Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fierce Fighting has erupted in lower Juba dhooblay between TFG forces and Alshabaab Militants

Recommended Posts

20 Qof Oo Ku Dhintay Dagaalo Ka Dhacay Degmada Dhoobley Ee Dalka Soomaaliya

Dhoobley (Ramaas) Sept. 30, 2011-Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah isugu jira ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada u daacad ah xukuumada Sheekh Shariif , kuwa Raaskambooni iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 40-qof.

 

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay si lama filaan ah aroortii hore ee saaka u weerareen ciidamada dawladda iyo kuwa Raaskambooni ee gacanta ku haya degmadaas oo ku dhow xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Saraakiisha dhinacyada dagaalamay ayaan ka hadlin dagaalka saaka ka dhacay Dhoobaley, iyadoo aanay jirin cid hadda gacanta ku haysa degmada, waxaana dagaalkan uu ku soo beegmayaa, iyada oo dagaalo khasaare badan dhaliyay ay ciidamada DKMG ah, Ahlusuna iyo Al-shabaab ay labadii maalin ee la soo dhaafay ku dhexmareen degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

 

Qaar ka mid ah dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa la geeyay cisbitaalo ku yaala dhinaca dalka Kenya, halka kuwo kalena loo soo qaaday degmada Kismaayo oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

 

Degmada Dhoobley ayaa waxa ka talinayay tan iyo sanadkan billowgiisii ciidammo taabacsan xukuumada Sheekh Shariif ah iyo kuwa Raaskambooni oo Al-shabaab kula dagaalamay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose dhammaadkii sannadkii 2009, balse laga awood badatay.

 

Isgaadhsiinta degmada Dhoobley ayaa la jaray intii uu dagaalku socday, waxaana degmadan ay 100-km u jirtaa deegaanka Dhadhaab oo ay ku yaala xeryaha qaxoontiga ee dunida ugu weyn kuwaasoo ay ku jiraan intooda badan dad Soomaali ah oo ku yaala dalka deriska ee Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray Xarakada Al-shabaab, Raaskambooni iyo DKMG Soomaaliya

 

Jicmo, September 30, 2011 (HOL) —Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah isugu jira ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, kuwa Raaskambooni iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 40-qof.

 

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay si lama filaan ah aroortii hore ee saakay u weerareen ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ee gacanta ku haya degmadaas oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

“Hub culus iyo mid fudud ayaa la isku adeegsaday intii uu dagaalku socday, waxaana degmada qabsaday xoogaga Al-shabaab, inkastoo saacado kaddib ay isaga baxeen,” ayuu goobjooge ku sugan degmada Dhoobley khadka taleefoonka ugu sheegay Hiiraan Online.

 

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray inuu arkay maydad badan oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan oo yaalla wadooyinka markii uu dagaalku qaboobay, sidoo kalena dadka uu arkay ay ku jireen rayid ka mid ahaa dadkii degmada daganaa.

 

Saraakiisha dhinacyada dagaalamay ayaan ka hadlin dagaalka saakay ka dhacay Dhoobaley, iyadoo aysan jirin cid hadda gacanta ku haysa degmada, waxaana dagaalkan uu imaanayaa iyadoo dagaallo khasaare badan dhaliyay ay ciidamada DKMG ah, Ahlusuna iyo Xarakada Al-shabaab ay labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dhexmareen degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

 

Qaar ka mid ah dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa la geeyay isbitaallo ku yaalla dhinaca dalka Kenya, halka kuwo kalena loosoo qaaday degmada Kismaayo oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

 

Degmada Dhoobley ayaa waxaa ka talinayay tan iyo sanadkan billowgiisii ciidammo taabacsan DKMG ah iyo kuwa Raaskambooni oo Al-shabaab kula dagaalamay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose dhammaadkii sannadkii 2009, balse laga awood badiyay.

 

Isgaarsiinta degmada Dhoobley ayaa la jaray intii uu dagaalku socday, waxaana degmadan ay 100-km u jirtaa deegaanka Dhadhaab oo ay ku yaalla xeryaha qoxootiga ee dunida ugu weyn kuwaasoo ay ku jiraan intooda badan dad Soomaali ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sad day for shabaab today, first dagaalka dhoobleey oo ay ku jabeen, 300 dhalinyarro oo ka goostay shabaab urur cusub sameeystay iyo ceelbuur oo xaruntooda ugu weyn ee gobollada dhexe ee la duqeeyay...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this