Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Abwaan Hadraawi ”Waxa Aan Aduunka Ugu Jeclahay Waa Wadajirka Iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed

Recommended Posts

Dhagayso waraysiga Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2011/09/Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Wareysi-Uu-Radio-Muqdisho-Siiyey-Abwaan-Hadraawi.mp3

 

Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Pr Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo dhowaan magaalada Muqdisho yimid islamarkaana hogaaminayey Wafdi ka socday walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa Wareysi uu siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu uga waramay Safarkiisii Muqdisho iyo sida uu arko xaaladda Dalka.

 

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo wareysigan siiyey Radio Muqdisho kadib markii uu dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa ugu horeyn waxaa uu wareysigiisa ku bilaabay Sallaan uu u diray shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan isagoo Allena uga baryey in uu dhibaatada ka saaro.

 

“Hadii aan ka hadlo dareenkeyga ku aadan imaanshihii aan dhowaan Muqdisho Imid runtii magaalada Muqdisho waa magaallo xusuus weyn ugu leh qiimo badanna aan uhayo waxaanna dadka reer Muqdisho uga mahad celinayaa sidii qadarinta iyo qiimaha badneyd ee ay iisoo dhoweeyeen”ayuu yiri Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi.

Abwaanka oo wax laga weydiiyey sida uu waqtigan u arko xaaladda Dalka ka jirta ayuu tilmaamay in dhibaatada ka jirta dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo gobollada ku dhow waa mid aan indhaheyga ku arkay qof walba oo uu ku jiro damiir Soomaalinimana uu ka damqanayo waxaase uu ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed inay sii wadaan gurmadka ay isku sameynayaan.

 

Mar sidoo kale Abwaan Hadraawi wax laga weydiiyey marxaladda uu imanka marayo Fanka Dalka gaar ahaan Fanaaniinta waqtigan ku sugan Caasimadda ayuu tilmaamay in magaalada Muqdisho uu kula kulmay Fanaaniin badan oo Fanka Soomaaliyeed magac ku leh kuwaasi oo xitaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde taasina ay dareenkiisa si gaar ah u saameysay.

 

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo gebo gebadii Wareysiga ka jawaabayey su’aal ku aadaneyd sida uu arko go’aanka ay walaalaha Waqooyi Galbeed ku doonayaan inay gooni ka noqdaan Soomaaliya inteeda kale ayuu tilmaamay in waxa uu dunida ugu jecelyahay ay tahay Soomaali oo mid ah balse loo baahan yahay waxyaabaha dhexdooda ka jira in xal laga gaaro.

 

Xigasho: radiomuqdisho.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;748477 wrote:
Ma cid aan jeclayn baa jirta ........

wey jiraan dad aan jeclayn Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed, qaar badanna waad ka heleysaa SOL.. (ma rabo inaan magac dhabo)..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this