonayn way og-yihiine waxay garan layihiin xaqa ay Somaliland ku leedahay iyo inay carabka inagu wanaajiyaan, oo ay gartaan in Somaliland iyo Somalia ay noqdaan laba dal oo walaalo ah oo abaaraha iska caawiya oo dagaalada iskaga hiiliya”

X. C/kariim Xuseen Yuusuf mar uu ka hadlayay weedhaha xurgufta leh ee madaxweynaha iyo axsaabta mucaaridka UCID iyo UDUB dhex maray, waxa uu yidhi “Madaxweynaha in la weeraro maaha ee wax u sheeg buu leeyahay, madaxda waa la tilmaamaa oo waxa la yidhaahdaa, waddooyinkii baa dayacan, Cusbitaaladii baa baylaha, xisbiyada mucaaridka waxaan leeyahay mucaaridnimadu in wax la caayo oo madaxweynayaasha dusha laga fuulo maaha”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyay “Cayda iyo aflagaadadu waa inay xaaraan ka noqoto dalkeena, ninka aad u jawaabayso waa in si milgo iyo Asluubi ku jirto aad ugu jawaabtaa, oo caqli baa lagu kordhiyaa, waxana la yidhi lafaha gur xaragana ha ka tagin, Axmed Siilaanyo waa inankaygii waana ninkii muddada dheer hogaaminayay ururkii SNM, barigii uu C/laahi Yuusuf uu beeshisa madhiyay, Axmed Siilaanyo nina muu xidhin nina muu dilin”

Xaaji Cabdi mar aanu waydiinay sida uu u arko shirka beesha Saaxil uga socda deegaanka Dubur ee degmada Sheekh, waxa uu yidhi “Shirkaa Dubur ma filayo in wax xumi ka soo baxayo wax wanaagsan baa ka soo baxaya”

La soco…..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Siyad Barre was his son too. Xaajigu waa dawlad-la-nool. Waakii Gaashanka iyo Rabasso SNMta ambush gareeyn jiray. No respect for him. None at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol....muxuu yahay kala shakigan Siilaanyo iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee gobollada Waqooyi

Galbeed laga sheegayaa mise anigaa si kale wax u fahmay? Ma is tiraahdeen in wasiirku si qarsoodi ah uu uga shaqaynayo wax ku darsiga Soomaaliweyn. War jiraaba Cakaaruu Imaan insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;749911 wrote:
lol....muxuu yahay kala shakigan Siilaanyo iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda laga sheegayaa mise anigaa si kale wax u fahmay? Ma is tiraahdeen in wasiirku si qarsoodi ah uu uga shaqaynayo wax ku darsiga Soomaaliweyn. War jiraaba Cakaaruu Imaan insha Allaah.

Siyaasada Arimaha dibada uun ba is badashay , Somaliweynta wax lugu darsanayo halkay joogan horta Somaliweyn dadkinan Ma Somaliya baad u taqanin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xaaji Xunjuf....adigu malaha markii aad beeshaada dowlad u aqoonsatay baad Soomaaliweyn Illowdey. Aan ku xasuusiyee Soomaaliweyn waa tii afkaan aad wax ku qoreysid ku soo bartay haddii aadan ka abaal-dhacayn!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;749914 wrote:
Xaaji Xunjuf....adigu malaha markii aad beeshaada dowlad u aqoonsatay baad Soomaaliweyn Illowdey. Aan ku xasuusiyee Soomaaliweyn waa tii afkaan aad wax ku qoreysid ku soo bartay haddii aadan ka abaal-dhacayn!

gaw anigu beel iyo waxa kamaan hadlin Somali shan bay ahayd maxa ka dhigay qeyb ka mid ah shanti Somali , Somaliweyn?

 

Afkan aan qorayo ku ab ka awoow baan ku hadli jiray kuna geerari jiray wax kale ii keen saaaxibow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xaaji Xunjuf;749915 wrote:
gaw anigu beel iyo waxa kamaan hadlin Somali shan bay ahayd maxa ka dhigay qeyb ka mid ah shanti Somali , Somaliweyn?

 

Afkan aan qorayo ku ab ka awoow baan ku hadli jiray kuna geerari jiray wax kale ii keen saaaxibow

Soomaaliweyn waa hal-qabsi. Dhulka Soomaaliya loo yaqaan ayaan ka hadlayaa, anigu dhul beeli meegaaratay oo calan ka mudatay waddan uma aqoonsan karo......Sorry my friend.

Teeda kale ma waxaad ku doodeysaa inaad afkaan qori jirtey as well oo taasna aad ku dhalatay? Ma waxaad leedahay gurigeenna ayaa afkaan lagu qoray?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Abdi Waraabe is a respected and trational statesman who has been guiding Somaliland with wisdom through its most difficult and turbulent times.

 

He is the oldest men of Somaliland but still he is able to reinvent himself and stay relevant. He even advise's on the most modern and compolicated issue's like foreign policy, voter registration technique's. :D

 

Ilaahey kheyr ha siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;749916 wrote:
Soomaaliweyn waa hal-qabsi. Dhulka Soomaaliya loo yaqaan ayaan ka hadlayaa, anigu dhul beeli meegaaratay oo calan ka mudatay waddan uma aqoonsan karo......Sorry my friend.

Teeda kale ma waxaad ku doodeysaa inaad afkaan qori jirtey as well oo taasna aad ku dhalatay? Ma waxaad leedahay gurigeenna ayaa afkaan lagu qoray?

Anigu ma waxan ku weydiey aqoonsi iyo waxad tageersantihin adeer ta adigay wax ku la tahay waxad tidhi wasiirka Somaliland ma Somaliweyn bu ku darsanaya Somaliweynta lugu darsanayo ma Somalia baa? , Somalia goormey Somaliweyn noqtay Somaliweyn manay ahayn jabuuti Gobolka Somalida Ethiopia nfd goormaad Somaliweyn ku koobtay gurigaagi cajiib

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Successionists waad kasoo darteen.. Everything and Anything from ur lots homes meeshan maad keenaysaaan.. Mardhow, habar baa dhuustayna war baad nooga dhigaysaa.. What is the news about this?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Yaab badanaa...XX.....haddii ay kelimedda Soomaaliweyn sidaas kuu dhibayso ha kugu taagnaato...lol...Waa la doogiye yaan la dacaroon. Gobollada Waqooyi meelna Soomaaliya ugama socdaan ama taangiyadii Soomaaliya lacagteeda lagu soo gaday rinji marso, ama heesihii Raadiyo Muqdisho iyo Hargeysa meel waba ka daaro, ama jidadkii dhaqaalaha dalka lagu dhisay magacyo qabiil u bixi, ama calan samayso.

Taas markaan halkaas uga baxo, Nabadda Horumarka iyo Wanaaggu waa arrin aan ugu hambalyaynayo shacabka Waqooyi Galbeed waanan soo dhaweynayaa inay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-soo-noolayntii qarankii Soomaaliya sidii ay awalba kaalin firfircoon uga qaateen 1960-kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ehehehe Nabada iyo hormarka ay Somaliland gaadhay dadkeeda sameystey odayaday Somaliland baa cidhibyada u taagay cidna waxba kamay sugin. Magaca Somaliweyn aniga ima dhibayo muxu ii dhibi laha laakin sidad u abusegereyse baan la yaabay Somaliweyn waxad ka dhigtay gurgaagi labada cariiska ka dhisna Somaliweyn waxad u taqana Gurigaagi. Somaliweyn Wa Somaliland waa jaabuuuti wa O'gadeniya Wa NFD Wa Somalia,, laakin adigu gurigaagi baad Somaliweyn ka dhigtay oo aad ugu magac dartay wa arinta la yaabay taasna dee wa wax xaqiiqada ka fog dadkan yaad mooday Somalidu waxay ku mah mahan mar I dage Alla ha dago labo goor i dage aniga is dagay.

 

Wa bilahi tawfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Another equally useless defense of the president counter-punch of the opposition.The president is a politician and has the right to give an earth-shattering response to his competitors...Lately my distant cousins been acting up..they should know a response to Feisal doesn't warrant a visit by the president and assurance response from a senile old man(of course with much respect for athero)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this