Sign in to follow this  
Saalax

Ciidamada Puntland oo ku jabay dagaalki Gaalkacyo(Dhagayso Warbixintan )

Recommended Posts

Saalax   

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas uu maalintii labaad ka.

 

 

socdo dagaal xoog leh, kaasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo dadka xaafadda garsoor oo

taageero ka helaya degmada Galdogob.

Dagaalkii Lagu Jabiyay Puntland

Col. C/raxmaan Xassan Xussien (Jagax) oo u warramay Somali Radio ayaa sheegay in dagaalka

si wayn loogu jabiyay ciidamada Puntland kadib markii ay soo gaareen dhankooda boqollaal

ciidan ah oo ka yimid degmada Galdogob.

Jagax ayaa tilmaamay in ka gubeen dhinaca Puntland 2 taangi iyo 2 shilke ayna ka dileen 20 ka

mid ah ciidamadooda. Jagax waxaa uu beeniyay wararka ay qoreen qaar kamid ah saxaafadda Puntland oo ku

tilmaamay in dagaal yahannada kasoo jeeda xaafadda garsoor iyo degmada Galdogob ay yihiin

Alshabaab, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay dacaayad siyaasadeed oo naf la caari ah.

Puntland dagaalkan ay la gashay mid kamid ah beelaha hoostaga maamulkeeda waxaa ay ku

tilmaantay inuu yahay mid lagu soo afjarayo taageerayaasha kooxda Alshabab.

Warsaxaadafeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland waxay ku sheegtay

in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxo ay ku eedaysay inay xiriir la leeyihiin

Alshabaab. Dagaalkan oo ka bilowday markii ay ciidamada loo yaqaanno PSF-ta ee xiriirka dhow la leh

CIA-da maraykanka ay isku dayeen xiritaanka wiil dhalinyaro ah oo reer Garsoor ah ayaa sii

fiday kadib markii ay ciidamadaasi iska caabin kala kulmeen dablayda deegaanka.

Waxaana dagaalladan is daba joogga ah ku dhintay dad kor u dhaafaya 30 ruux, iyadoo 60

kalana ku dhaawacmeen , kuwaasoo isugu jira ciidamada dagaallamayay iyo dad rayid ah oo ay

madaafiicdu ugu tagtay guryahooda. Magaalada Gaalkacyo oo xudun u ah isu socodka gobollada Puntland iyo kuwa koofureed

ee Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay uu ammaankeedu kasii darayay,iyadoo lagu

eedeeyay Mr Faroole inuusan wax ahmiyad ah siinin

magaalada tan iyo markii u xukunka qabtay.

Xigasho Somaliradio

 

 

 

http://www.raascasayrmedia.com/?p=4063

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this