Liqaye Posted September 11, 2011 Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika AMISOM Capt. Panddy Ankunda ayaa sheegay iney fashiliyeen qarax miino oo la doonayey in lala beegsado samafalayaal u dhashay dalka Turkiga oo howlo isugu jira quudin iyo daweyn ka wada kaamka RAJO oo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu intaa ku daray afhayeenka AMISOM in miinadaas lagu xiray derbi ku yaala xeradaas xili habeenimo ah ayna soo sheegeen qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee xeradaas ku jira taasna ay keentay in laga hortago ka hor inta aysan geysan waxyeelo geysanin. “Miinadu waxay aheyd mid remuutka lagu hago, markiiba waxaa goobta gaaray ciidamada AMISOM waxayna arkeen fiilo dheer oo ka soo baxeysa halka miinada lagu rakibay oo ku jirta gudaha xerada, wey fur-fureen, miinadii iyadoo aan qarxin ayeyna goobta ka soo saareen” ayuu intaa ku daray Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika AMISOM Capt. Panddy Ankunda. Quote Share this post Link to post Share on other sites