Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland foreign minister meets US Secretary of State for African Affairs

Recommended Posts

Wasiirka Arr.Dibada Somaliland Oo La Kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada u qaabilsan Afrika

 

September 19th, 2011

 

Washington (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa shalay kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda wadanka maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa Johnny Carson iyo Ha’yada USAID.

 

Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Somaliland.Org, waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Mohamed C/laahi Cumar oo ku gudo jira socdaal shaqo oo uu ku joogo dalka maraykanka ayaa kulan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda dawladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika iyo masuul sare oo ka tirsan hay’ada USAID. Wasiirka oo kulankii hore la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda wadanka maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa Johnny Carson ayay isku afgarteen in la xoojiyo xidhiidhka siyaasadeed, dhaqaale, nabadgelyo iyo wada shaqayneed ee Somaliland iyo Maraykanka iyo sidii dawladda maraykanku ay Somaliland uga taageeri lahayd dhinaca abaaraha oo saamayn ku yeeshay, Waxana loo balamay in muddo kooban gudaheed lagu galo arrimahaasi.

 

*Geesta kale Wasiir Maxamed C/laahi Cumar waxa uu kulan la yeeshay Ms. Raj Jandhayala kaaliyaha maamulka iyo horumarinta ee hay’ada USAID waxaanay ka wada hadleen sidii loo sii kordhin lahaa kaalmada ay hay’adaasi u fidiso Somaliland arintaasina waxay ku dhamaatay guul iyada oo balan qaaday in hay’ada USAID ay kordhin doonto mucaawimadii la siin jiray Somaliland. Wasiirka khaarajiga Somaliland waxa sidoo kale uu ka qayb galay kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabisay hay’ada NED kaasi oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta daneeya arimaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Ambassador David Shin, iyo Ambasador Lange, iyo mauuliyiin kale oo daneeya arrimaha Somaliland. Kulankan ayaa ahaa mid lagusoo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Somaliland mudadii ay jirtay iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibatooyinka wakhtigan hortaagan iyo habka ay hayada NED oo mucaawimooyinka siisa wadamada soo koraya ugu kordhin lahayd deeqda Somaliland.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this