Xaaji Xunjuf Posted September 18, 2011 Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qaabilay Wefti Ka socda Imaarada Shaariqa ee Imaaraadka Carabta September 18th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qaabilay wefti ka socda Imaaraada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabka kuwaasi oo socdaal ku yimid dalka. Weftigan oo ka socda Jimciyada khayriga ah ee Imaaradda Shaariqa, ayaa dalka keenay deeq raashin ah oo ay ugu tallo galeen dadkii ay abaaruhu waxyeeleeyeen ee ku dhaqan gobolada dalka. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Guddoomiyaha Gudida heer qaran ee gurmadka abaaraha ayaa sheegay inuu weftigan ku soo dhawaynayo dalka, waxaanu uga mahad celiyay socdaalkooda iyo deeqda ay u sidaan dadka abaaruhu waxyeeleeyeen ee reer Somaliland. “Dawladaha imaaraadka carabta waa dawlado xidhiidh soo jireen ahi ka dhaxeeyo Somaliland, xidhiidhkaasi oo iskugu jira dhaqan, ganacsi iyo diin-ba, xidhiidhkaasi oo labaatankii sanadood ee u dambeeyay marba sii xoogaysanayay gurmadkan aad noogu timaadeen xiligan waxay ka turjumaysaa xidhiidhka walaalnimo ee inaga dhaxeeya, waana aanu idiinka mahad naqaynaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka oo la hadlayay weftigan. “Waa waajib diiniya dadka islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba inay is caawiyaan, waxaanan idin leenahay dalkani waa dalkiinii labaad eek u soo dhawaada qalbi iyo gacmo furan,”ayuu tilmaamay Md. C/Raxmaan Saylici, waxaanu uga waramay xaalada abaaraha ee gobolada dalka. Xubin ka mid ah weftigan oo la yidhaahdo Rashiid Saalax Binu xamad ka hadlay kulankaasi ayaa yidhi “Waxaanu halkan ku nimid amar ka yimid Dr. Suldaan Maxamed Al-qaasim, si aanu uga qeyb qaadano dhibaatooyinka ka jira geeska Afrika, waxaana aanu Somaliland u nimid inaanu abaaraha ka jira ka geysano waajibaadkayaga. Ujeedadayada dhabta ahina waxa weeye in dadka reer Somaliland ee abaaruhu waxyeeleeyeen aanu gacantayada ku gaadhsiino taakulada aanu u sidno.” “Waxaanan idiinka mahad celinaynaa sida diiran ee aad noogu soo dhawayseen Somaliland,”ayuu yidhi. Weftigan waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiiradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo la Taliyaha Madaxweynaha arrimaha siyaasada Abiib Diiriye Nuur. Quote Share this post Link to post Share on other sites