Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta Af-soomaaliga qaybtii 6aad

Recommended Posts

Positive   

Waynu ku bashaali doonaa micnaha erayada qaybta 5aad ee bal aan qaybtan 6aadna raaciyo taxanahan kobcinta aqoonta Af-soomaaliga.

 

Naxariis baa naxariis keenta

 

Markaannu hilibkii dabotaagta wax aannu cunnay iyo wax aannu dhiganay ka yeelay ayaa maalintaas ila duhurkii qofkii gam’i karay seexday. Gelinkii dambe ayaannu sidii caadada ahayd dhabaha ku dhacnay. Sidaas ayaannu safar dheer ku galnay oo maalintii nasan jirnay habeenkiina guure ahaan jirnay; libaaxiina wehel na difaaca noo ahaa.

 

Subaxdii dambe oo shan iyo toban casho aannu geedi uun ku jirnay ayaannu ka soo baxnay dhulkii abaarta ahaa. Waxaannu soo galnay dhul barwaaqo ah oo xareedi meel kasta jiifto oo leh dhudhubo ay biyo dulundulcaynayaan. Dhegahaagu waxay ku raaxaysanayeen sawaxan wanaagsan oo socodka biyuhu bixinayeen iyadoo ay weheliyeen dhawaaqyo kale oo ka imaanayey cayayaan, shimbiro iyo noolayaal kale.

 

Inta ishaadu qabato waxaa dhulka qarinayey doog iyo dhir qori iyo qodax ku muda aan lahayn oo caleemo cagaarani ku dedan yihiin isla markaasna ay ka lushaan miro midaba midab ah. Qalbigana waxaa farax gelinayey shimbiro noocba nooca ah oo mararka qaarkood iyagoo xayn xayn u duulaaya hadba dhinac u dulaamaayey. Cayayaan aan qaniinyo kugu dhibayn oo lahaa muuqaalo kala duwan oo aan la tirin karin ayaad iyagana arkaysay in Eebe ku manaystay deegaankan.

 

Qorax aan ku gubayn oo inta badan ay ka sokeeyeen daruuro fadad waaweyn leh oo qaar ay curteen kuwa kalena aad arkaysay inay biyo ku taagan yihiin ayaa iftiinkeeda gaarsiinaysay dhulka iyo dhammaan abuuurta Alle ee hoos joogtay. Hawo macaan oo leh ur udgoon iyo saxan saxo roob wadata ayaa nafta qaboojinaysay.

 

Intii aanaan wax badan socon ayaannu maqalay ci’ xoolaad iyo bulhan dad laakiin is-maanaan tusin ee is-ururin ayaannu ku dhexmarnay . In libaaxii na dabo socdo ayaannu tuhmaynay laakiin muuqiisii iyo sanqartiisiiba waannu weynay. Markay makhrib noqotay ayaannu soo sanqar beegsanay meel dad deggan yahay. Iyadoo ay xoolihii ay soo xaraynayaan intaan la soo kulanay oo awrkii ku furay meel ku dhow laakiin ka yara baxsan aqaladooda ayaa Xange salaan ugu tegey.

 

Wax yar kadib waxaa noo yimi Xange oo ay la socdaan labo dhallinyaro ah oo mid gabar tahay. Dhallinyaradaas oo firfircoonida ka muuqatay ay sidii layr ku afuufaysa kuu riixaysay. Markaannu isa salaanay ayaa gabartii gacanta qabatay Qalanjo oo waxay ula dhaqaaqday xaggaas iyo reerkii. Inankiina intuu dermooyin noo dhigay meel dugsi ah ayuu dab olol weyn leh noo shiday. Inanka oo cimri ahaan aan ku qiyaasay ilaa labo saddex sano inuu iga weynaa oo magaciisa noogu sheegay Xuurteeye ayaa yiri” awrka intaad dabartaan ayaad siideyn kartaan. Halkani bahalo wax cuna ma leh”. Xange ayaa ugu warceliyey” waad ku mahadsan tahay taladaas wanaagsan ee aad na siisay”. Markuu awrkii intuu dabray sii daayey ayaan dabkii hareeraha ka fariisanay. Wuxuu bilaabay inuu na madadaaliyo inankii oo sheekooyin, waaya waayo wixii ay awoowayashii u sheegeen iyo guud ahaan nolosha dadka meeshan deggan nooga sheekeeyey.

 

Aniga sheekooyinka Xuurteeye oo macaanaa saani umaan dhegaysanayn waayo maankaygu wuxuu ku mashquulsanaa arrimo kale. Barwaaqada iyo nimcada dhulkan Alle ku manaystay iyo meeshii aan ka imi oo oomane u badnayd ayaa fekerkaygu qaadaa dhigayey. Markaan in door ah fekerayey ayaan isweydiiyey oo iri” Tollow Alle eexda miyuu yaqaannaa? Maxaa qoladan waxan oo nimco ah loogu barwaaqeeyey kuwo kalena abaar, oon ama ibtilooyin kale loogu rogay”?. Markaan su’aalahaas isweydiiyey ayaan haddana cowdi bilaystay iskuna qanciyey in Alle-koodnimo ay tahay in aan waxaas iyo wax u dhow ku fekero. Laakiin si kastoo aan isugu deyey in aan fekerkaas u beddelo waan awoodi waayey su’aalahaasina waxay noqdeen kuwo igu taagan oo u baahday in jawaabahooda la ii iftiimiyo.

 

Anigoo sidaas ula legdamayaa su’aalahaas iyo kuwo kale oo dhowr ah ayaa waxaa soo baxday sanqar jaan dad oo ka iimaanaysay dhinaca reerka. Wax yar ka dib waxaa na soo gaaray saddex nin oo siday weel ay ka buuxeen cabitaanno iyo khudaar noocyo kala duwan ah. Markaan isa salaanay ayey khudaartii hortayadii dhigeen oo midkood intuu middi la soo baxay ayuu khudaartii oo markaas aanan anigu noocyadeeeda magic dhebi karin uu noo googooyey oo aniga iyo Xange na soo hordhigay halka ninkii kale uu noo shubay cabitaanno dhadhan iyo midabo kala duwan leh. Kan Saddexaad oo ahaa ninka ugu da’da weyn nimanka noo yimi oo aan ku qiyaasi karay inuu dhaafay cimri lixdan jir ah wuxuu iswaraysi kula jiray Xange isla markaasna hadba tilmaamo ayuu saaxiibadiis siinayey la xiriira agaasinka martigelinta.

 

Wax yar kadib waxaa yimi niman badan oo hor leh oo sida cuntooyin kala duwan. Nimanka na martisooray may cunayn cuntada ee sheekooyin, xifaaltan iyo murti ayey nagu madadaalinayeen. Aniga iyo Xangena intaan suunkii dhexda furanay ayaannu cuntadii oo hamuuni noo haysay faraha la galnay. Dhallinyaro uu ka mid yahay Xuurteeye ayaa hadba intay kacaan xaabo dheeraad ah ku soo kordhinayey dabka. Ilayn qof nooli feker ma daayee waxaa igu soo dhacday in reerahani sidii gobta noo soo dhoweeyeen. Markaan ka dheregnay ayaa cuntadii oo aad moodaysay in aanan waxba ka cunin fara badnaanteeda awgeed nalaga hor guray oo loo celiyey guryahii laga keenay iyadoo aysan afkooda saarin nimankii aan martida u ahayn.

 

Xange ayaa yiri” Ilaah baa mahaddaas leh. Waxaa kale oo mahad leh kuwiina na martisooray “. Ninkii ugu da’da weynaa nimanka ayaa yiri” Allaa mahad leh waayo dhammaanteen naxariistiisa ayeynu wada hoos harsanaa”. Xange ayaa ugu jawaabay “ waa runtaa laakiin idinkuna waad noo naxariisateen”. Nin kale ayaa hadalkii la wareegay oo yiri” dar Ilaahay ayaannu idiinku naxariisanay. Xange ayaa hadalkii qaatay oo yiri” markaad naxariisato ayaa Allena ku naxariistaa. Ninkii da’da weynaa ayaa hadalkii ku soo noqday oo yiri” naxariis baa naxariis keenta”.Nin kale ayaa hadalkii la wareegay oo intuu farta ku fiiqay ninkii da'da weynaa yiri” ninkan Sheekh Cali Sheekh Cabdirahman Sheekh Ibraahim ayaa la yiraahdaa. Wuxuu ka mid yahay odayaasha beesha”. Intuu yara hakaday ayuu isagoo ilka caddaynaya ku daray” ha u daymo la’aan”. Sheekh Cali baa hadalkii ku soo booday oo yiri” dadka wax ma dheeri ee ha iga dhex saarin- wiilow”. Dhammaan qosol baa laysku daray.

 

Markaan maqlay ninka aan hor fadhiyaa inuu ugu yaraan saddex fac guri sheekh ku abtirsado ayey jiriirico ku jabtay jirkaygii. Deegaanka aan ka imi shuyuukhdu way ku yaraayeen; sheekh saddex fac ku abtirsadana warkiisa daa. Hore ayaan u soo yara gurtay si aan u dhuuxo xikmaddiisa. Xange ayaa intuu toos u eegay Sheekh Cali ayuu weydiiyey “ Sheekh macnaha erayga naxariis in aanan aad u fahamsanayn baa dhici karta ee ma ii carrifi kartaa”? “ Eraygu labo micno ayuu leeyahay” ayuu yiri sheekhii” marka hore waxaa weeyaan in aad caawiso noolaha kale adigoo aan abaal iyo ajartoona ka sugayn. Shuruud la’aan in aad dar Ilaahay u caawiso weeyaan. Noolahan aad caawinaysaa wuxuu noqon karaa dhir, xoolo, xayawaan ama dad. Haddii aad shuruudo ku xirto oo aad istiraahdo, abaal ha kuugu hayo, ama ha kuu abaal gudo markale, ha lagaa sheego iwm. in aad taas qoomamayso ayey u badan tahay marka lagaa abaalka darro".

 

Sheekhii ayaa hadalkii sii waday oo yiri” macnaha labaad ee eraygu waxaa weeyaan roob. Soomaalidu roobka waxay u taqaan naxariis waayo roobku shuruud la’aan ayuu u haqabtiraa noolaha ku nool meesha uu ku da’o isagoon abaal ka rabin ayuuna ku harqiyaa nimcadiisa. Sida laynaga rabaa waa sidaas oo kale in aan hagar la’aan u bixino nimcooyinka Alle inoogu deeqay” ayuu ku soo gabagabeeyey.

 

Anigoo yara xishoonaya intaan farta taagay ayaan markaan arkay in hadalkayga la sugayo iri” maxay ku dhacdaa in roobka Alle iyo nimcooyinkiisa kale ay meelo ku badan yihiin meelona ku yar yihiin”?

 

Sheekh Cali oo aad mooday inuu doonayey in jawaabaha la qaybsado markuu hore u jawaabi waayey ayaa nin kale qaatay hadalkii oo yiri” Eebe ayaa horta og waxa uu meel ugu nimceeyo meelna dhib iyo dheef la’aan uga yeelo. Laakiin waxaan ictiraafsanahay in naxariisi naxariis keento. Taas micnaheedu waxaa weeyaan meesha lagu naxariisto ayey naxariista Alle oo roobku ka mid yahayna ay ku badataa. Sababtuna waxaa weeye mar Alle hadduu yahay kan abuuristu aysan jirayn naxariistiisa la’aanteed meel kasta oo noolihiisu ku badan yahay ayey naxariistiisu ku badanaysaa. Meesha dhiigga dadka aan lagu daadin, meesha dhirta aan macno la’aan loo jarin oo xayawaanka lagu xannaaneeyo nooc kasta oo uu yahay waxaa ku bata noolaha”. Isagoo hubinaya in sheikh dhegaysanayo ayuu ku soo gunaanaday” jawaabta su’aashanu waa mid iska cad oo xitaa aqoon diimeed aan u baahnayn ayaan filayaa”.

Sheekhii waxba kuma kordhin weertaas ee madaxa ayuu u ruxay.

 

Jawaabtii su’aashaan caawa oo dhan la rafanayey ayaa halkaas iiga soo baxday; Alle eexda ma yaqaan ee abaalmarinta ayuu yaqaan. Dadka marka loo nimceeyo haddii ay ku abaalgudaan inay islaayaan, noolaha inta kale xasuuqaan, isxaasidaan oo qaarkood ay qaarka kale iska saray siiyaan ama yasaan, dhacaan xoolaha wixii ka itaal litaa ama dilaan waxaa iyagana ku dhacda nimcooyinka Alle oo uu roobku ku jiro oo yaraada. Sababtoo ah meesha ficilada noocaas oo kale ah looga kaco tirada noolaha ayaa caadi ahaan hoos u dhacda xasuusta Alle iyo aaminkiisuna dadka noocaas u dhaqma wuu ku yaraada; qalbigoodana waxaa buuxiya xumaan ay la jecel yihiin midba midka kale. .

 

Ilayn feker kama daalee waxaan is iri sababta meeshaan ka imi abaarta iyo oomanaha u ahayd dagaalkana loogu saliday waxaa weeyaan abaalmarin ay ku mutaysteen naxariis la’aanta! Tollow hadday dhaqankooda bedeli lahaayeen barwaaqadu ma kordhi lahayd ayaan isweydiiyey.

 

Dhammaad.

 

Insha-Allah micnaha eryada ee qaybta 5aad iyo tan 6aad ayeynu ku yara hakan doonnaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Erayada aan calaamadiyey micnahoodu waa sidan:

 

 

dhudhubo= dhul godan oo biyo mareen ah; jidhaan; gacan.

dulundulcaynayaan= ku soconayaan aayar; marayaan qunyar.

xareed = biyaha roobka.

dulaamaayey= u duulayey iyagoo badan; isu raacayey iyagoo koox ah.

manaystay = ku deeqay; ku galaday; siiyey.

saxansaxo= ur udgoon oo dabaysha roobku wadato.

bulhan( bulxan, bulhaan) = sawaxan; dhawaaq hoose oo dad iyo xoolo ah.

Alle-kood(nimo)= Alle inkir; qiritaan la'aan in Ilaahay jiro; qofka Ilaahay wax xun ka sheega.

jaan= cagta hoose qaybta dhulka la dhigo; socod.

magac dhebis = magac sheegis; ku dhawaaqis magac.

agaasinka= maamul; qof ama koox mas'uul ka ah hawl.

xifaaltan= foorjo;kaftan

suunkii dhexda furanay= isu diyaarinay in aan (aad ) u dheregno.

hamuun= gaajo; baahi

carrif = micnayn; sheegis waxa loola jeedo (eray).

qoomamayso= ka shalayso; isku canaanato.

yasaan = hoosaysiiyaan; liidaan; inay iyagu ka sareeyaan mooda.

 

Gebo-gebadii sheeko xariirada ayaa oo dhow. Insha-Allah cashar ama labo dambe ayeynu ku dhammays-tiri doonaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Salaan ka dib macalin erayga JAAN waxaan moodayay inay tahay kabta inta hoose cagtana ma noqon kartaa?

tusaale jaantay isla heleen sanqadha ay bixiso kabuhu oo mar qudha isku si u dhawaaqay.

Raali ahow waagaan yaraa baanan macalinka waxba weydiin jirine

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waan kaa qaaday salaanta, salaan celinna waa ku siiyey. Muddo laguma arag ee aroos miyaad ku maqnayd! :)

 

Macalin ma ahi ee dadka waddanka aan ku dhalan ayaa laga yaaba in aan af-soomaaliga ku dhaamo.

 

Adiga ayaa sax ah Gooni eraygu waa sida aad tiri oo kabta qaybta dhulka dhiganta ama qabata weeyaan micnuhu; siyaabo kale oo erayga loo isticmaalo waxaa ka mid ah: jaanta rogan (carar baqo ku jiro), jaanta ayey isla heleen ( way is-fahmeen ama is-afgarteen ama marka askartu gaardiyeyso waxay isla heleen jaan-qaadkii), jaan soo baxaysa ayaan maqlay ( qof ama dad soo socda ayaan maqlay).

 

Waad ku mahadsan tahay in aad iga daba akhrido oo saxdo. Macalinka rasmiga ah adiga weeyaan. :)

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Laba macalin ma wada noqon kornee aan wax kula celceliyo dhaqanka miyigana waxbaan ka bowsadaye

Ka waran erayga (HAMUUN) waa runtaa waa gaajo ama baahi balse ka duwan gaajada caadigaa tusaale

 

Hadaan inta makhaayad soo galo xili habeyna iraahdo hamuun baa i haysee maxaad raashin haysaan? ama

Hadaaan idhaaho gaajo ama baahi baa i haysee maxaad raashin haysaan?

 

Ka waran hadaan iraahdo masoo hamuun tiran saakay? ama

Ka waran waan ku doonayoo waan kuu hamuun qabay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Soomaalida ayaa ku maahmaahda "Af-soomaaligu waa mergi oo hadba meesha loo jiido ayuu qabtaa". Erayaduna waa caynkaas oo kale oo marka weer la geliyo ayuu badi micnahoodu caddaadaa.

 

Alle ha u naxariisto ee Cabdi Gahayr wuxuu yiri:

 

Sidii aar hilbii laga kacshay oon weli hamuun goynin

Waayadan higgaa igu go,doo waan hamaansadaye

Haab haabashaan ahay waxaaan heli se mooyaane . . . .

 

 

Marka aad gabaygan eegto micnaha erayga hamuun waa gaajo waana isla micnaha uu ugu jiro sheeko xariirada.

 

Micno labaad oo eraygu leeyahay aadna loogu isticmaalo waxan ka heli karnaa miraha heestan:

 

Hamuun baan ku qabaa,

anigu waan kula hayaa.........

 

Markan micnuhu waa baahi laakiin waxaynu ku doodi karnaa in baahidu culus tahay oo gaarsiisan tahay jeel. Xooluhu markay milix waayaan way xanuunsadaan oo baad iyo biyoba way diidaan markaas way jeeleen ayaa la yiraahdaa. Milix ama carro marka la siiyona way bogsadaan.

 

Micnaha Hamuun markan wuxuu noqonayaa baahi, jeel, Aad baa micnahan dambe af-soomaaliga loogu isticmaalaa.

 

Toosiye2

 

:

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Jisa kalah macalin waa baahi culus ama dheer oo kugu raagtay markaad wakhti dheer habaynkii jiifto waa inaad hamuun tirataa subaxii

Sidoo kale haduu jacayl kugu raago waa inaad hamuun goysaa haduusan calaf kuu diidin.

thank you Sir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Positive;743667 wrote:
Erayada aan calaamadiyey micnahoodu waa sidan:

 

 

dhudhubo
= dhul godan oo biyo mareen ah; jidhaan; gacan.

dulundulcaynayaan
= ku soconayaan aayar; marayaan qunyar.

xareed
= biyaha roobka.

dulaamaayey
= u duulayey iyagoo badan; isu raacayey iyagoo koox ah.

manaystay
= ku deeqay; ku galaday; siiyey.

saxansaxo
= ur udgoon oo dabaysha roobku wadato.

bulhan( bulxan, bulhaan)
= sawaxan; dhawaaq hoose oo dad iyo xoolo ah.

Alle-kood(nimo)
= Alle inkir; qiritaan la'aan in Ilaahay jiro; qofka Ilaahay wax xun ka sheega.

jaan
= cagta hoose qaybta dhulka la dhigo; socod.

magac dhebis
= magac sheegis; ku dhawaaqis magac.

agaasinka
= maamul; qof ama koox mas'uul ka ah hawl.

xifaaltan
= foorjo;kaftan

suunkii dhexda furanay
= isu diyaarinay in aan (aad ) u dheregno.

hamuun
= gaajo; baahi

carrif
= micnayn; sheegis waxa loola jeedo (eray).

qoomamayso
= ka shalayso; isku canaanato.

yasaan
= hoosaysiiyaan; liidaan; inay iyagu ka sareeyaan mooda.

 

Gebo-gebadii sheeko xariirada ayaa oo dhow. Insha-Allah cashar ama labo dambe ayeynu ku dhammays-tiri doonaa.

 

Toosiye2

eerayada badankood waan fahme maadama lamuujiye micnahooda saxda ah..mise sidii loo tafsiiri karo..laakin some that i had q's about were...(see below)..nonetheless i interpreted them this way....

Dhudhubo=Tributaries?

dulaamaayey=wave?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Adigoo mudan ogaanshahayga af-soomaaligu eray bixnta ubaxa wuu ku liitaa. Ma aqaan, mana jiro ayaan filayaa, eray gaar ah oo aynu u naqaan ubaxa 'rose'. Magaca guud ee ubax ayeynu ugu yeernaa.

 

Laakiin haddii la oran lahaa wax u bixi indho-u-roone, maan-diiriye ama qalbi-bile. ayaan u bixin lahaa.

 

Idinku maxaad u bixin lahaydeen?

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this