Sign in to follow this  
Nur

Kaalay iga tir illinta!

Recommended Posts

Nur   

Ayadoo aad u ooyeysa, aadna u calool xun ayeey tiri:

 

" Markii hore wexey aheyd sheeko kaliyah, oon taleefinka ku wada sheekeysannay, dabadeed, sheekadii wexey isu badashay jaceyl, wuxuuna igu siray inuu rabo inuu i guursado, oo uu reerkeyga iga soo dooni doono, wuxuuna iga dalbaday inaan marka hore si qarsoodi ah isu aragno annagoo kaliyah, laakin waan diiday, markaasuu igu cabsiiyey inaan kala tagi doono, oon mar kale wada hadli doonin, hasayeeshee waan daciifay, si aan u raalli geliyo waxaan u diray masawirkeyga iyo waraaq ubax ku sawiran yahay oo aan cadar ku carfiyey si aan ugu muujiyo inaan jeclahay, dabadeed wuxuu si xoog ah iiga dalbaday inaan is aragno, haddana waan diiday, laakin, markaan dambe, markuu i maqashiiyey hadalkeygii uu iga duubay taleefonka oon ka baqay inuu i ceebeeyo ayaan haye iri inaan is aragno, waxaan markii hore is lahaa si dhakso ah usoo laabo, laakin si bey wax iga noqotay, markaan soo noqday, ceeb baan la soo noqday, markaan aqalka imi ayaan wacay oon xasuusiyey guurkeenna, wuxuu igu yiri, asagoo i liidaya, gabar halleysan ma guursado"

 

Walaashey sharafta leh, ma aragtaa sida ay ku dhaammato sheekooyinka aan sharciyeysneyn? Hadaba is jir, yaan been laguu sheegin, ninka ku jecel lagama yaabo inuu kaa dalbadao wax foolxun, ama wax qarsoodi ah oo ka baxsan sharciga diinteenna.

 

Ogow, in caadadeenna Somaliyeed, ay cadaaladda ka fogtahay, maxaa yeelay, haddaad xumaan la sameyso nin aad jeclaatay, raaxada iyo dambiga wuu kula qeybsan, laakin ceebta iyo xambaaridda uurka waa adiga oo qura, wiilasheenna Somaliyeed ( kuwa aan diinta ku dhaqmin) wexey kala leeyihiin labo nooc oo gabdho ah: Gabdho ay la tuntaan iyo mid ay guursadaan, hadaba ha noqonin tii ay ceebta uga tagayeen, iyo wax intaa ka culus oo sagaal bilood aad siddo.

 

Walaashey, hadaad jaahil ka tahay diinta, wixii maanta ka dambeeya, naftaada ka celi waxa xun , cilmiga diintana raadso meel aad ka barato, si ayan kuugu dhcin wixii gabadhaas oo kale ku dhacay.

 

 

2007 eNuri Softwaano series

Kuwa iga da' weyn wey iga ajar badan yihiin, Kuwa iga da' yarna wey iga dambi yar yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this