Sign in to follow this  
A_Khadar

Demo against Mahiga in Minnesota.. Pics Video

Recommended Posts

A_Khadar   

Waxaa Magaaladda Mnpls Ee Gobolkan Minnesota ka dhacay Banaanbax Lagaga Soo horjeedo Booqashadda Ergayga Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Wadanka Soomaaliya.

Banaanbaxan ayaa Wuxuu ka Dhacay Goobtu Ka Socday Shirkii Mahiga Oo Kula Lahaa Qurbo joogta Soomaalidda Ee ku Dhaqan Gobolka Minnesota, Banaanbaxan Ayaa Waxaa ka Soo qayb galay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalidda Ee Gobolkan Minnesota, oo Ay Wehiliyeen Dad caan ka ah Bulshadda Soomaalidda dhexdeeda Sidda Saado Cali iyo kuwa U Adeegga Qaxootigga Soomaalidda Ee Gobolka Minnesota.

Dadkaas oo ku Eedeeyey In Mahiga iyo UN-Ta Ay ka Wadaan Soomaaliya Arimo ay Ugu Adeegayaan Danaha Wadamo kale Sidda Ethopia iyo Kenya.

Mohamed Maxamed oo ah Gudoomiyaha SASSO oo ah hay’adda u Adeegta Dadka Qaxootigga Soomaalidda ayaa Wuxuu ka Hadlay Arintaas Ayaa Wuxuu Goobta Banaanbaxa ka Sheegey in Mahiga (UN) ay U Samaysay Wadamadda Ethopia iyo Kenya Ciidamo Fadhiya Xuduudaha Wadamadaas oo ay UN Lacagtooddu Bixiso oo u adeego Danaha Wadanka Ethopia iyo Kenya Balse aanan Wax dan ah u Hayn Wadanka Soomaaliya.

 

Mahinga iyo Mingiste xayle Maryam : Cilaaqaadka Ethopia.

 

Sidda Ay Sheegeen Qaar ka mid ah Dadkii iskugu Soo baxay banaanbaxan ayaa waxay Sheegeen in Mahiga uu Dagaalkii Soomaalidda iyo Ethopia uu ahaa La taliyihii Mingiste Isagoo u Gudbiyay Sir ama xogg ( Daraasad) uu Wadanka Soomaaliya ka Soo Uruuriyay 1972. Isagga Markaas Ahaa Arday ka Soo baxay Jaamac ku taala Wadanka Canada (Toronto ) uuna U Yimid Wadanka Soomaaliya in uu Daraasad ka Sameeyo Soomaaliya, Balse Daraasaddii Uu ka Uruuriyay Wadanka Soomaaliya Uu U Isticmaalay Markii Uu Socday Dagaalka Ethopia iyo Soomaaliya , Halkaasoo Daraasaddii uu Ka Soo sameeyey Soomaaliya U Noqtay Sir uu U Gudbiyo Ethopia Halkaas Oo u Noqday La taliyaha Mahingeste Madaxwaynihii Hore Ee Ethopia.

 

Mahinga Iyo Musuqmaasuqqa UN-Ta

 

Sidda Dad Badan Oo Soomaaliya ka Warqabaan Mahiga Ayaa Wuxu Yahay Nin Musuqmaasuq Badan Arintaas oo ahayd Arintii Ugu Soo Horjeestay Dowladdii Farmaajo, Isago la Sheegey in lacagtii UN-Ta Waydiistay Farmaajo in uu Qaybtiisa ka Siiyo Balse Markii Uu Diiday Farmaajo Colaad Kula kacay, Siddoo Kale Shirkii Soomaadda Ayaa Waxaa Si kulul Loo Waydiiyay Arinta Farmaajo iyo Wixii Uu ka Ogaa iscasilaadda Farmaajo, Mahiga ayaa wixii Isku Difaacay in Khilaafka Dowladda iyo Barlamaanka ka dhexeeya Owgiis ay ahayd Sababta Farmaajo Shaqadda uga Tagay.

 

 

DSC_4257.jpg

more pics

 

Video

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Its about time Saado-the singer- gets a PR representative lest she looks like a mad woman willing to absolutely doing anything to flaunt herself as an activist.Some demonstrations are justified and robust, but citing a cartoon caricature of a cartoonist as a reliable evidence makes one look like a duplicitous opportunist. She needs to see things beyond her fragment imagination and stop jumping on every opportunity to hold unfruitful demonstrations. Taasii wa taallo.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this