Jacaylbaro Posted September 15, 2011 Kooxda Alshabaab oo 3 Milyan oo Dollar Laaluush ahaan uga Qaadatay Dawlada Somaliya si Shirkii Wada-tashiga loogu Qabto Muqdisho Shabakadda Horumar Online ayaa sheegtay in Kooxda Alshabaab inay uga baxday magaaladda Muqdisho Lixdii bishii hore Lacag Laaluusha ah oo ay ka qaateen DKM ee Somaliya iyo cabsi farabadan oo kaga timi weeraro is-daba joog ah oo lagu soo qaaday Lacag gaadhaysa 3 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Saraakiil ka tirsan Kooxda Alshabaab Habeenkii ka horeeyay Maalintii ay Faaruqiyeen Degmooyinkii ay ka talin jireen ee Gudaha Muqdisho, taasoo ay gacanta ka geliyeen Saraakiil ka tirsan Dawlada Somaliya. Wareejinta lacagtan lagu laaluushay Xarakada Alshabaab ayaa la sheegay inay ka dambaysay kulamo dhawr ah oo ay wada yeesheen xubno ka socda Dawlada iyo Kooxda Alshabaab, kuwaasoo ugu dambeyntii kala saxeexday Heshiis laba qodob ka kooban oo lagu suuro gelinayo inay alshabaab ka baxdo muqdisho si loo qabto shirka wada tashiga Somaliya ee dhawaan la soo gabagabeeyay. Fu’aad Cabulaahi Cumar oo katirsan saraakiishii DFKMG Soomaaliya uga qeyb gashay kullankaasi ayaa Horumar Online uga warbixiyay cidda fududeysay kullankaasi inuu qabsoomo iyo sababta keentay in Al Shabaab Muqdisho lacago la siiyay awgood ay uga baxday.“Marka ugu horeysa madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa kawada hadlay muhiiimadda ay leedahay in si cilmiyeysan Al Shabaab Muqdisho looga saaro maadaama lagu guul dareystay in si awood milatari ah dagaalka Al Shabaab lagu soo afmeero, taasina waxay dhalisay in labada Masuul ay raadiyaan cid waliba oo si farsameysan arinta u waajahda si suurtagal looga dhigo in kullanka wada tashiga uu Muqdisho ku qabsoomo” ayuu yidhi Fu’aad Cabdulaahi Cumar. Waxaanu intaasi ku daray in wada hadaladaasi Madaxda Sare ee Dawlada ay arintaasi galleen rag badan oo ka tirsanaan jiray Maxakamadihii Islaamiga ahaa, gaar ahaana qaar ka mida madaxdii warfaafinta iyo siyaasadda gobolada ee wakhtigii Maxakamadaha, kuwaasoo Saddex jeer kulamo isugu keenay labada dhinac ee Dawlada iyo Alshabaab gudaha Muqdisho. “Kullankaas DFKMG Soomaaliya waxaa uga qeyb galay ilaa iyo 5 sarkaal oo iyagu barnaamijkan si toosa u waday iyo saddex sarkaal oo ka socotay kooxda Al-shabaab, waxaanan ka xusi karaa oo raggaasi ka mida ahaa Xusseen Cali Fiidow oo ah madaxa siyaasadda iyo xidhiidhka gobolada Xarakada Al Shabaab, Axmed Kabare oo ka mida taliyayaasha ciidamada iyo sidoo kale kaba-kutukade oo dhamaantood si qarsoodiya halkaasi loo keenay, kadibna waxaa la isku afgartay in ciidamada Al-shabaab laga saaro gudaha caasimadda Muqdisho” ayuu tilmaamay. Ninkan ay Waraysatay Horumaronline Waxa uu qirey in lacagta la isku afgartay ay u dhaxeysay 3 Milyan oo doolar ilaa iyo 3,500,000 USD, laakiin arintan kaliya ee ay labada dhinac isku mariwaayeen inay ahayd sidii saraakiisha Alshabaab ugu qancin lahaayeen Dagaalyahanadooda inay ka baxaan muqdisho, maadama aanay muuqan sababo caqli gal ah oo ay Al-Shabaab uga bixi karaan fadhiisimahooda Xamar. Waxaanu Fu’aad sheegay in ugu dambeyntii laysku afgartay dhawr qodob oo macquul ah, kuwaasoo loo adeegasanayo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa fadhiisimo badan oo ku yaalla caasimadda. Qodobadaasi oo kala ah:- 1-waxa la isku afgartay in xarakada laga dhaadhiciyo in diyaaradihii duqeynta ka geystay deegaanka Qandalla ee duleedka magaalada Kismaayo halkaasi oo la rumeysan yahay in dil loogu geystay xubno sarsare oo Al Shabaab ka tirsan ay kusoo fool leeyihiin amaba kusoo wajahan yihiin degmooyinka caasimadda Muqdisho, qorsheynayaana mareykanka iyo faransiisku inay duqeymo ka geystaan degmooyinka Muqdisho. 2-sidoo kale ay xubnuhu isla garteen in dagaal yahanada Alshabaab loo muujiyo inay jiraan weeraro xooggan oo ay ciidamada AMISOM, kuwa DFKMG ee Soomaaliya iyo cutubyo ka socda milatriga faransiiska iyo mareykanka ay dagaallo xooggan ku qaadayaan Al-shabaab, sidaasi darteed si looga badbaado khasaare xooggan oo Shabaabka ku yimaada in la sameeyo dib u gurasho xooggan oo ku aaddan iney Al-shabaab baneeyaan qeybo badan oo kamida Caasimadda Muqdisho. Mar la waydiiyay kalasoonida lagu qabi karo warkiisan iyo in lacag lagu laalushay Kooxda Alshabaab xiligii ay ka baxeen muqdisho waxa uu ku adkaystay inay wararkaasi oo dhami jiraan, isla markaana in Al-Shabaab maalmaha foodda inagu soo haya ay dib ugu soo noqon doonaan dhamaan degooyinkii ay faaruqiyeen ee caasimadda Muqdisho maadaama laga soo gudbay shirkii wadatashiga Soomaalida oo si uu qabsoomo ay Dawladu talaabadaasi u qaaday. Muhtkaar Elmi oo loo yaqaano abuu daa’uud oo ka tirsanaan jiray xarakada Al-shabaab ayaa sidoo kale laga soo xigtay in markii uu warkaasi maqlay uu la xidhiidhay rag ay saaxiibo dhaw yihiin oo ka tirsan xarakada shabaab, kuwaasoo uu sheegay inay faahfaahn dheer ka siiyeen sababaha ay dagaalyahanada Shabaabku Muqdisho uga baxeen. “Waxay ii sheegeen in lagu war galiyay in maalmaha soo socda goobahaasi diyaarado lagu duqeyn doono, islamarkaana ciidamo xooggan oo dhinaca lugta ah ay weeraro ku balaadhinayaan dhamaan goobaha ay Shabaabku ku sugan yihiin ee Muqdisho iyo in Magaalada muqdisho ay soo gaadheen ciidamo ka socda Faransiiska iyo Mareykanka kuwaasi oo hawada iyo lugba weerada kaga qeyb galaya, sidaasaa lagu cabsi galiyay kooxda Al Shabaab si looga saaro fadhiisimihii ay ku lahaayeen degmooyinka Muqdisho” ayuu yidhi abuu Daa’uud. Kooxda Alshabaab ayaa horaantii bishii aynu ka soo gudubnay, waxay maalin kaliya ka huleeleen fadhiisimo badan oo ay ka lahaayeen Magaalada Muqdisho, waxaanay ka bixitaankooda ku sababeeyeen inay Dagaalkoodii foolka foolka ahaa ee ay ka wadeen Muqdisho u bedeleen qaab kale cusub, waxaana ilaa wakhtigaasi laysla dhex marayay khilaaf xoogan iyo awood daro dhinaca Dagaalka ahi soo foodsaartay Kooxda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 15, 2011 bacaaaaaac Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 15, 2011 loooool@ bacaac Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dabrow Posted September 15, 2011 well this how one should conduct and end this conflict, well this must be idea from higher place because somalis are not knowed for their diplomacy. Good step forward. Bring on Alshabab to the table. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BoldNewSomali Posted September 16, 2011 I find it odd how folks on here are "lol-ing" about what is going on in Somalia. I for one am one who believes in a healthy sense of humor. But there is nothing funny about the never ending political quagmire that is going on in Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garnaqsi Posted September 16, 2011 BoldNewSomali;746487 wrote: I find it odd how folks on here are "lol-ing" about what is going on in Somalia. I for one am one who believes in a healthy sense of humor. But there is nothing funny about the never ending political quagmire that is going on in Somalia. Couldn't agree more! By the way, your moniker reminds me of certain famous dystopian novel! Quote Share this post Link to post Share on other sites