Sign in to follow this  
Fiqikhayre

UN and EU Delegation Tour Puntland

Recommended Posts

UN iyo EU oo la kulantey Puntland

 

15 Sep 15, 2011 - 9:11:31 AM

 

gudha_labo.jpg

 

Wafdi heer sare oo ka socdey Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafey waxay ku sugnaayeen deegaanda Puntland iyaga oo kulamo la qaatey madaxda ugu sareysa Puntland hogaaminayona Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole Madaxweynaha dawladda Puntland.

 

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey xiriiriyaha Qaramada Midoobey ee dhinaca gargaarka bani’aadannimada Mr. Mark Bowden, Ms,Valentina Auricchio oo ah madaxa maamul wanaanga iyo amaanka ee Midowga Yurub,sidoo kale waxaa katirsanaa wafdiga masuuliyiin ka socdey safaaradaha dalalka Yurub ay ku leeyihiin Nairobi sida Sweden,Norwey iyo Switzerland.

 

gudaha_sadex.jpg

 

Magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa wafdigan kasoo bilaabey booqashada Puntland ,waxana ay halkaasi soo indha indheeyeen xaaladaha nololeed iyaga oo booqdey xeryaha barakacayaasha ay ka degan yihiin magaaladaasi.

 

Wafdigan heerka sare ah markii ay sooo gaareen magaala madaxda Puntland ee Garowe waxa marti qaad u fidiyey madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Faroole,waxayana isaga iyo wasiiradiisa kula casheeyeen xarunta Madaxtoyada Puntland.

 

fr.jpg

 

Isla xarunta Madaxtoyada ayaa subaxii waxaa wafdigani uu hogaaminayey Mark Bowden ay kulan laqaateen Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyadoona ay goob joog ahaayeen qaar kamid ah wasiirada Puntland sida wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah Dr,Daa’ud Maxamed Cumar ,wasiirka arimaha gudaha Gen,Cabdulahi Axmed Jaamac Ilkajir,wasiirka waxbarashada Puntland Dr,Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wasiiru dawladaha Qorshaynta Prof,Cabdiqadir Xaashi.

 

Mawduucyadi ugu muhiimsanaa ay labada dhinaci kawada hadleen ayaa ahaa kobcinta iyo tayenta waxsoosaarka iyo weliba horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida uu BBC laanteeda Somaliga u sheegay Daauud Maxmed Cumar wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

 

gudaha_shan.jpg

 

Wasiirka oo wareysi siinayey BBC-da ayaa mar laweydiiyey in uu qodobeeyo arimihi ay kawada hadleen wafdiga kasocdey deeq bixiyaasha ayaa waxaa uu xusey in ay la isla soo qaadeen dhamaystirka Airporka,sameynta wadooyinka soo gala magaalooyinka waweyn ,deegaanka iyo wax kaqabashadiisa.

 

Wasiirka Qorhsyanta Puntland mar uu ka hadlayey kulankii dhexmarey iyaga iyo wafdiga ayaa waxaa uu shaagay in 10 haydoood oo kamid ah Puntland ay baahiyahoodi u soo gudbiyeen wafdiga waxana uu ku tilmaamey shirka ay la yeesheen mid muhiimad gaar ah iska lahaa marka loo eegoo kasoo qaybgalka heerka sare ahaa .

 

gudaha_afar.jpg

 

Ugu danbeyntii ayaa Da’uud Maxamed Cumar wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland waxaa uu cadeeyey in la dhisey gudi isku dhafan oo isku xiraya labada dhinac shaqadiisuna tahay hirgelinta waxsoosaarka haydaha dawladda.

 

Wafdigan kasocdey Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa maanta ka dhoofey xarunta dhaqaalaha Puntland ee Bosaso halkaasi oo ay saaka gaareen kulamona kula yeesheen qaar kamid ah xukuumada Puntland xubnaheeda sida wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Shire iyo wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda Eng,Siciid Maxamed Raage ,waxayna sidoo kale soo mareen xeryaha barakacayaasha Bosaso iyo dekeda iyagoona ku faraxsanaa waxay kala kulmeen guuud ahaan socdaalkoodi Puntland.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Does the Minister of Ports (Said M. Raage) has Kenyan roots or me thinking. Where is Cawke when you need him?, otherwise great Photos,the guys (Ministers)really look professionals , no more Marya Calastii Cade muuse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this