Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sheikh atam strikes again this time at the gates of boosaaso City

Recommended Posts

Dagaal Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Duleedka Magaaladda Boosaaso Ku Dhex Maray Ciidamadda Maamul Goboleedka Puntland Iyo Maleeshiyadda Sheekh Atam + Hub Laga Qabsaday Puntland

 

Boosaaso (Ramaas) Sept 7,2011 – Dagaal Khasaare dhimasho iyo dhaawac keenay ayaa xalay saqdii dhexe duleedka Magaaladda Boosaaso ku dhex maray ciidamadda Maamul goboleedka Puntland iyo maleeshiyadda taabacsan sheekh Maxamed Siciid Atam.

 

Dagaalkan oo aan warbaahinta gobolada Puntland baahin ayaa waxa la sheegay inuu bilaabmay ka dib markii fadhiisin ciidamadda Puntland ku lahaayeen duleedka Boosaaso ay weerar kedis ku qaadeen ciidamadda maleeshiyadda Sheekh Atam oo maalmihii u dambeeyay ku jiray diyaar-garow laxaadle.

 

Dagaalkan oo socday muddo saacad ka badan ayaa waxa ku naf-waayey shan xubnood oo kala tirsan labada ciidan, iyadda oo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in maleeshiyadda Sheekh Atam oo wakhtigii hore lagu ogaa deegaanka Buurayda Galgalla ay weerarka gaadmada ah ee ay ku qaadeen fadhiisinka ciidamada Puntland ku lahaayeen duleedka Magaaladda xeebta ah ee Boosaaso ay ciidamada Puntland kaga qabsadeen hub tiro badan oo la xaqiijiyey inuu yaalay xerada ciidamadda Puntland.

 

Dagaalkan khasaaruhu ka dhashay oo la sheegay in ciidamada Maamul goboleedka Puntland lagaga qabsaday fadhiisinkii ay ku sugnaayeen ayaa ilaa hadda waxa aan ka hadal maamul goboleedka Puntland iyo maleeshiyadda sheekh atam midna.

 

Dagaalkan ayaa iminaya wakhti warbaahinta maamul goboleedka Puntland baahiyeen in heshiis dhex maray Puntland iyo Sheekh Atam, isla-markaana xabsiyadda laga sii daayay qaar ka mid ah maxaabii maleeshiyadda Sheekh Atam lagaga qabtay dhowr dagaal oo ka dhacay buuralayda Galgalla.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was told sheikh Atam made him self rich, by taking lacagtii Cashuuraha control ka Bosaso that was close to 300 million som shillings .to be honest laakin no one believes it was Atam except Imaam Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this