Saalax Posted September 2, 2011 Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas uu maalintii labaad ka. socdo dagaal xoog leh, kaasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo dadka xaafadda garsoor oo taageero ka helaya degmada Galdogob. Dagaalkii Lagu Jabiyay Puntland Col. C/raxmaan Xassan Xussien (Jagax) oo u warramay Somali Radio ayaa sheegay in dagaalka si wayn loogu jabiyay ciidamada Puntland kadib markii ay soo gaareen dhankooda boqollaal ciidan ah oo ka yimid degmada Galdogob. Jagax ayaa tilmaamay in ka gubeen dhinaca Puntland 2 taangi iyo 2 shilke ayna ka dileen 20 ka mid ah ciidamadooda. Jagax waxaa uu beeniyay wararka ay qoreen qaar kamid ah saxaafadda Puntland oo ku tilmaamay in dagaal yahannada kasoo jeeda xaafadda garsoor iyo degmada Galdogob ay yihiin Alshabaab, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay dacaayad siyaasadeed oo naf la caari ah. Puntland dagaalkan ay la gashay mid kamid ah beelaha hoostaga maamulkeeda waxaa ay ku tilmaantay inuu yahay mid lagu soo afjarayo taageerayaasha kooxda Alshabab. Warsaxaadafeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland waxay ku sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxo ay ku eedaysay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab. Dagaalkan oo ka bilowday markii ay ciidamada loo yaqaanno PSF-ta ee xiriirka dhow la leh CIA-da maraykanka ay isku dayeen xiritaanka wiil dhalinyaro ah oo reer Garsoor ah ayaa sii fiday kadib markii ay ciidamadaasi iska caabin kala kulmeen dablayda deegaanka. Waxaana dagaalladan is daba joogga ah ku dhintay dad kor u dhaafaya 30 ruux, iyadoo 60 kalana ku dhaawacmeen , kuwaasoo isugu jira ciidamada dagaallamayay iyo dad rayid ah oo ay madaafiicdu ugu tagtay guryahooda. Magaalada Gaalkacyo oo xudun u ah isu socodka gobollada Puntland iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay uu ammaankeedu kasii darayay,iyadoo lagu eedeeyay Mr Faroole inuusan wax ahmiyad ah siinin magaalada tan iyo markii u xukunka qabtay. Xigasho Somaliradio http://www.raascasayrmedia.com/?p=4063 Quote Share this post Link to post Share on other sites