Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali TFG defence Minister Xuseen Carab Mobilizes Military forces+PICTURES.

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya Md Xuseen Carab Oo Maanta Kormeeray Goobihii Ay Qabsadeen iyo Xerayaha Ciidanka Somaliya Ee Ku Yaalay Magaalada Muqdisho.

posted by: Axmed Kulan

 

Kormeerkan howleed ee uu maanta Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga kusoo kala bixiyay Xerooyinka Ciidammada xoogga dalka Somaaliyeed ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehliyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga,Wasiirku-xigeennada Wasaaradaha Waxbarashada,Kalluumeysiga iyo Dastuurka.

 

Ugu horeyntii mas’uuliyiintaasi ayaa soo kormeeray xerooyinka ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin magaalaad Muqdisho kuwaasoo ay kmaid ahayaeen Xero mariino, Guulwadayaasha , Guryihii saraakiisha, xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, Isbitaalkii hore ee ciidanka xoogga Dalka ,Kuliyadda Jaalle siyaad , Shirkole Officialle, Xerada Agonta ciidanka xoogga , dhismaha Damaanyo, Warshada tolmada iyo goobo kale oo muhiim ah.

 

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/kariin Yuusuf Aadan Dhego badan ayaa warbixin ka siiyay Wasiirrada qaabka ay usoo halgameen ciidamada qalabka sida waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Xooggu ay diyaar u yihiin inay sii xajistaan Guullaha ay gaareen islamarkaana ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyadii Al-Shabaab.

 

Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka kula hadalay Stadium muqdisho isagoo tilmaamay in uu dhowaan dib u dayactir ballaaran ku sameyneyso Wasaaradda Gaashaandhigga dhammaanna xerooyinka milateriga ay ku leeyihiin muqdisho.

 

Dhinaca Kale Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise oo khudbad ujeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada xooggg dalka oo ku sugan Hoteelka lafweyn ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu ku amaanay Ciidamada sida wanaagsan oo ay magaalada uga xureeyeen cadowgii dhibaatada ku hayay.

 

Dhammaan goobihii uu maanta Kormeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ka muuqday burbur lixaad leh oo ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ee saameeyay Xerooyinka milateriga ay ku lahaayeen magaalada muqdisho iyadoo sidoo klae Fagaaraha tarabuunka lagu arkayay howlo dhir jaris ah oo ay ka wadeen qeybaha bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Which one is the wasiir? Plus, I either get too old, or back then when I see soldiers back in somalia, those enlisted were grown ups. I mean men in mid 30s back then but lately boys in 20s.. Is this only me thinking or there is some truth to that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well i can tell you that he has no Military background he studied Medical laboratory Science.This lad basically grew up in the west and came to the west as a teenager with his Family with 3 of his sisters and brother and Mother since their father died Long time ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji, Are you saying this guy has no political or military experience? And that he doesnt have any power base or a constituency in Somalia?

 

How did this guy became Minister of Defense?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this