Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland and Transitional Federal Government sign Deal

Recommended Posts

Puntland iyo DFKMG oo heshiis wada galay

 

29 Aug 29, 2011 - 10:35:43 AM

 

Dowladda Federaalka KMG ah iyo Dowladda Puntland ayaa maanta [29 August 2011] kala saxiixday heshiis iskaashi ah, waxaana saxiixay Raysul Wasaaraha DFKMG Dr. C/weli Maxamad Cali iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud Farole.

 

Heshiiskaan oo ka koobnaa 13-qodob ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay Wasiirka Waxbarashada ee DFKMG ah Dr.Axmad Caydiid Ibrahim, iyadoo uu heshiiskaani sidaan u qornaa:

 

 

Heshiiska Iskaashiga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Puntland

 

29 Agosto 2011

Garowe

 

Waxaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray 26 Agosto 2011 Magaalo-madaxda Dowladda Puntland ee Garowe Wafti balaaran uu hogaaminayo Raysul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG (DFKMG) ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamad Cali, ka dibna waxaa ku soo biiray Wafti uu hogaaminayey Madaxweynaha DFKMG ah Md. Sheekh Sharif Sheekh Axmed si uu u xoojiyo wadahadalka iskaashiga ah labada dhinac.

 

Waxaa loo magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban labada dhinac si ay uga doodaan ajendooyinka kala duwan una usoo diyaariyaan qodobada Heshiiska Iskaashiga ah oo dhexmara Dowladda Federaalka KMG ah iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliya.

 

Shirar iyo wadatashi badan ka dib, waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobada hoos ku qoran:

 

1. Waxaa la isku raacay xoojinta wadashaqaynta iyo xiriirka joogtada ah ee labada dhinac.

 

2. Waxaa si buuxda la isku raacay in la meel mariyo heshiisyadii hore loo galay (Heshiiskii Galkacyo 23 August 2009 iyo Isfahamkii Iskaashiga xagga Amniga iyo la dagaalanka Burcad-badeeda [MOU] ee Nairobi ee 12 April 2010).

 

3. Waxaa labada dhinac isla ogolaadeen in si wadajir ah looga shaqeeyo adkeynta nabadgelyada, la dagaalanka argagaxisada, burcad-badeeda iyo tahriibta.

 

4. Waxaa la isku raacay in Puntland laga taageero tababarada iyo qalabaynta Ciidamada Amniga, sida Ciidamada Booliska, Daraawiishta, Nabadsugida, Asluubta, iwm.

 

5. Waxaa laysku raacay in dib loo dardargaliyo ka shaqaynsiinta Akademiyada Booliska ee Carmo, lana dhamaystiro dhismaha iyo qalabaynta Xaruntaasi si looga maarmo tababarada dibadda loo aado.

6. Iyadoo la tixgalinaayo baahida loo qabo difaaca xeebaha dalka, waxaa labada dhinac isla garteen in la dhiso Ciidanka Badda ee Soomaaliya.

 

7. DFKMG ah waxay ku dhiirigalinaysaa Puntland inay kobciso horumarinta dhaqaalaheeda iyo siyaasadeeda (economic and political development).

 

8. Si looga hortago soo noqnoqodka abaaraha waxna looga qabto waxyaalaha sababa aafooyinka (root causes), waxaa labada dhinac isla garteen in loo adeegsado qeyb ka mid ah mucaawanooyinka qaab cusub oo wax ka tari kara gargaarka degdegga ah ee bini’aadanimo iyo horumarinta dalka, sida qodista ceelasha, dhisidda warab-biyeedyada, kobcinta kaabayaasha dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo ilaalinta deegaanka.

 

9. Waxaa la isla gartay in mucaawanooyinka imaanaya dalka si isu dheelitiran loo qaybiyo loona gaarsiiyo dalka oo dhan.

 

10. Waxaa la wada aqoonsaday in xaalada barakacyaashu sii xumaanayso maalin walba tiradooduna ay sii kordhayso, haddana Gobollada Puntland ay ku sugan yihiin in ka badan 400,000-ruux, Beesha Caalamkana ay ka helaan taageero kooban, sidaas awgeed waxaa la isla gartay in loo sameeyo qorshe midaysan oo ku wajahan waxkaqabadka arrimaha barakacyaasha iyo dadka abaaruhu saameeyeen ee Puntland.

 

11. Waxay labada dhinac soo jeediyeen in la dhamaystiro Dastuurka Federaaliga ah xilliga kala guurka ah.

 

12. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen dhamaystirka marxaladda KMG ah iyo dhisidda Dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ah. Waxaa si gaar ah hoosta looga xariiqay dhisidda iyo dhiirigalinta maamullo Federaali ah (federal states) oo buuxiya shuruudaha Axdiga KMG ah ee Soomaaliya.

 

13. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la ilaaliyo, lana hormariyo arrimaha Xuquuqul Insaanka.

 

Heshiiskani wuxuu dhaqangalayaa markay saxiixaan Raysul Wasaaraha DFKMG ah iyo Madaxweynaha Puntland.

 

 

______________________________ _________________________________

Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud

Rai’sul Wasaaraha DFKMG ah Madaxweynaha Puntland

 

29 Agosto 2011

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

DS0000000C00837-450x342.jpg

 

GAROOWE: Puntland & DFKMG oo heshiis iskaashi gaaray

 

August 29, 2011 5:29 pm GMT

 

Garoowe: (pp) - Masuuliyiinta Dowlada Puntland iyo Dowlada DFKMG Soomaaliya ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay heshiis iskaashi oo ay si wada jir ah u wada gareen. Ka hor inta aan la soo bandhigay qodobada lagu heshiiyay waxaa la magacaabay guddi wasiiro ah oo labada dhinac ah, isla markaasna ka dooday qobada ay ku heshiinayaan labada dhinaca .

 

Heshiiska ay maanta wada gareen Puntland iyo TFG ayaa waxaa saxaafada u akhriyay Wasiirka Waxbarashada DFKMG Soomaaliya oo sheegay Puntland iyo DFKMG Soomaaliya ay ku heshiiyeen qodabo muhiim ah qodobadaasi oo ka koobnaa 13 qodob, waxaana Warsaxaafadeedkaasi akhriyay Wasiirka Waxbarashada DFKMG Soomaaliya ,

 

Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane C/raxmaan Shiikh Maxamad Faroole ayaa sheegay inuu ku farax san yahay heshiiska sida toos ah ay maanta ula gaareen Dowlada KGM Soomaaliya ,wuxuna intaasi ku daray sidoo kale inuu ku farax san yahay imaatinka wafuud caalamiya oo ka timi DFKMG Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa hadlay Raysil wasaraha Soomaaliya Dr C/wali Maxamad Cali wuxuuna sheegay in ka hadal uu ku ekaan qodobada lagu heshiiyay, balse ay dhan waba kala shaqayn doonan Puntland.

 

Ugu danbayntii war saxafeedkaani maanta sida wada jirka ah uga soo baxay Puntland iyo TFG ayaa waxay kusoo dhamaaday jawi dagan, waxaase meesha ka baxaysay shakigii & khilaafyadii horay u dhexyaalay Puntland & DFKMG Soomaaliya.

 

Siciid C/salaam Siciid

 

Wakiilka Puntlandpost-Garoowe PL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland & dawlada federaalka ah oo heshiis ka kooban 13 qodob isla meel dhigay.

 

Mon, 29 Aug 2011 14:29:06 -0400 pm -04:00 -14400

 

zFarooleGaas5l.jpg

 

Garowe, Aug 29 - Heshiis nuxurkiisu yahay is-kaashi, wada-shaqayn & dhaqan-gelinta heshiiskii Galkacyo 2009 ayaa ay kala saxiixdeen madaxada dawlada federaalka ah ee Somaliya iyo madaxda Puntland.

 

Shir jaraa'id oo ay ku qabteen Garowe R/wasaaraha dawlada federaalka ah Dr. C/weli Maxamed Cali 'Gaas', iyo M/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa tafaasiil laga bixiyey qodobada heshiiska ee ay kala saxiixdeen labada dhinac.

 

Prof. Maxamed Caydiid, wasiirka waxbarashada ee dawlada federaalka ah ayaa saxaafada u akhiryey qodoba heshiiska ay labada dhinac isla meel dhigeen; qodobada ayaa waxaa ka mid ah:

 

Is-kaashi:

1. Xoojinta wada-shaqaynta & xiriirka joogtada ah ee labada dhinac,

2. Dhaqan-gelinta qodobadii heshiiskii Galkacyo ee 23-ka Ogoosot, 2009,

 

Amniga:

3. Is-kaashi dhinacyada amniga, la dagaalanka argagixisada, burcad badeeda, iyo tahriibka,

4. Puntland oo laga taageero tababarada, qalabaynta iyo gunnooyinka ciidamada aminga sida bilayska, daraawiishta, nabad-sugidda & asluubta,

5. Dardargelinta akaademiyada tababarka ciidanka ee Carmo,

6. Dhismaha ciidanka badda ee Somaliya,

 

Koboc dhaqaale & siyaasadeed:

7. Dawlada federaalka ah oo dhiirigelinaysa koboca dhaqaale & siyaasadeed ee Puntland,

 

Federaalka:

8. Labada dhinac oo iska kaashada dhamaystirka dastuurka federaalka ah ee xilliga kala-guurka,

9. Hirgelinta iyo dhismaha dawlad federaal ah, iyo dhiirigelinta maamul federaal ah oo buuxiya shuruudaha axdiga ku meel gaar ah.

 

Wadaag mucaawino:

10. Si isu-dheeli tiran oo loo qaybiyo mucaawinada dibedda, lana wada gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan,

11. Dejinta qorshe lagu daryeelo barakacayaasha ku sugan Puntland oo lagu qiyaasay 400,000 oo ruux,

12. Dejinta qorshe looga hortagayo abaaraha,

13. Daryeelka iyo dhawrida xuquuq al insaanka oo la xoojiyo, lagana wada shaqeeyo.

 

Waxaa goobjoog ka ahaa R/wasaare C/weli Maxamed Cali , M/weyne C/raxmaan Maxamed Faroole, iyo xubno ka tirsan golayaasha dawlada ee labada dhinac.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this