Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Berbera mayor decides to Build a police Station on the beach?

Recommended Posts

Maayirka Magaalada Berbera Oo Dhagax Dhigay Saldhig Boolis,Oo laga Hir Galinayo Goob Lagu Dabaasho Oo Ku Taala Xeebta Berbera,

 

 

Saldhigan Cusub ayaa wax ay ku tilmaameen Madaxdii dhagax dhigaasi ka soo qayb gashay, mid muhuumad gaar ah leh madaama Wakhtigan ay si aad ah usoo bateen Dalxiisayaasha,

 

Berbersa (GNS) Duqa Magaalada Berbera Cabadala Maxamed Cali, iyo Xoghayha Dawaladda Hoose Cali Maxamed Cilmi ayaa Si wada jir ah Saaka u dhagax dhigay Saldhig Boolis oo Cusub oo laga sameeyn doono Xeebta Dabaasha, ee Batalaale oo magaalada Bebera ujirta 5 Km.

 

 

Maayirka Magaalada Berbera ayaa sheegay in Saldhigan cusubi uu Wax weyn ka qaadanan doono xaalada Sugida Amaanka.

 

Saldhigan Cusub ayaa wax ay ku tilmaameen Madaxdii dhagax dhigaasi ka soo qayb gashay, mid muhuumad gaar ah leh madaama Wakhtigan ay si aad ah usoo bateen Dalxiisayaasha,

 

Duqa magaaladda Berbera oo ka hadlayay dhagax dhigii Loo Sameenayay Saldhiga cusub ayaa wax ka mid ahaa hadaladisii “ halkan wax ay nu seyska maanta u dhigaynaa Saldhig cusub oo boolis oo aanu ka hirgalinayno madaama ay ku taalo Bog-cad Banaan oo aad umihiim ah, sidaad ogtihiina Batalaale waa meel dalxiisa,in ta badan waxa looga yimaadaa meelo badan haday tahayAjaanib, Quba joog iyo cid kaleba”

 

Badhsaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan iyo Taliyaha Qaybta Booliska oo iyaguna goob joog ka ahaa dhagax dhigaas ayaa iyaguna ku tilmaamay Arintan mid muhim u leh cid kasta, waxana ay mahadnaq balaadhan usoo jeediyeen Cid kasta oo ka qayb qaadatay Hawshani, Waxana ay madaxdani intaasi ku dareen in ay si weyn Wax uga tari doona Qaybta Booliska.

 

Badhsaabka oo ka hadlayna wax ka mid ahaa hadaladiisii “ Waxa Farxad ii noo ah in aynu halkan ka hirgalino dhagaxna dhigno goob loogu talagalay ciidamo ilaaliya amingeeena iyo amniga xeebta”

 

Si kastaba ha ahaatee Dadka Dega Deegaanka Batalaale ayaa si Weyn usoo dhoweeyay Dhismahan Cusub ee maanta laga hirgaliyay Deegaankaasi, waxana la filayaa in uu Si weyn Wax uga tari doono Aminiga iyo Xaalada Deegaanka Batalaale, Xeebta Bataale ayaa ah mid Dabiiciya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nina Fox   

I can imagine the police officers in this precinct on their lunch break lool. Loving the idea. This afternoon swimming thing could catch on to be our very own spanish siesta

 

"War xageed qabaneysaa?" "Ninyahow waxaan is lahaaa xeebta inaan kusoo yara dabaasho saacada qadada ka gaadhsiiyo" (A poor attempt at the Lander accent) :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Now this worries me ..... and it could ruin my little freedom to swim.

 

I can imagine swimming in front of a Somali police. It is about time to think of other alternatives.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this