Sign in to follow this  
Carafaat

Somaliland supports Khaatuma Conference

Recommended Posts

Carafaat   

The Khaatumo Organisation Committee was welcomed in all the Somaliland governed regions of SSC. The committee visited cities like Lasanod, Widhwidh, Yagoori, Adhicadeeye, Ganbadhe, etc. This should make it clear that Somaliland goverment and citizens supports the Khaatumo Conference and hope its outcome will contribute to the peace, development and unity of its citizens. Therefor the Conference should be organised in Lasanod wich is the capital of the region and the capital of Beesha.

 

 

 

 

Adhicadeeye

 

Yagoori

 

Awrboogays

 

Saaxdheer

 

Widhwidh

 

Dharkeyngeeyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Beesha jaamac siyaad oo cadaysay in ay san nina marti ugu ahayn Deegaamada Yagoori , Laascaanood iyo Ganbadhe Codsadayna in ay diyaar u yihiin Shirka Khaatumo2 in lagu qabto deegaanadooda.

 

sida aad ku aragteen warbaahinta waxaa gudidii qabanqaabada khaatumo2 ay soomareen dhamaan deegaamada SSC iyagoo magaalada Yagoori, Adhicadeeye , Laascaanood iyo Ganbadhe ay dad badani u haysteen in aan la tegi karin ayaa hadana waxa cadaatay in lagu soo dhaweeyay si aan loogu soo dhawayn deegaamadii faraha badnaa ee ay soo mareen taasina waxay dal iyo dibadba ay beelwaynta *********** argeen in khilaafka *********** dhexdiisa yaalaa mooyee aanay jirin waxkale oo deegaamada *********** haysta waxaana idiin cad qoraaladan, sawiradan kucad dhamaan websaydyada , warbaahinta iyo idaacaduhunu sheegeen.

 

afhayeenka Gudiga 21 ee *********** ee laascaanood axmed sanbalooshe sida uu ku cadeeyay magaalooyinka Yagoori iyo shirkii balaadhnaa ee kadhacay magaalada laascaanood gurika Garaad jaamac garaad ismaaciil in ay diyaar uyihiiin codsadeena in ay marti gelinayaan shirka khaatumo2.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Gudiddii Qaban qaabada shirweynaha beelaha *********** oo Lagu soo dhaweeyay Degmooyinka Sool iyo BuuhoodleSeptember 14th, 2011 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddidii ka socdey jaaliyadaha dibada ee qabanqaabada shirweynaha *********** ayaa si weyn looga soo dhaweeyay degmooyinka gobolka Sool iyo Buuhoodle oo ay maalmihii ugu danbeeyay socod ku marayeen.

 

Sida uu ku soo warramayo weriye Yuusuf Ciiro Mudaharaadyo iska soo horjeeda oo aan la sheegin cid soo abaabushey ayaa isla shalay galab ka dhacey magaalada Laascaanood, ma jirin cid wax ku noqotey mudaharaadadaas oo midkood rabshad watey, waxaana soo dhex galey oo markii danbe dejiyay xaalada ciidanka amniga.

 

Dhinaca kale, Wefdiga oo la baxey guddida G6 waxa ay sheegeen in ay u socdaan qabanqaabada shirweyne lagaga hadlayo danaha beesha oo lagu magacaabey Khaatumo2.

 

Wefdiga ayaa u socdaalay shalay deegaanada galbeedka Laascaanood, waxayna hore u soo mareen Magaalooyinka Buuhoodle, Taleex, Xudun,Yagoori,Awrboogays, Adhicadeeye, Tukaraq iyo Laascaanood.

 

Haddaba wefdiga sida loo soo dhaweeyay deegaanada ay mareen, waxyaabaha ka dhashey iyo mudaharaadkaba waxa warbixintan ka soo diyaariyay weriyahayaga gobolka Sool Yuusuf Ciiro.

 

“Gudida jaaliyada *********** ee qabanqaabada shirka khaatumo2 oo dalka ka soo galay dhinaca Itoobiya horaantii bishan ayaa markii ay soo gaadheen Buuhoodle bishan Sebtember bilowgeedii halkaa waxa ay dadwaynaha reer Buuhoodle u soo ban dhigeen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen in uu yahay qabanqaabinta shirwayne ay isugu iman doonaan beelaha *********** ee deegaanada Buuhoodle, Sool iyo Sanaag bari.

 

Shirkaas oo ay ugu yeedheen in uu noqon doono shir lagaga wada tashanayo Dan ***********, ayaa shirkoodii ugu horeeyay ee ay reer Buuhoodle la galeen waxay ugu cadeeyeen in aanay ka socon wax maamul ah sida SSC,Somaliland ,Puntland iyo ururo kale oo siyaasiya toona golihii ugu horeeyay ee Buuhoodlena waxay ku bixiyeen dhaar kalsooni ah.

 

Waftigan jaaliyada oo ka kooban 15 xubnood waxaa hogaaminaya oo afhayeen u ah Pro: Xasan Cali Aw Yuusuf, waxayna meelkasta oo ay tagaana ay ka cadaynayeen ujeedadooda socdaal in ay tahay (shirwayne dan *********** ah ).

 

Waftigan jaaliyadeed ee *********** ayaa maray magaalooyin farabadan oo deegaanka uu *********** dego ah oo ka tirsan gobolada Sool,Buuhoodle iyo Sanaag bari.

 

Waftigan jaaliyadeed ayaa mar ay ku sugnaayeen magaalada taleex waxay marti qaad ka heleen maamulka ******teeniya ee Garoowe, hasa yeeshee way diideen marti qaadkaas iyo in ay Garoowe tagaan labadaba.

 

waftigan ayaa markii ay ku soo dhawaadeen degmada Xudun ee magaalo madaxda Xudun waxay halkaa kula kulmeen dadwayne aad u farabadan oo ku dhiirigaliyay in ay yimadaan Xudun, oo cid iska hortaagaysana aysan jirin, markii ay Xudun soo gaadheena waxaa halkaa ku soo dhaweeyay dadwayne aad u farabadan oo qaybaha kala duwan ka kooban, waxaa kaloo halkaa ku sugnaa maamulka degmada Xudun ee Somaliland iyo Ciidanka qaranka ee deegaanka Xudun. Kuwasoo iyaguna suura galiyay in aan wax rabshado ah dhicin inta jaaliyadaasi ay dhex marayaan.

 

Deegaanka jaaliyada ayaa deegaanka Yagoori u soo gudubtay 10kii bisha Sebtember 2011, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyen dadwayne aad u farabadan .

 

Sidoo kale waxaa intii ay deegaanka degmada Yagoori ku sugnaayeen waxaa ilaalinta amniga xil iska saaray Ciidanka qaranka saldhiga 7aad iyo Ciidanka Booliska ee Gobolka sool.

 

Waftigan jaaliyadeed ee *********** ayaa socod dheer oo lug ah ku soo maray laamiga isku xidha magaalooyinka Yagoori, Tuulo samakaab iyo Adhicadeeye oo isu jira in ku dhaw 20km. waftigan ayaa 12kii /09/2011 maalinimo soo gaadhay magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood iyadoo ay galbinayaan Baabuur tiradoodu ay boqol kor u dhaaftay, waxayna socod dheer ku mareen wadada laamiga Laascaanood kala badha, iyadoo dad aan la qiyaasi Karin ay teedsanaayeen laamiga oo soo dhawayn ay farxadi ka muuqato sacabka ugu garaacayeen jaaliyada gobolka u dhalatay ee waftiga uguYimi.

 

Waftigaasi jaaliyadeed ee *********** ayaa markii danbe ku degay guriga wayn ee galbeedka laascaanood ku yaal ee uu leeyahay Garaad jaamac garaad ismaaciil, barxada wayn ee gurigaasi leeyahayna jaaliyadu ay kala hadleen dadwayne aad u farabadan, waxayna u sheegen ujeedadooda socdaal oo la mid ah tii ay u soo sheegayen meelkasta oo ay soo mareen.

 

Maamulka somaliland ayaan wax fara gelin ah ku samayn shirarka ay wateen jaaliyadaasi.

 

12/09/2011 galabnimadii ayaa waxaa magaalada laascaanood ka bilaabmay mudaharaaad aan la garanayn cida soo abaabushay oo ay waddada dheer ee laamiga ah ka sameeyen dad u badan caruur iyo dumar. Mudaharaadayashaas oo sitay calanka ssc.

 

Ma jirto maamulka soomaliland ee gobolka sool cid is hor taagtay, wuxuuna ku dhamaaday si nabadgelyo ah.12/09/2011 bacda makhribkii ayaa waxaa laascaanood ka bilaamay mudaharaad kale oo ka duwan kii hore oo rabshado wata oo aan la garanayn cida soo abaabushay oo dhalinyaro ay wado, halku dhigyadooduna ay ka muuqatay mid lagu diidanyahay waftigan jaaliyadeed ee laascaanood yimi iyadoo halku dhigyadoodu ahaayen mudaharaadayaasha jaaliyadu waa soomaaliland iyo waa Siiraayo hadalka jaaliyadu.

 

Mudaharaadkaas waxaa ka hortagay ciidanka nabad gelyada ee gobolka sool, kadibna odayaal ayaa jaaliyadii ugu tagay guriga ay degenaayeen oo wax ka waydiiyay shakiga taageero ee soomaliland ee reer laascaanood ku xamanayaan.

 

Waxayna odayaasha ugu jawaabeen jaaliyadu inaan waxba ka jirin xanta suuqa lala marayo. Jaaliyadan ayaa soomaliland inay raacsan yihiin waxay dadku ku sababaynayaan:

 

1: farriimo ka imanaya Garoowe oo siyaasad xanbaarsan oo jaaliyadani diiday Marti qaad maamulka garoowe ay u fidiyeen jaaliyaduna diiday,

 

2: maamulka soomaaliland oo laga filayay inay is hortaagi doonan shirarkan jaaliyadu wado oo xitaa in la xidhxidho la filayay oo iyana dhici wayday.

3: Jaaliyada oo albaabka Laascaanood ay ka soo galeen uu ahaa dhinaca galbeed ee laascaanood ee deegaanka Yagoori oo ah deegaan si wayn looga taageero maamulka Somaliland

 

4: Wasiir xukuumada Somaliland ah oo tan iyo intii jaaliyadu timi yagoori ku sugnaa deegaanka Yagoori iyo Laascaanood.

 

Weftigan jaaliyadeed ee *********** oo ku jira gebogabadii socdaalkooda ayaa shalay u anbabaxay tuulooyinka dhinaca galbeed ka xiga Laascaanood oo ay ka mid yihiin Dhabansaar,Laasadaar, Shululux,Hadhwanaag,Higloole,iyo Ceegaag, oo ka tirsan deegaanka degmada Yagoori ee Xarunta Gobolka Sool. Jaaliyadan ayaan wax shir ah haba yaraatee aan la qaadan masuuliyiinta maamulka Gobolka Sool ee Somaliland.

 

Weftigan Jaaliyadeed ee *********** ayaa deegaanadii ay marayeen aan ugu iman wax raad ah oo horumarineed oo adeegyada bulshada ah oo ay u qabteen jaaliyad ahaan intii ay qurbaha ku maqnayeen.

 

Xigasho: Wargeyska Dawan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Wasiirka Ganacsiga oo degmada Yegoori kula kulmay dhalinyaro qurbo joog reer Sool ah oo socdaalkooda laga bixiyey dareeno shaki xambaarsan

 

http://www.somaliland.org/2011/09/11/wararkii-wargeyska-saxansaxo/

Hargeysa – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay kulan dhex maray Koox Qurbo joog ah oo u dhashay Gobolka Sool, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey Socdaal shaki laga muujiyey ku marayey Deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

 

Kooxdan Qurbo jooga ee Reer Sool oo dhawaan dalka Dibeddiisa ka yimid, isla markaana socdaal ku soo maray Deegaanada Buuhoodle, Taleex, Boocane iyo Deegaano kale, ayaa maalintii shalay waxa ay Magaalada Yagoori shir kula yeesheen Wasiirka Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Cismaan.Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Cismaan oo xalay Wargeyska Saxansaxo u waramayey isaga oo jooga Magaalada Yagoori ayaa faah faahin ka bixiyey shirka ay la yeesheen kooxdaasi iyo ujeedada ay u socdeen.

 

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi

 

“Waxaanu u tagnay Safar shaqo oo Deegaankayaga ayaan gaadhay, waxaana jira Niman dhalinyaro ah oo Deegaanka u dhalatay, isla markaana Dibeddaha ka yimid oo soo jeediyey in la qabto Shir ay Beeshu leedahay oo lagaga wada hadlayo, dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Horumarinta, markaas waanu soo gaadhnay si fiican ayaananu isku af garanay, waxaanu u sheegnay inay dadkii Deegaanka u dhashay yihiin oo aanay dhibaato wadin, Qaranimada Somaliland-na ka soo hor jeedin, in haddii ay Hargeysa ka soo degaan iyo Haddii ay Laascaanood ka soo degaan iskugu mid tahay, ujeedaduna ay noqonayso waxaanu ilaalinaynaa dalka horumarkiisa iyo Nabadgelyadiisa iyo in aan laga soo hor jeedin Qaranimada Somaliland oo aan dhulka laga sheeganaynin oo aanay cidina ka sheeganaynin, imikana aanu ku soo dhaweynayno kuna casuumayno Hargeysa ilaa Laascaanood meesha ay doonaan, markaa iyaguna waxa ay noo sheegeen in arintoodu aanay shir ahayn ee ay ahayd sidee loo shiri karaa, haddii laga hadlayo Waxbarasho, Horumarinta aas aasiga ah ee Deegaanka iyo haddii ay noqoto tii Dhaqanka ee Burburtay, Barnaamij noocaas ah oo dadku ma shiri karaana ayey ahayd”.

 

Mar la weydiiyey Wasiirka in ay Dhalinyaradaas is arkeen, waxa uu ku jawaabay “Dhalinyarada saddex nin oo ka mid ah ayaa Magaalada joogay oo iyaga oo jooga aan ugu imid, waanu is aragnay waananu is af garanay si fiican baananu isku af garanay”.

 

Wasiirka oo la weydiiyey bal inay dhalinyaradan ku jiraan dad ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland, waxa uu ku jawaabay “Anagu markii aanu weydiinay arinkaasi waxa ay ku jawaabeen Anagu Somaliland waanu ognahay inuu maamul ka jiro, Mucaaridna kuma nihin oo wixii aad noogu talisaan ayaanu diyaar u nahay, shirkana waxa qaybinayey oo aanu hadda wada joognay nimankii Cuqaasha ahaa, Maayarka Magaalada ayaa qaybinayey, berrina (Maanta) shir labaad oo nimankii joogay, Odayaasha Deegaanka iyo Maamulkii Gobolka oo meesha soo gaadhay leeyihiin ayaa jira, waxaana Maamulaya Maamulka Deegaanka iyo Gobolka”.

 

Mar Wasiirka la weydiiyey inay jiraan warar sheegaya inay isku afdhaafeen kulankii shalay oo uu gacan ka hadal isu bedelay, waxa uu ku jawaabay “Arintaasi ma jirto, kulanka meesha la iskugu yimid sadex qof baanu kaga hadalnay, Anigu waan ka hadlay halkan iyo wixii ka jiray Maamulka, Nidaamka iyo sidaanu u soo dhaweynayno cidii dalka wax ku soo kordhinaysa ee aan ka soo hor jeedin Maamulka iyo Qaranimada, waxaana yimid dad laga soo dhaadhiciyey inaanay dalka iman karin oo aanay ku soo bandhigi karin waxa ay doonayaan, waxaanay noola yimaadeen oo ay yidhaahdeen anagu waxaanu wadnaa ma shiri karnaa ma ka qayb qaadan karnaa Horumarka Deegaanka, haddii ay ka soo baxaan wax ku lidi ah anagaa dhibaatada wadna, markaa intaasaa la is yidhi oo la isku macasalaameeyey barritaana la ballamay wax dhibaato ah oo ka dhacayna ma jiraan”.

 

Wasiirka oo la weydiiyey Mawqifka Xukuumadda ee ku aaddan Kooxdan Dhalinyarada ah ee dhaqdhaqaaqa ka wada Gobolka Sool, waxa uu ku jawaabay “Mawqifka Xukuumadda aan ka tirsanahay waxa weeyi sidii aan hadalka ku bilaabay oo ah in qof kasta oo Deegaanka u dhashay ama Dalka ha joogo ama Dibedda ha joogo in aan Shakhsiyadiisa xorta ah aan la cabudhin in uu Horumarintiisa iyo faa’iidadiisa uu kaga qayb qaadan karo Deegaanka, in dhaqankii Beesha u gaar ah ka shiri karto, haddii aanay lidi ku ahayn Qaranimada Somaliland, wixii intaas ka baxsan waanu dhiiri gelinaynaa, waanu la qabanaynaa wixii ay nooga baahdaan, haddii ay noqoto sugida Amniga iyo wixii la xidhiidha, waa inaanay mawqifkoodu kaliya ahayn wixii lidi ku ah Qaranimada Somaliland”.

 

Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this