Sign in to follow this  
Che -Guevara

Siilaanyo takes on his critics

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Jawaabtii Ugu adkayd Abidkii Ka bixiyay eedo mucaaridku u jeediyeen

 

September 29th, 2011 Comments Off

 

“Faysal oo la ogaa sida uu u basaasi jiray UFO ayuu haddana maalin walba aflagaado la soo taagan yahay”

 

“Adigoo qabyaalad ku hadlay oo Hargeysa anigaa leh yidhi ayay haddana ummaddu sanka kaa qabsatay”

 

“Soomaaliya) waxaan leeyahay haddii aanu soo gurmanay ma aha inaanu ka noqonay madax banaanidayadii”

 

“Cali Warancadde iyo Ina Sulub waxaanu leenahay ummaddu way iska kiin garatay waxbana idinka dhegaysan mayaan”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo UDUB.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada waxa uu si kulul u weeraray Guddoomiyaha UCID oo uu sheegay inuu basaasay dhalinyaradii iyo aqoon yahanadii reer Somaliland ee badhtamihii sideetameeyadii taliskii Siyaad Barre xidhay.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu difaacay eedo ay mucaaridku maalmihii la soo dhaafay u jeedinayeen wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga oo ay xukuumadda ka dalbadeen in laga mamunuuco inuu yimaado dalka.

 

Md. Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay kaalmadii Somaliland ay u dirtay dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee wadanka Soomaaliya iyo deeqdii waxbarasho ee dhawaan arday reer Somaliland ahi ka heleen dalka Turkiga.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayay kaalmadii Somaliland ay u dirtay Soomaaliya waxa uu yidhi “Marka u horaysa dalka Somaliland waa dal muslim ah waa dal caalamka ka mid ah oo dhibaatooyinka iyo abaaraha ka dhacay dalka Soomaaliya ee caalamku u gurmaday inagoo og in abaartu ina saamaysay, haddana waxa waajib ah oo xil inaga saaran yahay in dadka muslimka ah dadka Soomaaliyeed ee walaalaheen ah ee dhibaatadu soo gaadhay inaynu u gurmano oo aynu wax ka tarno waajib, xil iyo masuuliyad ina saaran buu ahaa. Ta aynu yeelay ee aynu caalamka kala mid ahayn ee aynu ILAAHAY-na ka baryayno inuu abaal iyo ajar inaga siiyo, inagana magac iyo sharafi inoogu jirto. Waxa ay ahayd mid aynu ku faanayno, dadweynaheenuna uu ku mahadsan yahay intii gacan ka geysatay, intii qaaday iyo intii ka hawl gashayba.”

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaanu tilmaamay in kaalmaynta dadka abaaraysan ee Soomaaliya aanay waxba ka bedelayn mowqifkii qaranimada Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay ninka shariif la yidhaahdana walaalahayaga reer Koonfureed (Soomaaliyana) waxaanu leenahay walaalayaal haddii aanu soo gurmanay oo nabadgelyo u soo gurmanay oo dadkayaga u soo gurmanay, ma aha inaanu ka noqonay madax banaanidayadii iyo gooni isu taagayagii oo aanu nahay qaran xor ah oo u soo halgamay qaranimadooda maantana aanu halkii taagan nahay sidaasna aanu ku wadayno illaa aanu aqoonsi iyo ictiraaf ka helo adduunyadda, waxaan leeyahay dadweynaha Somaliland yaan la idin bah dilin, yaan been la idiin sheegin ee aynu gacmaha is qabsano aan wada jirno oo xoriyadeenii iyo ictiraafkeenii sidii aynu u wada dooni jirnay gudo iyo dibadba aan u wadno.”

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga UCID uu Taliskii Siyaad Barre u basaasi jiray dhalinyaradii UFO, waxaanu tilmaamay in ummaddu ay nacday oo ay sanka ka qabsatay isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrimaha xisbiyada mucaaridka ah ee UDUB iyo UCID, Faysal Cali Waraabe gaar ahaan hadalada beryahan ka soo yeedhayay ee ka soo burqanayay iyadoo uu caado u leeyahay badiba marka uu dhibaatooyin dhex galo ee dhex dabaasho ee uu masuuliyadiisa iyo xilkiisa ka soo bixi waayo iyadoo taariikhdiisa oo dhan la ogaa oo la ogaa wixii uu UFO ku sameeyay berigii la ogaa ee sida uu wax u basaasi jiray la ogaa ayuu haddana maalin walba aflagaado iyo cayda ummadda uu la soo taagan yahay wax la qaadan karo ma aha. Taariikhda Faysaloow waxaad ka heshay ummadda taageerooyinkii aad ka heshay ee aad codka kaga heshay ee aad ku wada dhacday ee ummaddu ku diiday ee sanka kaa qabsatay ee aad qabyaalad ku hadashay ee Hargeysa anigaa leh aad tidhi oo ummaddu kugu diiday oo uf ku tidhi waad ogayd.taariikhda halka aad ka gashayna waa la ogaa ninkii lahaa koonfur baan tagayaa adiga ayuu ahaa. Maalin walba halkaasi ayaad ka hadlaysaa oo aad intaasi aflagaado iyo xumaan wadaa taasina wax lagaa qaadanayo ma aha wax lagaa aqbalayana ma aha.”

 

Madaxweyne Siilanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay Cali Waran Cadde, Ina Sulub iyo qoladan UDUB ee iyaguna aflagaadada maalin walba la taagan waxa weeye walaalayaal idinka doorashadii ayaanu idinka adkaanay ummadda muddo badan ayaad horjoogteen, ummaddu way iska kiin garatay oo iska kiin aragtay waxaad tihiin iyo waxaad qabtaanba. Sidaasi ayaanu waliba asxaan idiin samaynay runta marka la doonayo oo aanu idin saamaxnay oo idin ilaalinay oo aanu is nidhi yaan dalka Somaliland isku xidhnaantiisa iyo walaalnimadiisa iyo wada jirkiisa oo aanu musuqmaasuqaad samayseen iyo boobka aad hantida ummadda aanu idinku saamaxnay dadka waxaad ku akhriyaysaan wax ay idinka dhagaysanayaan ma jirto. Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay shacbiga Somaliland-noow ha dhegaysanina.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanu Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia aanu wax Somaliland ku lid ahi ka soo yeedhin waxaanu yidhi “Mahiga ayaa la inagu diray waad aragteen Mahiga waxa laga soo qoray. Mahiga aflagaadada loo geysanayo waad maqlayseen. waa nin jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u shaqeeya, waana nin xil gaar ah leh. Shirarka uu ka hadlay wax Somaliland ku lid ah muu odhan. Been iyo inamo isku sawiray oo dadkii ka markhaati kacay la ogaa oo haddii imika aad eegto oo aad gasho website-yada iyo wixii ay ku hadleen ee la caayayo oo la leeyahay reer Somaliland buu u shaqeeyaa.”

 

“Markaa waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland yaan been, xasad iyo hinaase yaan lagu hagin oo yaan been loo sheegin oo aan jidkiina la idinka luminin,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay Deeqaha waxbarashada wax uu yidhi “Turkigu waxa uu ina siiyay Schoolarships (deeqaha waxbarasho) oo ardaydeenii aynu dhoofinay oo aynu u dirnay si ay wax u soo bartaan, waxaanay ku dhoofeen baasaboor Somaliland ah. Meesha laga qaadayo iyo jidka laga qaadayaa waa wax aan ahayn wax aanaan si gooniya u eegayn.”

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

 

Somaliland.Org/Hargeysa

 

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Odaygu wuu si daayay!

 

He shouldnt have done this. Atleast everyone was showing him respect and were quit mild in their critic. But now the gloves come off.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;748747 wrote:
Madaxweyne Siilaanyo Oo Jawaabtii Ugu adkayd Abidkii Ka bixiyay eedo mucaaridku u jeediyeen

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay Deeqaha waxbarashada wax uu yidhi “Turkigu waxa uu ina siiyay Schoolarships (deeqaha waxbarasho) oo ardaydeenii aynu dhoofinay oo aynu u dirnay si ay wax u soo bartaan, waxaanay ku dhoofeen baasaboor Somaliland ah. Meesha laga qaadayo iyo jidka laga qaadayaa waa wax aan ahayn wax aanaan si gooniya u eegayn.”

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

 

Somaliland.Org/Hargeysa

 

Interesting diplomatic explanation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The man contributed to Somalia's downfall...You are confusing with Xiin whom seem to have an infatuation with this relic. Laakin gaal dil gartiisana sii baa layiri he's certainly more competent than current crop of so called Somali 'leaders'.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Jacaylbaro;748812 wrote:
After a year and dheeraad ,,,,, he needed inuu sidaa yeelo. This will be an assignment for all Somalis for weeks now
:D

How so was it needed to call people names and make accusations about their history??? You do understand that they will answer him and open up about his history?

 

Niyow dadku ceebtada marke asturaan yagana waa la astuura.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good man Siilaanyo has taken a page out of Faroole's "blunt diplomacy". Sidaasaa la rabaa. Blast your critics and be fearless. Ku dayo, ku dayo. :) :)

 

Aah, I am still trying find NGONGE. Where is NGONGE?? Stop hiding in a fox hole waryaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this