Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Ministerial delegation visit the United arab emirates

Recommended Posts

Wefti Wasiirro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland Oo u kicitimay dalka Imaaraadka Carabta

August 22nd, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr.Maxamed C.laahi Cumar ayaa maanta ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in hay’ada UNICEF ay gargaar uga keento deegaanada Sanaag bari ee Somaliland xafiiska ay ku leedahay maamul goboleedka Puntland .

 

Wasiirka Arrimaha dibadu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaarka Hargeysa ka hor intii wefti uu Hoggaaminayay aanay u kicitimin dalka Imaaraadka carabta oo ay ka heleen marti qaad rasmi ah, waxa uu xusay in deegaanada Sanaag bari ay ka mid yihiin dhulka Somaliland isla markaana xukuumada ahaan aanay marnaba ogolaanayn in deegaamadaasi oo ay ka taagan tahay xaalad abaareed deeqda loo qoondeeyay loo soo marin karin xafiiska hay’ada UNICEF ee magaalada Garoowe.

 

Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Dr.Maxamed C.laahi Cumar waxa uu carabka ku adkeeyay waxa uu sheegay inay waajib tahay in deeqaha loogu tallo galay deegaanada Sanaag bari la soo mariyo xafiiska Somaliland, waxaanu ku dooday inaan la aqbali doonin in gargaarka dalka la keenayo looga soo waarido xafiisyo ka baxsan dhulka Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu cadeeyay in dawlada Somaliland ay diyaar u tahay inay gacan muuqata ka gaysato fududaynta iyo gaadhsiinta deeqaha dhinaca abaaraha ee deegaanada loogu tallo galay.

 

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada iyo wefti uu horkacayo ayaa maanta u ambo baxay wadanka isu taga imaaraadka carabta.

 

Wasiirka Arrimaha dibada Dr.Maxamed C.laahi Cumar waxa uu ku tilmaamay mid daba socdo safarkii shaqo oo madaxweynaha Somaliland ku tagay horaantii sannadkan dalka isu taga imaaraadka carabta waxaanu sheegay inay dardargelinayaan balanqaadyadii ay dawlada isu taga imaaraadka carabtu u fidisay Somaliland gaar ahaan sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa jiidaha kala duwan ee xaalada abaareed ka jirto.

Wasiirka arrimaha dibada waxaa socdaalkan ku weheliya wasiirka wasaarada madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this