Xaaji Xunjuf Posted September 20, 2011 Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Puntland Oo Lagu Dilay Gaalkacyo- Lasanod Online. Tuesday, September 20, 2011 Gaalkacyo,(lasanod Online)- Kooxo hubeysan oo aan la garanaynin ayaa caawa ku dilay gudaha magaalada Gaalkacayo mid kamid ah xildhibaanada.. Golaha Baarlamaanka Puntland. Xildhibaanka geeriyoodey oo lagu magacaabi jirey Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xaaji (Koodhaa) ayaa salaadii makhrib kadib xilli uu kusii jeedey gurigiisa waxay kooxo hubeysan oo aan haybtooda lagaranayni ku toogteen agagaarka Iskoolka Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacayo. Xildhibaan Cabdiweli Muuse Shire ( Dhamuuke ) oo isna ah xildhibaan kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida xildhibaankaas oo waxyar ka hor magaalada Gaalkacyo ku geeriyoodey. Xildhibaanka geeriyoodey ayaa la sheegay inay ku dhaceen xabado dhowr ah, kuwaas oo ka haleelay Saabka iyo madaxa uuna ku qudh baxay Cusbataalka Gaalkacayo, halkaas oo markii hore dhaawac ahaan loo geeyey. Ma aha markii ugu horeysey oo magaalada Gaalkacayo lagu dilo Mas’uul katirsan maamulka Puntland, iyo dadka kale oo bulshada dhexdeeda magaca ku leh Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 21, 2011 Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 21, 2011 Allah ha u naxariisto ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
princesshafsa Posted September 21, 2011 ilaahey ha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted September 21, 2011 Alle ha u naxariisto.. I hope this gun downed has nothing to do with earlier cirises. XXundhuf waa belo sheega p/l. Quote Share this post Link to post Share on other sites