Somalina Posted December 31, 2011 Talaado, November 01, 2011 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa ka hirgelisay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya iskuul dugsi sare ah oo ay wax ku baranayaan arday Soomaaliyeed, kaasoo la furay maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay. Wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay furitaanka iskuulka iyadoo dowladda Turkiga ay sheegtay iskuulkan uu hordhac u yahay qorshayaal ay ku doonayso inay uga hirgeliso Soomaaliya iskuullo waxbarasho oo kala duwan. "Tani waa wax la yaab leh... ardayda iyo waalidiintu waa kuwo ku faraxsan inay helaan waxbarasho tayo leh," ayuu yiri wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya Axmed Caydiid Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay wargeys kasoo baxa dalka Turkiga. Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baranaya iskuulkaas ayaa Isniintii xaadiray fasallada iskuulka iyadoo ay u billaabatay waxbarashada dugsiga sare, waxaana hirgeliyay iskuulkan hay'adda Nile Organization oo xarunteedu tahay dalka Turkiga. Hay'adda Nile ayaa sheegtay inay codsiyo ka heleen arday fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo doonaya inay wax ka bartaan iskuulkan, waxayna xuseen in qorshaha iskuuulka uu yahay inay wax ku bartaan 250-arday oo keliya. Maamulka iskuulkan cusub Bülent Ergüneş ayaa sheegay in luuqadda wax lagu baranayo ay tahay Ingiriis, laakiin la barayo ardayda sidoo kale luuqadda dalka Turkiga, wuxuuna ku daray in ardayda ay sannadka hore ay qaadan doonaan waxbarasho deg-deg ah. "Xisaab, bay'oloji, kambiyuutar, kimistiri iyo fiisigis ayaa ka mid ah casharrada ay qaadanayaan ardayda, iyadoo casharradan ay noqon doonaan kuwo si xowli ah ku socon doona afarta bilood ee uug horreeya," ayuu yiri maamulka iskuulka. Iskuuulkan ayaa wuxuu qayb ka yahay qorshaha ay dowladda Turkiga ku doonayso inay kaga caawiso shacabka Soomaaliyeed dhinaca waxbarashada iyadoo boqolaal arday Soomaaliyeed ah u qaaday dalka Turkiga si ay waxbarasho jaamacadeed oo tayo leh u helaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 31, 2011 Somalina;769010 wrote: Who are they? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted December 31, 2011 ^TFG's future leaders?? The irony of a man enjoying the sea he once poisoned. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 31, 2011 ^Leave Cali Naafto alone:-) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 31, 2011 Mogadishu person of the year goes to Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 31, 2011 Jacpher;769019 wrote: ^TFG's future leaders?? The irony of a man enjoying the sea he once poisoned. There's no proof of that. He sued for defamation incase you didn't know. Quote Share this post Link to post Share on other sites