Saalax Posted September 2, 2011 Warsaxaafadeed waxgaradka Beesha Goldogob/Galbeedka Galckayo ka soo saareen dagaalada Gobolka Mudug Warsaxaafadeed waxgaradka Beesha Goldogob/Galbeedka Galckayo ka soo saareen dagaalada Gobolka Mudug Friday, 02 September 2011 Isimada, cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Goldogob/Galbeedka Galckayo ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan duullaanka ciidamada P/land ku qaadeen xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee beesha Beesha Goldogob dagto, warsaxaafadeedkuna wuxuu u qornaa sidaan: Isimada, cuqaasha iyo waxgaradka Goldogob markay si qotodheer ugu kuurgaleen weerada is dabajoogga ah ee ciidamada daraawiishta, bileyska iyo kuwa PIS-ta P/land maalmahaan ku hayaan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo waxay caddaynayaan: 1. In ciidanka P/land uu shalay subax ku weeraray mid ka mida ganacsatada beesha Goldogob meheradiisa oo ku taal bartamaha magaalada, ayna goobtaas ku dileen hal nin oo rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawaceen. 2. In xadgudubkaas ka dib ciidamada kala duwan ee D.G P/land ay weerar ballaaran oo ilaa hadda socda ku soo qaadeen xaafadda Garsoor, laguna garaacay Madaafiicda Goobta qeybaheeda kaladuwan iyo kuwa Lidka Diyaaradaha lagu dumiyey guryahii siloo Xasuuqo Maxasta. 3. In madaxda sare ee P/land ay bixiyeen amarka lagu weeraray xaafadda Garsoor, qaarkoodna ay si toos ah u hoggaaminayaan dagaalka, isla markaana ay ciidamo farabadan muddaba ku soo daadguraynayeen magaalada, walina gurmadyadu si isdabajoog ah ay uga imaanayaan Boosaaso iyo Garoowe. 4. In muddaba ciidanka P/land xadgudubyo is dabajoog ah ku hayey beesha Goldogob iyo xaafadaha uu dego. Xadgudubyadaas oo isugu jira weerar, dil, qafaalasho, duqayn iyo dicaayad, ayna la gaartay inay dadka ku laayaan masaajidda. 5. In xasuuqa iyo isirgoynta halkaas ka dhacday ay masuul ka yihiin madaxda sare ee P/land gaar ahaan madaxweynaha iyo wasiirka amniga Duuliye Sare Kornayl Khaliif Ciise Mudan oo iyagu amarka dagaalka bixiyey. 6. In aysan waxba ka jirin dicaayadaha iyo tuhmooyinka Maamulka P/land ka faafinayo xaafadda Garsoor, dadka lagu xasuuqayo ay yihiin maatadii Beel kaMid ah Beelaha Puntland ee aysan joogin argagixiso iyo cidkale oo dad laysa toonna, waxaasina ay yihiin dicaayad raqiis ah oo lagu xalaalaysanayo Daadinta dhiigga Shacabka Dagan Goboloka Mudug oo hada Qalalaaso kasocdo 7. In beesha Goldogob ay wax walba u hurtay ilaalinta iyo nabadgalyada dadweynaha reer P/land, ayna arrintaas darteed ugu dulqaateen gardarrooyin iyo xadgudubyo farabadan oo ay beesha kula keceen madaxda P/land, iyo ciidankeedu. Baaq Intaa ka dib waxaan ugu baaqaynaa: 1. Isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer P/land in ay si degdeg ah ugu hawlgalaan joojinta xasuuqa iyo colaadda maamulka p/land ka wado gobolka Mudug. 2. Golaha baarlamaanka P/land in ay si degdeg ah xilka madaxweynanimo uga xayuubiyaan Dr: C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo si arxandarro ah shacabkiisa ugu xasuuqay magaalada Gaalkacyo, ciidankii loo dhisay in dadka iyo dalka lagu difaacana uu u adeegsaday Canshuurtii laga qaaday Duqeyn maatadii ay ahayd inuu difaaco, isla markaana uu colaad ma hadho ah dhexdhigay dadka ehelka ah ee wada dhistay maamulka P/land. 3. Golaha Ammaanka, Midowga Afrika, Dowladaha IGAD, Dowladda T.F.G iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha in ay ragga gaystay xasuuqaan si degdeg ah u horgeeyaan maxkamadda dambiyada dagaalka; si loo mariyo ciqaabta ay mudanyihiin. 4. Dowladda Ustaralia oo madaxweyne C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole uu kahaysto dhalashadeeda in ay tillaabo ka qaado xasuuqa uu gaystay. Guddiga Warbaahinta iyo xiriirka Beesha ******** 1. Nabaddoon Maxamed Axmed Faarax ____________________________ 2. Caaqil Cali Ciise Cali __________________________________________ 3. Nabaddoon C/laahi Liibaan Cabdi _______________________________ 4. Nabaddoon Aadan Warsame Cismaan ___________________________ 5. Nabaddoon C/casiis Cali Cilmi __________________________________ 6. Nabaddoon Axmed Aadan Dabamare ____________________________ 7. Caaqil Maxamuud Xaaji C/laahi __________________________________ 8. Caaqil C/Daahir Nuur Cali http://www.raxanreeb.com/?p=109945 Quote Share this post Link to post Share on other sites