Somalina Posted December 24, 2011 Sabti, December 24, 2011 (HOL) − Ururka dhalinyarada ee SYL II ayaa xeebta liido ee magaalada Muqdisho ku qabtay shalay tartan ciyaareedyo kala duwan, kaawaasoo ay ka qayb-galeen dhalinyaro fara badan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, iyadoo tartanka lagu aadiyay Jimce oo xeebtu ay tahay meel ay ku sugan yihiin dadweyne badan oo u soo tamashle tagay. Tartan ciyaareedyada ayaa isugu jiray: orodka bootinta, dheri-jebis, xarig-jiid, jawaan ku bood iyo bootinta caadiga ah, iyadoo dhallinyaradu ay guulo kala duwan ka gaareen tartammadan. Ugu horreyn waxaa lagu bilaabay ciyaarta xarig-jiid ah oo illaa afar kooxood ay ku tarmayayeen, taasoo ahayd mid aad u xiiso badan oo kooxaha ay si awood ah ugu loolamayeen xarig-jiidka, iyadoo koox ka mid ah labada kooxood ay ku guuleysatay xarig-jiidkaas. Sidoo kale, waxaa la ciyaaray orodka bootinta oo ahaa mid xiiso badan, waxaana ku baratamay dhallinyaro rag ah, iyadoo kooxahan ay muujiyeen ciyaar wanaag waxaana ugu dambeyn ku guuleysatay koox ka mid ah labada kooxood. Waxaa kaloo xiiso gaar lahaa ciyaarta dheri-jebis oo ay ku tarmayeen gabdho dhallinyaro ah, iyadoo meel la suray dheri ay ku jireen hadiyado qaali ah, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwo maran oo aysan waxba ku jirin, waxaana uu ahaa mid nasiibka lagu kala eegayay ciddii dheriga jebisa, iyadoo ay gabdhaha indhaha ka xirnaayeen lagana doonayay inay haleelaan dheriyada si ay u jebiyaan. Labo ka mid ah gabdhaha ka qayb-galay ciyaarta dheri-jebinta ah ayaa helay hadiyadihii qaaliga ahaa ee lagu qariyay dhariga kaasoo ay ku guuleysteen inay jabiyaan, halka gabdhaha kalena ay haleeli waayeen, bacdamaa aanay dheriga waxba ku jerin jebintiisa aanay hadiyado ku helayn. Tartannada waxaa ka mid ahaa jawaab ku boodka waxaana ku tartamayay wiilal iyadoo xeerku ahaa in jawaan ku boodka laga soo bilaabayo dilimmo loo xariiqay kuna soo ordaan iyagoo jawaanka lugaha ugu jiro, balse qaar ka mid ah kuwii ka qaaygalay ayay u suurogeli waday inay ciyaartaas ku guuleystaan; halka qaarna ay ay guulo ka gaareen. C/llaahi Axmed Rooble oo ka mid ah mas'uuliyiinta ururka SYL II oo gaba-gabadii tartankan ka hadlay ayaa sheegay in ciyaarayahan ay qayb ka yihiin tartammo ay qabtaan bil walba, isagoo sheegay in tartanka ay ku qabteen xeebta liido ay ka duwan yihiin kuwii hore, isla markaana tartankan uu ahaa mid guud oo lagu kulmiyay dhammaan ciyaaraha fudud. Mas'uulku wuxuu sheegay in ururka SYL II uu wax-baro 500 oo dhalinyaro ah oo rag iyo dumar isugu jira, isagoo xusay inay dhallinyaradan soo xuleen si loo baro xirfado kala duwan, isagoo intaas ku daray in dhallinyarada ay baraan xirfado ay ka mid yihiin: makaanikada, dabka matoorka, kombuutarka, xogheynnimada, kalkaalisenimo iyo saxaafadda. Ugu dambeyn, Rooble wuxuu sheegay in maalmaha Arbacada iyo Khamiista ay dhallinyarada u sameeyaan wacyi-gelin ku aadan wadaniyada, dhaqanka, tarbiyadda Islaamka iyo horumarinta bulshada, isagoo intaas ku daray inay sameeyaan shaqooyin ay ka mid yihiin inay caawiyaan dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha Muqdisho ayna u sameeyaan si mutadawacnimo ama bilaash ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fanisha Posted December 24, 2011 Journalism has become one of the most dangerous jobs in that part of the world. Ala ha sahlo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted December 24, 2011 I love Lido beach. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 25, 2011 Sports update Wadajir beat Howl Wadaag (3 - 0 all day everyday) Yaaqshid beat Waaberi (3-1) Semifinals Hodan v Dharkenley Wadajir v Yaaqshiid Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 25, 2011 Waxaa maanta airporka magalada muqdisho kasoo degay ciyaartoyda xullka soomaaliyeed ee gabdhaha kubadda koleyga, xulka Ciyaarta shataranjiga iyo kuwa ciyaaraha fudud kuwaas oo kasoo qeyb galay tartanka dalalka jaamacada carabta ee sanadkan lagu qabtay magaalada doha ee caasimada wadanka qadar Xulkan maanta dib ugu soo laabtay magalada muqdisho ayaa waxaa hogaaminayey mas,uuliyiin ka tirsan Wasaaradda isportiga maamulka guddiga olombikada soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah xiriirada hoostaga waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya, qaar ka mid ah xiriirada dalka ka jira, bahweynta isportiga, ururada haweenka iyo taageerayaal aad u faro badan kuwaas oo ku faraxsanaa soo noqoshada xulalkaasi iyo guulaha ay soo hoyeen xulka qaranka soomaaliyeed ee gabdhaha kubadda koleyga . Waxaana gudaha garoonka diyaaradaha saxaafada kula hadlay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka isportiga Maxamed Muxudiin Shiiq Mursal oo aad ugu hambalyeeyay gabdhaha kubadda koleyga guusha la taaban karo ee ay soo gaareen . Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow Wiish iyo gudoomiyaha xiriirka kubadda koleyga oo iyana si isku mid ah ugu mahad celiyay dadkii soo dhaweeyay iyaga oo sidoo kale u hambalyeeyay bahda isportiga iyo xulalka ay hogaaminayeen. Ugu dambeyntii waxaa iyana halkaasi dareenkeeda ka muujisay Gudoomiyaha ururka haweenka qaranka Caasho Cumar Geesdiir oo si qiiradeysan ugu hambalyeysay gabdhaha xulka qaranka kubadda koleyga. Si kastaba xulalka sanadkan soomaliya u matalay tartanka dalalka jaamacada carabta ayaa muujiyay karti dheeraad ah waxaana si weyn loo amaanay gabdhaha kubadda koleyga oo soo hoyay guullo taariiqi ah oo ay u riyaaqeyn taageerayaasha soomaaliyeed oo la oran karo waxey u bukeen in dhagahoodu maqlaan guulo ay soo gaaraan xulalka kala duwan ee matala sharafta iyo sumcada Dalkeena. Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted December 26, 2011 Somalina;767880 wrote: That's beautiful , that's even Mogadishu ? What's point . Every time they built nice places , bullets take it down . I would love to have place like this Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted December 26, 2011 Somalina dhismahaas neh xafadee ku taal? jaalana maxee uu tahi dambi waaye beh inee caadaan ahaatee eheed meesha xamar cadey bilaash looma bixinee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 26, 2011 Wadajir I reckon. Mar mar waa lagu turtaa, waa caadiyoz. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 26, 2011 Dharkenley 1 - 0 Hodan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted December 26, 2011 Somalina;767908 wrote: Dharkenley 1 - 0 Hodan Aniga iyo gabadhaas dhulka fadhido aad iyo aad ayaan uga xunahay in Hodan lagaraayey. Laakiin ciyaari waa galindanbe. Waxaan u maleeynaa Libaaxyada Hodan were still celebrating the 4 : 0 marka cawada waa in Qamiirka laga yareeyaa... Dharkenleyna inteey eheed! Waligeey ma maqal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 26, 2011 Xoosh iyo Kuwait ma maqashey? Madino iney ka mid ahayd ayaan filaa waagii hore, Galbeedka Wadajir ayey ku taal koley. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 27, 2011 http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=YvR7tfkuqD8#!" frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted December 27, 2011 Cambuulo iyo bun;767897 wrote: Somalina dhismahaas neh xafadee ku taal? jaalana maxee uu tahi dambi waaye beh inee caadaan ahaatee eheed meesha xamar cadey bilaash looma bixinee Waa qeyb ka mid ah dowlad la'aanta. Dowlad la'aanta ayaa keentay. Waagii dowladda jirtay waajib ayee ahayd in guryaha iyo aqalada darbiyadooda banaanka muuqdo dhamaantood nuuryo la wada mariyo ama rinji cad. Taas ayaana Xamar sii qurxooneysiin jirtay. Midabkaan sarta ka muuqato camal indhaha dadka ka qabanaayo Xamar looguma tala galin, perhaps Cuba iyo meelahaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 27, 2011 " frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites