Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Supreme Court Suspends UCID Party

Recommended Posts

Hargeysa(Waaheen) Maxkamdda Sare ee Somaliland ayaa 20-kii bishan soo saartay qoraalk ay ku Xayirayso Xarunta guud ee Xisbiga UCID iyo dhamaan Xafiisyaddii Xisbiga ee heer Gobol ilaa Degmo, waxaanay Amartay Ciidamadda Booliiska Somaliland inay gabi ahaantood-ba la wareegaan.

 

Qaraarkan waxa ay Maxkamaddu sheegaty inay u qaadatay si ay u sugto Nabadgelyada Xarumahaasi ilaa inta lagu kala baxayo ee xal loo helayo khilaafka u dhaxeeya xisbigaasi, waxaanu qaraarka ay Maxkamadda Sare soo saartay u dhignaa sidan:-

 

Ujeedo: Qaraar Xayiraad Xafiisyada Xisbiga UCID.

 

Maxkamaddu markay aragtay codsiga ku taariikhaysan 16/08/011, kuna codsanayo in la xayiro Xarunta Xisbiga UCID, si aanay dhibaato uga dhex dhicin iyaga iyo dhinaca kale, codsiga oo uu ku saxeexan yahay Qareenka dhinaca codsiga soo qortay.

 

Markay aragtay in arrinta muranka xisbiga eek u saabsan dhinaca hogaanka xisbiga ay hada muddo soo jiitamaysay, una baahan tahay in si nabadgelyo ah lagu soo afjaro.

 

Markay aragtay Dacwadda ku taariikhaysan 04/08/011, ee dhinaca uu Qareenka u yahay Qareen Maxamed Jaamac Cabdi ay Maxkamadda u soo gudbiyeen.

 

Sidaas darteed Maxakamaddu iyadoo tixgalinaysa xaalada nabadgelyada, waxay ogolaatay codsiga Xayiraada, waxayana Xayirtay Xafiiska Xarunta Xisbiga UCID iyo Xafiisyadda Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan.

 

Waxaana la farayaa ciidanka Booliiska JSL, inay arrintaa Xil adag iska saaraan oo ay ilaaliyaan Xafiisyadda Xisbiga UCID guud ahaan iyo agabka hoos yaalba.

 

Qaraarkani waxa uu soo baxay 20/08/011.

 

Dhinacyada waxa lala socodsiinayaa in xayiraada sideeda ay ugu dhaqmaan, una fududeeyaan Ciidanka Booliiska si ay hawshooda au gutaan

 

Allaa Mahad Leh

 

Garsoorayaasha

Yuusuf Ismaaciil Cali Guddoomiye

Yaasiin Xasan Ismaaciil Xubin

Maxamed Cumar Geelle “

Axmed Xuseen Dirir “

C/qaadir Axmed Maxamud “

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this