Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland govt sends a delegation to Somalia to deliver Humanitarian assistance

Recommended Posts

Somaliland Oo Deeq Gaadhsiinaysa Sabtida Soomaalida abaaruhu Tabaaleeyeen

September 22nd, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in laba wefti ay deeqo gaadhsin doonaan dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee k u nool magaalada Muqidisho ee dalka Soomaaliya iyo Xeryaha qaxoontiga wadanka Kenya oo ay ku jiraaan qaxoonti badan oo ka soo baro-kacay dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Ganaacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed oo ka mid ah guddidii xukuumaddu u xil saaray taakullaynta dadka abaaruhu ku tabaaleeyeen wadanka Soomaaliya, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in ay dadka abaaraysan ee soomaalida ah u ururiyeen adduun dhan 700 oo dollar.

 

“Waxaanu u soo ururinay dadka abaaruhu aafeeyeen ee Soomaaliya lacag dhan 700 oo kun oo Dollar, lacagtaasi 99.5 waxay ka soo ururtay gudaha dalka, halka 0.5% ay soo direen jaaliyadaha dibadu, waxaanan u mahad naqaynaa cid kasta oo ka qeyb qaadatay arrintan,”ayuu yidhi Md. C/Risaaq Khaliif.

 

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo ka tirsan Gudidii qaadhaan u ururinta abaaraha Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay labada wefti ee maalinta Sabtida ah deeqda gaadhsiin doona xeryaha qaxoontiga ee Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo xeryaha Soomaalida ee dalka Kenya.

 

“Waxa labada wefti ee aanu qorshaynay u kala baxayaan Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo xeryaha qaxoontiga ee Kenya. Weftiga Muqdisho waxa ay ka kooban yihiin 6 xubnood waxaana Hoggaamiyaha Xasan Cabdi Cawad, waxaana xubno ka ah Jamaal Caydiid Ibraahim, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Sheekh Maxamed Cali Geedi, Maxamed Shugri Jaamac iyo Axmed Maxamed Aadan, waxaanay qaadanayaan deeq lacageed oo cadaan ah waxaanay ku go’aan qaadan doonaan markay tagaan Muqdisho,”ayay tidhi Wasiir Ku xigeenka Caafimaadku.

 

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay sheegtay in weftiga deeqda u qaadi doona xeryaha Kenya uu Hoggaamin doono Wasiirka Wasaarad diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxaana xubno ka ah Wasiirka Ganacsiga, Sheekh Maxamed Aadan iyo Maxamed Shigri Dagaal.

 

Waa markii u horaysay ee xukuumada iyo shacbiga Somaliland ay qaadaan tallaabo noocan oo kale ah waxanay ku sheegeen inay ka damqadeen xaalada abaarta daran ee ku habsatay dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Delegation to Visit Mogadishu in Historic Trip

Report

Voice of America

 

Somaliland plans to send a delegation to Somalia's capital Mogadishu on Saturday, in what would mark the breakaway region's first official visit there in more than 20 years.

 

During a news conference Thursday, Somaliland Vice President Abdirahman Saylici downplayed any political significance, saying the trip is purely humanitarian.

 

The delegation plans to deliver money to help Somali drought and famine victims. Somaliland's trade, industry and tourism minister, Abdirisaq Khalif, said his region's people have raised $700,000.

 

A second delegation from Somaliland will visit Kenya's massive Dadaab refugee complex near the Somali border on Saturday. Dadaab is home to more than 400,000 Somali refugees.

 

Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but is not recognized by any nation. The region runs its own affairs and has existed in relative peace and stability for two decades.

 

Somalia, in contrast, has been wracked by 20 years of chaos and conflict since warlords overthrew dictator Mohammed Siad Barre in 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Short trips are you sure about that the Amiirs plan is to bring down the CIA compound in Mog you were not really thinking the Amiir would welcome the SL delegates in Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

I think for Somali's this visit indeed will be very Historic.

 

Some will try to poison this historic visit with their hate for Somaliland and its indepedance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this