Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Tartanka Qasiidooyinka oo Hargeysa Lagu Qabtay

Recommended Posts

Tartan aan noociisa hore loogu arag Somaliland Oo Lasoo Gabogabeeyey Iyadoo Madashaasina Si Weyn loogaga hadlay Ammaanta Nebi Muxamed (S.C.W)

 

 

Hargeysa (OWN)- Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaale oo ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka warbixiyey sida ay u habboon tahay in markasta la weyneeyo Ammaanta Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (SCW). Isla markaana, waxa uu Xildhibaanku wax lagu farxo ku tilmaamay in Somaliland, gaar ahaan Hargeysa lagaga lagu qabto kulan loogu tartamayo Ammaanta Nebiga (S.C.W).

 

“Waa in markasta la weyneeyaa Rasuulka (SCW), maaddaama oo aynu nahay dad boqolkiiba boqol Muslim ah, waayo? Xuska Rasuulka oo la badiyo waxay ka qaybqaatada inaad ILLAAHAY ugu dhawaatid oo aad Janno ku hesho. Markaa, waa in Carruurteenna la baraa ku Salliga iyo ku toosnaanta dariiqi Nebigu innoo jeexay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo xalay ka hadlay Xaflad loo sameeyey gebagabada tartanka Qasiidooyin Nebi ammaan ah (S.C.W).

 

Xildhibaanka oo hadlakiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Walaallayaal waxa aynu ku jirnaa Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo loo baahnahay in waxa badan la xuso Rasuulka ILLAAHAY innoo soo diray ee aynu ku dayanno dhaqankiisa subaan nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.”

 

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Sheekh Maxamed oo ahaa Guddigii tartanka gacanta ku hayey oo sheegay inay intii ka qaybgashay tartanka ay u rejeynayaan guul iyo inuu ILLAAHAY la kulmiyo wax fiican, waxaanu yidhi; “Dhalinyaradii ka qaybgashay tartanka lagu xusayay Nebi Maxamed (SCW) waxaanu u rejeynayaynaa inuu ILLAAHAY la kulmiyo wax fiican oo ka farxiya, intii tartanka aan ka qaybgalinna waxaanu leenahay way soo socdaan tartanno kale oo kan la mid ah. Markaa, ILLAAHAY waxaynu ka baryaynaa inuu Jannadiisa Fardowsa uu innaga waraabiyo oo aynu mar walba xasuusanno Rasuulkeenni suubbaanaa ee Muxamed (S.C.W).”

 

Waxa iyaduna halka ka hadashay Guddoomiyaha Ururka ODHA Marwo Faadumo Siciid Maxamed oo iyadu lahayd firkirka lagu qabtay tartanka ammaanta Nebi Muxamed (S.C.W), isla markaana ay Xafladdan lagu soo gebagabeeyey tartanka Nebi ammaanka (S.C.W) iyo suuragelintiisa ay Faadumo iska kaashadeen Shirkadda Gulf Petroleum Guuleed Jaamac Faarax, taasoo lagu qabtay Huteel Summar Time ee magaalada Hargeysa. Waxaanay Faadumo Siciid faahfaahin ka bixisay sidii uu fikirkani ku yimi, isla markaana waxay sheegtay in uu ku yimi habeen ay ku riyootay Rasuulka (S.C.W) iyada oo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi; “Caawa habeen iiga farxad badani ma jiro, waayo? Waxaan ka soo qaybgalay munaasibad lagu xusayo Nebi Maxamed (SCW) oo ahaa Aabbihii Adduunyada. Waxaana loo baahanyahay in dhalinyarada lagu ababiyo xuska Rasuulka (S.C.W) iyo ku dayashada akhlaaqdiisa suubbaan. Waxa kale oo aan doonayaa inaanu tartankani noqon kii ugu dambeeyey ee lagu xuso Nebi Muxamed (S.C.W) ee waxaannu qabanaynaa tartanno kale oo ay ku tartamayaan Hablaha maaddaama oo uu soo dhammaaday tartankii Wiilashu. Waxaanu doonaynaa inaan lagu haysan marfishyada iyo meelaha lagu qayilo ee dibadda loo soo saaro Xuska Nebi Muxamed (S.C.W).”

 

Waxa isna halka hadal kooban ka jeediyey Xafladdaas, Masuul ka socdey Shirkadda Gulf Petroleum Mr. Guuleed Jaamac Faarax, oo sheegay inaanu xuskani noqon doonin kii ugu dambeeyey ee ay sii wadi doonaan haddii Illaahay yidhaahdo wakhtiyada soo socda. “Xuskani noqon maayo kii ugu dambeeyey ee aannu ka qaybqaadanno, laakiin waxaanu markasta ku boorrinaynaa dhammaan ummadda Islaamka inay ka qaybqaatan xuska Rasuulka (SCW) oo loo baahanyahay in kor loo qaado oo meel sarre la gaadhsiiyo. Waayo? Xuska Nebiga nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo la badiyo waxa lagaga fogaada Cadaabta iyo in uu ILLAAHAY ku naco. Rasuulku waxa uu yidhi; ‘I xus si aan kuu xuso’. Markaa, walaallayaal aynu xusno Nebiga (S.C.W) meel kasta oo aynu joogno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Guuleed Jaamac Faarax oo ka mid ah xubnaha sida weyn uga qayb-qaatay suuragelinta tartankaas.

 

Gebgebadii munaasibaddaas waxa Shahaadooyin-sharafyo la guddoonsiiyay tartamayaashii ka soo qaybqaatay Ammaanta Nebiga (S.W.C) oo kaalinta kowad uu galay Maayarka Arabsiyo Cabdillaahi Cabdi Faarax halka uu kaalinta labaad galay Xasan Batuun, kalinta saddexaadna waxa galay Maxamed Axmedweyne.

 

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horrreysay ee tartan noocan oo kale ah lagu qabto Caasimadda Hargeysa ee Somaliland, kaasoo haddii la sii wado sare u qaadi kara in ka qaybqaataan tartannada loogu tartamayo ammaanta Nebigeennii Suubbanaa ee Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (S.C.W).

 

 

Source: Oodweyne News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxan xasuusta beri aanu jigjiga joognay oo anu qasaayidki Sheikh abduraxmaan zeylici. Markasto markay dhaxani ama roob nugu da'o waxa la odhan jiraty war saligi inoogu dhufta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ lol, Xaaji Xeyraan, ummadeena ma tihid, cayaal shushub ayaan kuu heestey, illeen xerow feeruhu ingageen ayaad tahey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar ciyaalkii yaryaraa ee shaaha u doonan jiray buu ahaa ,,, islaamaha buurbuuran ee xadraynaya ayuu dhaxanta Jigjiga ka dugsan jiray dee ,, wax fahan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this