Sign in to follow this  
Carafaat

Somalia Territorial Waters being sold to Kenya??

Recommended Posts

Carafaat   

‘Arrintaas Uiu ka Dhawaajiyey Raiisul Wasaaraha Waa Mid Xaaraan ah…’

 

“….200 nautical mile waxaa iska leh dawladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana sharciyeey Dawladdii Maxamed Siyaad Barre (AHN), waxana uu ku sharciyayey in ay tahay Somalia Territorial Waters, ee kuma uu sharciyayn inay tahay Somalia Exclusive Economic Zone (EEZ)…”

 

“…Badda iyo dhulka ummadda oo dhan ayaa leh. una malayn maayo in badda Soomaaliya sidaas lagu dhici karo oo lagu duudsiin karo xaqeeda, prime minister-kuna hadda waxa uu joogaa New York, waxaana rajaynayaa inarrintan aan la dhayal san karin, labada boqol (200 nautical mile) ee Soomaaliya leedahaynan qof ku saqajaami kara ma jiro…”

 

Waxana uu Prof Ibbi qiray in Kenya ay samaysay in si khalad ah usoo gashay xudduudeena badda Soomaaliyeed, baarlamaanka wuxuu ku ammaanay inay ka hor tageen heshiiskii uu u ololayn jirey ee Is-afgaradka kana dhigeen NULL & VOID….

 

Prof. Cabdiraxmaan Ibbi ” Intaan la gaarin 19-ka Desember Haddii aan Dadka Soomaaliyeed Muujin Isku Duubnaan iyo Midnimo waxaa Dhici karta… “

 

Ayadoo Dowladda Federaalka ay Dooneyso in 19 Desember 2011 in ay wax ka badesho Sharcigga Badda Soomaaliya ee la saxiixey 1972-dii ayaa waxaa maalmahaan socda Olole la doonayo in looga hortago wax ka badelida Sharcigaas iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa arrinkaan ka hadley Wasiirkii Hore ee Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladii Cumar Cabdirashiid, Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo Xiligaa ahaa Shaqsi u ololeynayey in Heshiis loogu yeerey Afgarad oo la doonayey in qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya lagula heshiiyo Dowladda Kenya, ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko 19 ka Desmber 2011 in wax laga badelo Sharcigii Badda ee Soo jirey muddo 40- Sanno ah.

 

Prof Cabdiraxmaan Ibbi isagoo arrinkaa ka hadlaya waxaa uu yiri “Xiligaas anaguba waxaan ahayn kuwa Difaacayey Badda Soomaaliya waayo waxaa ku doodeyney in Badda Soomaaliya ay tahay 200 Nautical Miles oo ah Midda Soomaaliya Xaq u leedahay oo aan sinaba looga hadli karin.”

 

Prof. Cabdiraxmaan Ibbi mar wax laga weydiiyey sida uu u arko Warkii ka soo yeerey Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa in Badda Soomaaliya haddii 200 oo Mayl ay noqoto waxaa galeysaa Xeebaha Sacuudiga waxaa uu ku jawaabey “Arrintaas uu ka dhawaajiyey Raiisul Wasaaraha waa mid Xaaraan ah marnaba lagama hadli karo in Baddeena ay tahay wax kayar 200 Nautical Miles markii an ahaa Wasiirka Kaluumeysiga waxaan ku doodeyney in Badeena ay tahay 200 Nautical Miles iyo wax ka badan marka Cidda oroneysa Baddeena 12 Natical Mayl waa qof aan la socon Sharciyada u yaal Badaha ”

 

■___________________________

“Badweynaha Indian Ocean-ka maadaama ilaa laga gaarayo Australia ay tahay badweyn, waxaan ku leenahay dhinacan badweynta hindiya 200 nautical mile, hadda ayaan leenahay (200nm). Waxaan dagaal ugu jirnaa oo dhibaatada hadda kicisay waa Continental Shelf-ka la gaarsiiyo 350 nautical miles,” prof. Ibbi … (mp3)

___________________________

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey in wax ka badelidda Sharciga Badda Soomaaliya ay ka Dambeeyaan Dowladaha Norwey iyo Denmark ayaa waxaa uu ku Jawaabey Proff Cabdiraxmaan Ibbi oo markaa u waramayey Idaacada Al Furqaan ee ka dhisan Magaalada Muqdisho waxaa uu yiri ” Dalkeenna Muddo 21 Sanno ayuu Beylah ahaa Baylahnimadaas ayaa keentey in Dallal fara badan ay soo Hunguriyeeyaan Khayraadkeennii una soo tartamaan maadaama dadka Soomaaliyeed ay iyagu isku jeesteen”

 

Waxaa la weydiiyey sida uu u arko 19 Disember 2011 ee Soo socota wax laga badelo sharcigii Badda u yaal waxaa uu ku jawaabey Proff Ibbi: Waxaan u Mahadcelinayaa Baarlamaanka Soomaaliyeed sida uu uga hortegey ama u fashiliyey in kal hore wax laga baddelo Sharcigii Badda Soomaaliya waxana hadda looga fadhiyaa sidii looga hortagi lahaa wax ka badelidda Shaciga badda Soomaaliya sidoo kale dadka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa inta aan la gaarin 19-ka Desember in ay muujiyaan isku Duubnaan iyo Midnimo haddii aan taasi la helin waxaa dhici karta in Soomaaliya Badeeda wax badan ay ku weyso islamarkaana waxaa laga yaabaa in Qaramada Midoobey ay la wareegto arrimaha Badda Soomaaliya.

 

Guntii iyo Gabagabdii in Badda Soomaaliya maanta muran la geliyo waxaa Masuuliyadeeda qaadeysa intii ka shaqeyneysa islamarkaana sabab u ahaa in Kenya ay soo Hunguriyeyso Badda Soomaaliya sidoo kale waxaa Taariikh Madow galaya Shaqsiyaadkii arrimahaas ka shaqeeyey ee Xukuumadihii soo marey tan iyo intii la soo dhisey Dowladii Jabuuti ee Sannadkii 2009.

 

 

http://allssc.com/?p=15757

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Guys, is this true?

 

Has the TFG the authority to change the Somali terrotorial water from 200 mile to 12 mile?

 

Is this even possible according to International Maritime Law's?

 

What consequence will this have for the explotation of fishing, oil, gas and other resources?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this