Saalax Posted August 31, 2011 Shirkad Laga Leeyahay Koonfur Afrika Oo Daroogo Ku Beeraysa Soomaaliya Rag u dhashey Koonfur Africa iyo weliba Shirkado laga lee yahay dalkaas ayaa la sheegay in ay ay dhaqaale ku bixiyaan ciidamo ay ka samaysteen gudaha Soomaaliya taas oo ah khidad ay doonayaan sidii ay Soomaaliya ugu abuuri lahaayeen daroogada noocyadeeda aadka khatarta u ah sida Opium, Coca iyo Dagga, taas oo ay doonayaan in ay u dhoofiyaan dalalka reer galbeedka iyo carabaha. Ganacstada reer Koonfur Africa iyo Shirkadoohda ayaa la sheegay in ay sameysteen 220 nin oo si waangsan u hubeysan si ay u ilaaliyaan goobaha ay ka bilaabeen ganacsiga cusub ee abuurka daroogada Soomaaliya. Warbixin loo gudbiyey Qaramada Midoobey bishii la soo dhaafey ayaa lagu sheegay in Golaha Amaanku uu baaritaan ku hayo laba shirkadood oo laga lee yahay Koonfurta Afrika, kuwaas oo mid kamid ah ah la sheegay in ay xiriir la leedahay arrimaha daroogada halka shirkadda kale lagu eedeeyey jebinta cunoqabatnytii hubka ee saarneyd Soomaaliya, waxaana shirkadahaas lagu kala sheegay Southern Ace Ltd iyo Saracen International. Warbixinta ayaa lagu xusey Paul Calder Le Roux loona yaqaan “Bernard John Bowlins” in uu yahay furaha hawlgalada darooga abuurka ah ee ka socda Soomaaliya, kaas oo gacansaar la leh shirkadda Southern Ace Ltd, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay qofka iskaba leh shirkadda, ninkan ayaa lagu tilmaamaa “Ninkii Aan Waddanka Lahayn” Sida laga soo xiganayo warbixinta loo gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu xusey in shirkadda Southern Ace Ltd oo fadhigeedu ahaa Hong Kong ay ku biirtey, ciidan uu iska lee yahay nin ganacsade ah oo magiciisa lagu sheegay Liibaan Mohamed Ahmed, bilowgii 2009 ayey si wada jir ah u bilaabeen hawlgalada ay ka wadaan dhulka hoostaga Maamulka Galmudug ee Koonfurta gobolka Mudug. Xogta loo gudbiyey Qaramada Midoobey ayaa muujinaysa bilihii Maarso – Juun 2009 lacag gaareysa $500 000 uu soo xawiley ninka la dhaho Le Roux isaga oo soo mariyey Dubia, lacagtaas ayaa lagu sheegay in ay tahay bilowgii hawgalada. Warbixintu waxay qoreysaa in sanadihii 2009 -2011 Le Roux iyo Shirkadisiisu ay ku kharaj gareeyeen hawlagalada ka socda Galmudug adduun dhan $3milyan oo Dollarka Maraykanka ah, taas oo ay ku jiro $1milyan oo dollar oo loo bixiyey musharka ciidanka, kuwaas oo midkiiba bishii qaato $300, iyo weliba qalabayntooda. Ciidanka hoostaga Shirkadda Southern Ace Ltd ayaa ka qaybqaatey dagaal beeleed dhacay sanadkii hore kaas u dhexeeyey Be3elaha wada dega Gobolada Dhexe. Warbixinta ayaa lagu xusey in Le Roux uu Soomaaliya u daabuley Hub, Rasaas iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana mar ay is qabteen isaga iyo ganacsade Liibaan ee u soo ururiyey Malayshiyaadka beeshiisa, Le Roux ayaa ku doodey in uu siiyo ciidanka Liibaan keenay laba jeer ka badan inta la siiyo kuwa iyaga lamid ah. Warbixinta ayaa tibaaxdey in Liibaan iyo kuwo kale oo kamid ah Shaqaalaha hoose la xirey muddo saddex todaabad ah kadib markii ciidanka Shirkaddu rasaas is weydaarsadeen. Daroogada Ganacsade Liibaan Mohamed Ahmed oo ah nin ka soo jeeda Galmudug ayaa sameeyey shirkad kale oo hoostagta tan Koonfurta Africa, waxaana uu bilaabey in uu beero daroogooyinka oo ay ka mid tahay Opium. Qof shaqaale horey uga ahaa shirkadda Southern Ace Ltd ayaa u sheegay baarayaasha Qaradamada Midoobey in ay ku sugan yihiin goobaha Daroogada lagu beero laba nin oo u dhashey dalka Filipiin, nin u dhashey Zimbabwe kuwaas oo ka taageera dhanka farsamada. Saracen International Warbixinta ay soo gudbiyeen baarayaasha Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Saracen International ay si weyn faraha ula gashey arrimaha Soomaaliya, isla markaana ku xadgudubtey cunoqabatyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya, iyaga oo khatar ku noqdey nabadda iyo amniga. Shirkaddan ayaa warbixinta lagu sheegay in ay lafdhabar u yahiin Eric Prince oo kamid ahaa asaasayaashii shirkaddii Blackwater, iyo madax sare oo ka tirsan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Saracen ayaa ku sugan gudaha Puntland waxayna tababartaa ciidamada la dagaalanka bur-cadbadeeda ama ciidanka badda ee Puntland. Wakiilada joogtada ah ee dalka Koonfur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa la sheegay in ay ku fashilmeen in ay ka jawaabaan codsi uga yimid baaraayaasha Qaramada Midoobey in ay ka jawaabaan warbixinta, isku day la doonaayey in Saracen ka hadasho arintan ayaa isaguna noqdey mid aan macno lahayn. Source: City Press Horseed Media http://horseedmedia.net/2011/08/31/shirkad-laga-leeyahay-koonfurta-africa-oo-daroogo-ku-beeraysa-soomaaliya/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 1, 2011 Walee Somalia wax waliba way u soo shaqo tegeen ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites