Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Fuad shongole '' Dagaalada waxaan joojineyna markaan Mareykanka iyo xarunta QM gaarno''

Recommended Posts

Sheekh Fu’aad Shongolle ayaa wuxuu maanta sheegay in dagaalada ay wadaan Xarakada Al Shabaab, ay istaaggi doonaan oo qura, marka buu yiri aanu cagta marino Qaramada Madoobe iyo Maraykanka.

 

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongole” oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu khudbad uu ka jeediyay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay tababaro u soo gaba-gabeeyeen dagaalo taabacsan Xarakada Al Shabaab.

 

Khudbada uu Fu’aad Shongole uu u jeediyay dagaal-yahanadaasi, ayaa waxaa maanta si toos ah u sii deysay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xoogaga Xarakada Al Shabaab, waxayna Idaacadu ay qeyb ka tahay dagaalada ay wado Xarakada Al Shabaab.

 

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongole” ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba istaagi doonin, dagaalada ay caalamka ka wado buu yiri Xarakada Al Shabaab, ilaa buu yiri aanu wiiqno Qaramada Midoobe iyo Maraykanka.

 

Sheekh Shongolle ayaa wuxuu sheegay in caalamka ay dhibaato ba’an ku hayaan Maraykanka iyo Qaramada Madoobe, isla-markaana kuwo kaliya ee afka dhulka u dari kara, ayaa wuxuu ku sheegay in Xarakada Al Shabaab oo qura ay tahay.

 

Sheekha ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday in dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab ay diyaar u yihiin, qaab kastaa oo uu sheegay inay lagu wiiqi karaayo Maraykanka iyo Qaramada Madoobe, isagoo xitaa sheegay inay u huri doonaan nafsadooda iyo maalkooda.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inay meesha ka saari doonaan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, oo uu sheegay in Reer Galbeedka ay u soo kireysteen ciribtirka bulshada Soomaaliyeed.

 

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Xarakada Al Shabaab ay shaaca ka qaaday, inay badashay dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq, isla-markaana sida ay sheegtay ay u hadashay kuwo fool ka fool ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this