Saalax Posted September 9, 2011 Shirkado Laga Leeyahay Waddanka Hindiya oo Bilaabaya Mashaariic Hormarineed Somaliland Laga Fulin Doono. Shirkada Horizon Holding iyo Shirkada Ugu Horaysay Dhinaca Wax Dhoofinta Dalka Hindiya 16kii Sano Ee Ugu Danbeeyay Oo Soo Bandhigay Badeecado Aan Dalka Hore Loogu Arag Oo Ay Keeni Doonaan Somaliland + Sawiro. Hargeysa (Ramaas) September 8, 2011 – Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay badeecado tayadoodu sarayso oo ay si wada jir ah u keeni doonaan shirkada Horizon Holding & Investment Limited iyo shirkada Ronak group oo iyadu ah shirkada ugu horaysa dhinaca dhoofinta wadanka Hindya 16kii sano ee ugu danbaysay. Waxa xaflada kazoo qaybgalay wasiirada Ganacsiga, Hawlaha Guud, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Agaasimayaasha Guud ee Caafimaadka iyo Maaliyada, Gudoomiyaha rugta Ganacsiga, Ganacsato iyo Marti Sharaf kale. Waxa ugu horayn xaflada aayado qur’aan ah ku Furay Madaxa Xidhiidh bulshada ee shirkada Horizon Cabdi Wali Maxamuud Budhyare. Gudomiyaha Shirkada Horizon Holding Cismaan Aw Jaamac Faarax ayaa isagu ugu horayn faahfaafin ka bixiyay ujeedada kulanka iyo labada shirkadood ee Horizon holdings iyo Ronak Group. Mudane Cismaan waxa uu sheegay in ay shirkada Ronak lasoo galeen heshiis, kalana shaqaynayaan mashaariic ay ka wada fulin doonaan dalka. Waxaanu xusay in shirkada Ronak Group ay tahayshirkada ugu horaysa wax dhoofinta 16kii sano ee ugu danbeeyay dalwaynaha India oo ay ku Nool yihiin 1.1 billion oo qof.” Waxa noo sharaf ah inaanu wada shaqaynno shirkada qiimahaas leh Somaliland-na keeno. Ujeedada ay u yimaadeena waa ganacsi, inay warshado ka dhisaan wadanka si shaqooyin loogu abuurto dadwaynaha reer Somaliland. Waxa uu sheegay Cismaan Aw Jaamac in shirkad Ronak Group ay albaabada u furi doonto ganacsiga dalkeena. Waxa uu xusay in shirkadu soo saarto badeecado tiro badan. Isagoo ka waramayaa shirkad ahaan ( Horizon Holding) waxya qaban doonaan waxa uu yidhi “ Waxa aanu si dhakhso ah bilaabaynaa mashaariic badan oo leh dhismaha warshado iyo ganacsiyo kuwaas oo aanu qorshaynayno inaanu shaqo abuur u samayno dad gaadhayaa 200 oo qof, bilaha soo socda. Waxaanu Samayn doonaan Carwo lagu soo bandhigo dhamaan muunadaha alaabta ay keeni doonaan dalka. Dadwaynuhu waxay noo keeni doonaan dalabaadkooda, anaguna waxaanu u keeni doonaan alaabta. Waxaana soo rari doonta shirkada Ronak Group ee Hindya. Waxa sidoo kale ka hadlay madasha mulkiilaha shirkada Ronak Group Mr. Ronak S.D. o isagu soo bandhigay waxyaabaha ay ka shaqayso shirkadiisu. Mr Ronak waxa uu sheegay in shirkadiisu ka shaqayso 17 mihnadood oo ay kamid yihiin Dawooyinka, Chemicals-ka, Electronic-ga, qalabka Difaaca iyo Militariga, Waxbarashada, waxyaabaha la isku qurxiyo. Waxa uu ka waramay waxyaabaha y ka damacsanyihiin Somaliland oo xusay ugu horayn inay ka shaqayn doonaan inay abuuraan warshado ganacsi. Waxaanu sheegay in ay ugu horayn samaynayaan daraasad la xidhiidha dhinacyada ay ka samayn karaan maalgashiga iyo ganacsiga ay ku keenayaan alaabta ay shirkada Ronak soo saarto. Qaybta labaad waxa uu sheegay in dhulka Somaliland yahay dhul inta badan banaan oo aad ugu furan wax beerista, Beeruhuna noqon doonan waxa labaad ee ay ka hawl gali doonaan. Waxa uu sheegay inay la kulmeen xubno kamid ah wasiirada dawlada Somaliland kuwaas oo ay kala hadleen dalagyada ugu fiican ee la beeri karo. Waxa uu xusay inay Somaliland usoo bandhigi doonaan badeecado tayadoodu sarayso qiimahooduna jaban yahay. Waxyabaha uu soo bandhigay Mulkiilaha shirkada Ronak Mr. Ronak waxa kamid ahaa Maado loo yaqaano Battery Chem, oo loogu talo galay Baytariyada baabuurta iyo kuwa kaleba. Maadadani waxay dib usoo noolaynaysaa marka uu dhinto baytariga gaadhigaagu. Dawadana waxa lagu dhibcinayaa lixda god ee baytariga waxaanay dib usoo celinaysaa awooda baytarigu lahaa markii uu cusbaa. Badeecadan cusub ayaa u sahlaysa qofku inuu ka maarmo inuu mar walba badalo baytariigisa gaadhiga. Waxaana dib ugu soo celinaysaa awoodii uu kusii shaqayn lahaa sanad ilaa laba sano. Waxa kale oo kamid ahaa alaabta lasoo bandhigay Maado loo yaqaano Radiator Coolant oo loogu talo galay in lagu shubo taangiga biyaha ee baabuurta , taas oo 50% hoos u dhigaysa xaraarada mashiinka baabuurka, sidoo kale dhimaysa guuxa badan ee mashiinka baabuurka, kana ilaalinaysa inuu daxalaysto. Waxyaabaha kale ee maadadani qaban karto waxa kamid ah inay kordhiso intuu sii jiri karo baabuurku mishiinkiisu. Waxa uu sheegay Mr. Ronak inay diyaar u yihiin inay bilaash ku siyaan shirkada Somaliland si ay u tijaabiyaan wax soo saarkan casriga ah. Waxa kamid ahaa alaabta kale ee lasoo bandhigay Rinji cajiib ah oo leh awood uu dib ugu celiyo falaadhaha cadceeda marka ay ku dhacaan meesha la marayo. Rinjigan ayaa loogu talo galay in lagu yareeyo kulaylka gudaha guriga. Waxaana lagaga maarmayaa in guriga lagu shito qaboojiye amma marawaxad. Waxa sidoo kale isna sharaxay alaabta kale ee lagu soo bandhigay goobta agaasimaha shirkada Horizon Holding Mr. Parthiv Balsari. Waxa uu soo bandhigay alaab badan oo ay kamid yihiin dawooyin gaar ah oo loogu talo galay caruurta yaryar ee ay hayso nafaqo daradu. Waxa uu sheegay Mr. Parthiv in ujeedada ay ka leeyihiin inay Somaliland alaabtan usoo dhoofiyaan ay tahay inay Somaliland noqoto albaab laga galo mandaqada Geeska Afrika, buqcada Istraatijiga ah ee ay ku taalo awgeed. Waxa kale oo madasha lagu soo bandhigay waxyaabaha Kosmetiga ah ee la isku qurxiyo oo dhamaantood ah kuwo dabiici ah. Mr. Ronak waxa uu sheegay in qalabka Electoronic-ga ah ee ay keeni doonaan ay sameeyaan shirkado caan ah oo Maraykan ah, sidaas daraadeedna ay siin doonaan dadka 1 ilaa 2 sano oo damaanad qaad ah haddii uu iibsado alaabta. Waxa sidoo kale madasha ka hadlay Madax isugu jira Agaasimeyaal, Wasiiro iyo Marti Sharaf kale. Waxa ugu horayn ka hadlay madasha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Cabid Axmed Nuur( Guray) oo sheegay inay soo dhawaynayaan wasaarad ahaan wadashaqaynta shirkadan. Waxa uu Agaasime Cabdi Guray ku booriyay shirkadan inay dalka keento dawooyin tayo fiican, oo ka duwan dawooyinka hore loo keeni jiray. Waxa uu sheegay in hada la sameeyay urur isku xidha shirkada soo dajiya dawooyinka, taasina ay sahlayso in la ilaaliyo tayada dawada. Waxa isna kalmada ka jeediyay Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada oo mahadnaq kadib ugu bushaareeyay shirkada in dawlada Somaliland diyaar ula tahay dhiiri galinta maalgashiga dalka loona samayn doono cashuur dhaaf. Ugu danbayntii waxa madasha soo xidhay wasiirka wasaarada Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Khaliif. Waxa uu wasiirku xusay in ay dhiiri galinayaan ganacsiga xorta ah iyo maalgashiga dalka. Waxa uu wasiirku sheegay in tartan adagi ka socda suuqyada Somaliland oo ay ku tartamayaan dalal iyo shirkado badani, sidaas daraadeed ay shirkadaha Hindiya tartarkaas ku guulaysan karaan haddii ay keenaan alaab tayo leh qiimaheeduna jaban yahay. Ramaasnews Desk Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 9, 2011 We welcome this Quote Share this post Link to post Share on other sites