Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland minister of justice visits sool laascanood+VIDEO.

Recommended Posts

Wasiirka Cadaalada Oo Kormeer ku soo maray Xabsiga Laascaanood

August 31st, 2011

 

Laascaanood (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo garsoorka Jamhuuriyada Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid oo socdaal shaqo ku tagay magaalada Laascaanood ayaa socdaalkiisa ku tilmaamay mid uu ugu kuur gelayo xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta xabsiga Laascaanood iyo sida uu u shaqeeyo garsoorka gobolku.

 

Wasiirku markii maanta uu gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka oo uu ugu horeeyo badhasaabka gobolka Sool, maayarka degmada Laascaanood, saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka, taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool iyo taliyaha xabsiga magaalada Laascaanood iyo dadwayne kale.

 

Xuseen Axmed Caydiid Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Somaliland waxaa uu kormeer ku soo maray xabsiga magaalada Laascaanood kaasi oo uu ugu kuurgelayay sidii uu wax uga ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee xaalada maxaabiista ku jirta xabsigaasi iyo dhismaha xabsiga.

 

Ka dib markii uu Wasiirku kormeerkaasi ku soo maray xabsiga magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu ka waramay waxyaabihii uu ku soo arkay xabsiga waxaanu yidhi “Runtii markii aan tegay xabsiga waxaa ii muuqday qolalka ay maxaabiistu ku xidhan yihiin in ay aad u yar-yar yihiin maxaabiistuna ku tiro badan yihiin, taasina ay keentay xabsigii iyo maxaabiistii ku xidhnaa oo kala badan, waxaa kale oo iyadna iiga muuqatay xabsiga gurigii lagu xidhayay qofka dil suga ah oo ay kula xidhan yihiin dad kale oo xukuman taasina ay kaliftay markii dadkii xukunaa ay qolalkii qaadi waayeen in uu xabsigii buux dhaafto.

 

maxaabiistu meesha ay ku jiraan, dhismeyaasha, meesha uu ku yaalo iyo baahidii ayaa kala badan, dayrka wareega ah ee xabsiguna wuu gaaban yahay taasina waxaan u arkayaa in ay kolay dhib badan ku qabi doonaan marka ay maxaabiistu soo baxaan ee ay musqusha tegayaan oo kale, in uu aaminkii ku yaraanayo ciidanka ee ay ku aamini lahaayeen mar haddii uu gidaarkii sidaa u gaaban yahay.”

 

Waxaa kale oo uu wasiirku kormeer ku soo maray xarumaha garsoorka halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah masuuliyiinta garsoorka ee heer gobol iyo heer degmo, iyada oo uu wasiirku kulankaasi ka soo jeediyay hadalo isugu jiray dardaaran iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha garsoorka ee gobolka sool gaar ahaana maxkamadaha “Marka hore si aan ku talo gal ahayn ayaan halkan u imid oo aan miisankeedii garsoorka lahayn, runtii sharciga waa in sidiisa loo ilaaliyo, Maxkamadaha dad badan oo dhib sheeganaya ayaa jooga layaabna malaha oo maxkamadihii aynu arinkaa ka xalaalayn lahayn xalin ayay u baahan yihiin, garsoorihii kiiska baadhi lahaa yooyootankan iyo marxaladahan dadkii ay dhibaatada gaarka ahi haysatay .” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladu.

 

Sidoo kale wasiirku waxaa uu kulamo gaar ah la yeeshay masuuliyiinta maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobol waxaanu ka waraystay masuuliyiintaasi xaaladaha uu haatan gobolku ku sugan yahay, iyaga oo masuuliyiintaasina ka warbixiyay halka ay wakhti xaadirkan marayaan guur ahaanba xaaladaha gobolka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this