Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Swiss Financial Bank Investment set to open a branch in Hargeysa

Recommended Posts

Somaliland: SF Swiss Financial Bank Investment set to open branch in Somaliland

 

HARGEISA (SomalilandPress)—Swiss Financial Bank the owners of Banque De Depot Eet De Credit Djibouti (BDCD) today annouced their intention of opening a Somaliland co-shared bank in the country. Their current branch in Djibouti offers range of products and diverse services from agriculture credit to Islamic Savings banking account.

 

Speaking to Somalilandpress.com/SDWO.com at a meeting held in Hargeisa, Pierre Marazzato the Managing Director and Sales manager of SF Swiss Financial Bank said “we intend on opening a branch of our bank in somaliland where by Somaliland citizens will own 60% and 40% owned by SF Swiss Financial Bank”. Mr. Marazzato went on to say that Somaliland citizens should get the higher percent because there are the owners of the country and should benefit from this partnership. Pierre marazzato concluded by saying once legislators pass the new banking law, we will be the first to open a branch in Somaliland.

 

This news is seen as a judgment to Somaliland’s democratization and development thus will connect the unrecognized country to the global market. Speaking after Mr. Marazzato was Somalialnd Banking Director Mr. Abdi Dirir Abdi who said the country urgently needs international banking sector because that will help the development of the country and bring in new investors into the country. Another guest speaker at the event was Djibouti Minister of Commerce Mr. Abdillahi Ahmed Abdi who spoke about his country’s experience with SF Swiss Financial Bank and how 51% of Banque De Depot Credit Djibouti is owned his country and the rest SF Swiss Financial Bank. Few of the country’s top businessmen were also in attendance from Haji Ahmed Dahir (Baxsane), Mohamed Ali managing director of Omaar Trading and Suldan Ali Koshin traditional leader and scholar of Banking and graduate of Georgetown University in the USA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bangi Caalami Laga Leeyahay Dalka Switzerland oo ku Dhawaaqay inuu Laan ka Furanayo Somaliland

 

Tue 27th Sep,2011

Hargeysa (Jam)- Bangi caalami ah oo laga leeyahay dalka Switzerland ee qaaradda Yurub oo magaciisa la yidhaa Swiss Financial Bank, ayaa shaaca ka qaaday in laan ka mid ah bangigaas ka furanayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Bangigan oo ah mid ganacsi, kana shaqeeya dalal badan oo dunida ka mid ah, ayaa masuul ka tirsan oo qiimayn u yimi Somaliland waxa uu ku dhawaaqay in bangigoodu laan ka furto Somaliland, taas oo noqon doonta mid lahaanshaheedu ka dhexeeyo Somaliland iyo bangiga, isla markaana 60% ka mid ah ay shacabka Somaliland yeelan doonaan, halka 40% kalena bangigu yeelan doono.

 

Xaflad lagaga dhawaaqay qaybta cusub ee bangiga Swiss Financial ka furanayo dalka oo shalay lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti, Agaasimaha Baanka Swiss Financial qaybtiisa Jabuuti iyo qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland.

 

Agaasimaha laanta baanka Swiss Financial ee dalka Jabuuti Mr. Pierre Marazzato oo ah masuulka qiimaynta dalka u yimi, ayaa hadal uu xafladdaas ka jeediyey waxa uu ku yidhi; “Waxaannu doonaynaa in aannu Somaliland ka samayno laan ka mid ah baanka oo laga wadaqaybgalo, kaas oo shacabka Somaliland yeelan doonaan 60%, iyadoo 40% kalena uu yeelanayo Swiss Bank, taas oo ah nidaam bangiyeed cusub, maxaa yeelay idinka ayaa dalka ku dhashay oo wax badan ka og, laakiin annagu farsamadii ayaanu haynaa.”

 

Mr. Marazzato waxa uu sheegay inay ka dhursugayaan inta laga ansixinayo xeerka baananka ee Somaliland oo wakhtigan horyaal Golaha Wakiillada, markaa kadibna ay si degdeg ah shaqadooda u bilaabi doonaan, “Laakiin waa marka la ansixiyo xeerka baananka, waxase aannu hadda furaynaa xafiis, waxaannu doonaynaa in aannu samayno adeegyo muhiim ah si degdeg ah u shaqeeya,” ayuu yidhi Mr. Marazzato.

 

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa ka hadlay faa’iidada ay leeyihiin bangiyada ganacsiga oo uu xusay inay kobciyaan dhaqaalaha, sidaa daraadeedna Somaliland aad ugu baahan tahay.

 

“Annagu waanu soo dhawaynaynaa bangiyada doonaya inay Somaliland qaybo ka furtaan, iyadoo aannu doonayno in aannu furno oggolaanshaha baananka marka xeerka baananka ee horyaal Baarlamanka la ansixiyo, waayo waa wax aan laga maarmi karin si dhaqaalaha dalku u kobco, iminka dhawr baan ayaa naga codsaday, laakiin waxa oggolaanshahoodu ku xidhan yahay ansixinta xeerka,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaannu intaa raaciyey, “Qoladanina waa baan caalami ah oo aynu u baahanahay oo ah war wanaagsan, weliba waxay iyagu dheer yihiin baananka kale waxay oggolan yihiin in muwaadiniinta waddanku ka qaybqaataan oo sheerar ku yeeshaan oo ay macaashka la yeeshaan.”

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdillaahi Axmed Cabdi oo xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan baankan cusub oo noqon doona mid wax ka qabta cabasho badan oo ganacsatada dalku qabeen, isagoo ganacsatadana ugu baaqay inay ka qaybgalaan.

 

“Wax badani waxay inagaga xidhan yihiin xeerka baananka, tusaale ahaan baananka ma xeerkeena ayeynu ku kala baxaynaa mise caalamiga ah waxaasi waxay ku imanayaan xeerkaas dhammayntiisa, ganacsato ahaana inaad wax la gashaan ayey idinka doonayaan ee ku talogala,” ayuu yidhi Mr. Cabdillaahi Kubado.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti Mr. Siciid Cumar Muuse oo isna xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay in baankan ay leeyihiin dad maalgelin sameeya oo reer Switzerland ah, kuwaas oo baankii u horreeyey ka furtay Jabuuti, “Bangiga Jabuuti waxay geliyeen 51% ay maalgashadayaasha reer Switzerland leeyihiin, 25% waxa lahaa Baanka dhexe ee Yurub, halka 24% reer Jabuuti ku darsadeen, markaa waxay baananka kale oo dad leeyihiin kaga duwan yihiin maalgelintu waxay toos uga imanaysaa Switzerland, qaybna waxay siiyaan muwaadiniinta dalka ay ka furanayaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti.

 

Waxa kale oo madashaasi ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ee ka qaybgalay xafladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xaaji Axmed Daahir (Baxsane), Maxamed Cali oo ah maamulaha guud ee shirkadda Oomaar iyo Suldaan Cali oo ka mid ah aqoonyahanka dhinaca baananka, waxaanay dhammaantood soo dhaweeyeen bangigan cusub, iyagoo sidoo kalena halkaa su’aalo la xidhiidha qorshayaasha shaqo ee baanka ku waydiiyey masuulka Swiss Financail Bank.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this