Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Gaalkacyo: Delegation from Malaysia joins the Turkish Health Initiative in Puntland

Recommended Posts

GAAKACYO: Wufuud ka socota malaysia oo booqday isbitaalka Magaalada Gaalkacyo

 

September 26, 2011 10:51 am GMT - Written by PP - Edited by PP Print

 

Gaalkacyo: (pp)- Wafti ka socda hay’ad Malaysian ah oo magaceeda la yiraahdo Malaysian Relief Agency (MRA) ayaa maantey soo booqdey Isbitaalka guud ee Gaalkacyo, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Prof. Maxamed Jaamac Salaad. Waftigan oo ka koobnaa dhakhaatiir iyo Wariyeyaal u dhashay Malaysia ayaa ujeedkoodu ahaa qiimeynta adeegyada caafimaadka ee Puntland iyadoo ay booqanayeen Isbitaalada guud.

 

Wafi ka socda hay'ad Malaysian oo booqday isbitaalka Gaalkacyo

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa waftiga hay’adda MRA waxa uu kusoo dhaweeyey Isbitaalka isagoo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland ee ay xaaladaha caafimaadkana eegayaan. Wasiirka Caafimaadku waxa uu waftigan uga warbixiyey xaaladaha caafimaadka ee Puntland iyo baahiyaha jira isagoo sheegay in dhakhaatiirta caafimaadku ay yar yihiin guud ahaan Puntland ay ku sugan yihiin 73 dhakhtar oo inta takhasusyo lehna aysan ka badnayn 10 dhakhtar kuwaasi oo iyaguna ah dhakhaatiir mudo soo shaqeynayay oo laftoodu aan helin wax tabobar ah tan iyo intii ay burburtey dowladii dhexe ee Soomaaliya 20 sano ka hor.

 

Isbitaalada Puntland ayaa wasiirka caafimaadku waxa uu sheegay inay ka shaqeynayaan 7 ka mid ah kuwaasi oo ku yaala magaalooyinka waa weyn iyaguna aysan qalabaysnayn baahida qalabkuna ay aad u wayn tahay. Tusaale ahaan wasiirku waxa uu usoo qaatey inaan Isbitaaladu lahayn Oxygen wax lagu qalo hadana dhakhaatiirta Turkey ee joogta ay ka baaqsadeen qaliimo ay Isbitaalada ku samayn kareen hadii la heli lahaa Oxygen.

 

Wasiirka Caafimaadku waxa uu ka codsaday wefdiga Malaysia inay ka caawiyaan wixii ay gacan ka gaysan karaan baahiyaha dhanka caafimaadka ah sida qalabka Isbitaalada, Daawo iyo tabobaro kor loogu qaado aqoonta shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalada.

 

Wefdiga ka socda hay’adda MRA oo ah hay’ad cusub oo Puntland soo dagtey fadhigeeduna yahay wadanka Malaysia ayaa soo dhaweeyey hawlgalka caafimaad ee ay Gaalkacyo ka bilaabeen dhakhaatiirta Turkey waxayna wasiirka caafimaadka uga mahadceliyeen dadaalka uu ugu jiro badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee u baahi qaba adeeg caafimaad oo dhamaystiran. Waftiga MRA waxay sheegeen inay sahan ama hordhac u yihiin dhakhaatiir ka socda wadankooda oo ay sheegeen inay imaan doonaan dhawaan kuwaas oo ay hada qorshihii ay ku imaan lahaayeen ay wadaan ayna iyagu kasoo hormareen hadana ay gudbin doonaan baahiyaha dhanka caafimaadka ah ee ay xogta ku aruursheen intii ay joogeen iyagoo sheegay inay sii wadayaan inta ay joogaan indho indheynta iyo qiimeynta ay ku wadaan caafimaadka Puntland si ay wax uga qabtaan wixii ay kari karaan.

 

Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo wefdigan shirka wasiirku la yeeshay kala qaybgalay ayaa isaguna ka mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Isbitaalka Gaalkacyo isagoo u rajeeyey inay kaalin mug leh ka qaataan badbaadinta umadda ayna ku daydaan dhakhaatiirta Turkiga oo iyagu si muslinimo ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.

 

Wasiirka Caafimaadka & Wafdiga oo warbixin dhegaysanaya

Dhakhaatiirta Malaysia waxaa la filayaa inay dalka yimaadaan bisha soo socota sida ay sheegeen wefdiga MRA hayeeshee tirade dhakhaatiirtaas iyo inta ay joogayaan maysan sheegin hadana waxa wasiirka caafimaadku uu ka codsaday in dhakhaatiirta ay baahida weyn u qabaan inay ka mid yihiin dhakhaatiirta qaabilsan lafaha iyo cudurada dumarka oo ah kuwo qaliin iyo daaweyn.

 

Wefdiga ka socda hay’adda MRA ee dalka Malaysia waxay la kulmeen dhakhaatiirta Turkey ee shaqada caafimaad ka wada Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo sidoo kale ay booqdeen qaybaha Isbitaalka sida Saalada qaliinka, Qaybta caruurta, qaybta bukaan jiifka iyo kaydka daawada waxayna uga mahadceliyeen wefdigu dhakhaatiirta Turkey shaqada ay hayaan iyagoo u sheegay inay damacsan yihiin in hawlgalkaas oo kale ay fuliyaan hadii alle idmo.

 

Wasaarada caafimaadka Puntland

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdi ka socda Malaysia oo cusbataalka Gaalkacayo maanta booqday

 

Wafti ka socda hay’ad Malaysian ah oo magaceeda la yiraahdo Malaysian Relief Agency (MRA) ayaa maantey soo booqdey Isbitaalka guud ee Gaalkacyo halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Prof. Maxamed Jaamac Salaad. Waftigan oo ka koobnaa dhakhaatiir iyo Wariyeyaal u dhashay Malaysia ayaa ujeedkoodu ahaa qiimeynta adeegyada caafimaadka ee Puntland iyadoo ay booqanayeen Isbitaalada guud.

 

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa waftiga hay’adda MRA waxa uu kusoo dhaweeyey Isbitaalka isagoo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland ee ay xaaladaha caafimaadkana eegayaan. Wasiirka Caafimaadku waxa uu waftigan uga warbixiyey xaaladaha caafimaadka ee Puntland iyo baahiyaha jira isagoo sheegay in dhakhaatiirta caafimaadku ay yar yihiin guud ahaan Puntland ay ku sugan yihiin 73 dhakhtar oo inta takhasusyo lehna aysan ka badnayn 10 dhakhtar kuwaasi oo iyaguna ah dhakhaatiir mudo soo shaqeynayay oolaftoodu aan helin wax tabobar ah tan iyo intii ay burburtey dowladii dhexe ee Soomaaliya 20 sano ka hor.

 

Isbitaalada Puntland ayaa wasiirka caafimaadku waxa uu sheegay inay ka shaqeynayaan 7 ka mid ah kuwaasi oo ku yaala magaalooyinka waa weyn iyaguna aysan qalabaysnayn baahida qalabkuna ay aad u wayn tahay. Tusaale ahaan wasiirku waxa uu usoo qaatey inaan Isbitaaladu lahayn Oxygen wax lagu qalo hadana dhakhaatiirta Turkey ee joogta ay ka baaqsadeen qaliimo ay Isbitaalada ku samayn kareen hadii la heli lahaa Oxygen.

 

Wasiirka Caafimaadku waxa uu ka codsaday wefdiga Malaysia inay ka caawiyaan wixii ay gacan ka gaysan karaan baahiyaha dhanka caafimaadka ah sida qalabka Isbitaalada, Daawo iyo tabobaro kor loogu qaado aqoonta shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalada.

 

Wefdiga ka socda hay’adda MRA oo ah hay’ad cusub oo Puntland soo dagtey fadhigeeduna yahay wadanka Malaysia ayaa soo dhaweeyey hawlgalka caafimaad ee ay Gaalkacyo ka bilaabeen dhakhaatiirta Turkey waxayna wasiirka caafimaadka uga mahadceliyeen dadaalka uu ugu jiro badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee u baahi qaba adeeg caafimaad oo dhamaystiran. Waftiga MRA waxay sheegeen inay sahan ama hordhac u yihiin dhakhaatiir ka socda wadankooda oo ay sheegeen inay imaan doonaan dhawaan kuwaas oo ay hada qorshihii ay ku imaan lahaayeen ay wadaan ayna iyagu kasoo hormareen hadana ay gudbin doonaan baahiyaha dhanka caafimaadka ah ee ay xogta ku aruursheen intii ay joogeen iyagoo sheegay inay sii wadayaan inta ay joogaan indho indheynta iyo qiimeynta ay ku wadaan caafimaadka Puntland si ay wax uga qabtaan wixii ay kari karaan.

 

Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo wefdigan shirka wasiirku la yeeshay kala qaybgalay ayaa isaguna ka mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Isbitaalka Gaalkacyo isagoo u rajeeyey inay kaalin mug leh ka qaataan badbaadinta umadda ayna ku daydaan dhakhaatiirta Turkiga oo iyagu si muslinimo ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.

 

Dhakhaatiirta Malaysia waxaa la filayaa inay dalka yimaadaan bisha soo socota sida ay sheegeen wefdiga MRA hayeeshee tirade dhakhaatiirtaas iyo inta ay joogayaan maysan sheegin hadana waxa wasiirka caafimaadku uu ka codsaday in dhakhaatiirta ay baahida weyn u qabaan inay ka mid yihiin dhakhaatiirta qaabilsan lafaha iyo cudurada dumarka oo ah kuwo qaliin iyo daaweyn.

 

Wefdiga ka socda hay’adda MRA ee dalka Malaysia waxay la kulmeen dhakhaatiirta Turkey ee shaqada caafimaad ka wada Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo sidoo kale ay booqdeen qaybaha Isbitaalka sida Saalada qaliinka, Qaybta caruurta, qaybta bukaan jiifka iyo kaydka daawada waxayna uga mahadceliyeen wefdigu dhakhaatiirta Turkey shaqada ay hayaan iyagoo u sheegay inay damacsan yihiin in hawlgalkaas oo kale ay fuliyaan hadii alle idmo.

 

Horseed Media

 

Source: Wasaarada caafimaadka Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this