Sign in to follow this  
oba hiloowlow

K'naan Arrives in Mogadishu

Recommended Posts

Fanaanka Soomaaliyed Keynaan Cabdi Warsame ayaa markii u horeysay ka soo degay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo Fanaankan uu ka mid noqday fanaaniinta dhowaan soo gaarayay Muqdisho ee u kuur galayay xaalada dhabta ah ee abaaraha, si ay indhaha caalamka ugu bandhigaan.

 

Keynaan Cabdi Warsame ayaa hada Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan caruur aad u fara badan oo la ildaran nafaqo daro iyo shuban biyood, iyadoo halkaas uu ka qeybinay gar gaar daawooyin iyo raashinka nafaqada.

 

Sida ay sheegayaan wararka Fanaan Keynaan ayaa waxaa wehliya Fanaaniin kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Canada, kuwaasoo iyana qiimeynaya xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta dalka.

 

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana wafdiga uu Keynaan hogaaminayo ay kormeeri doonaan xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala Muqdisho.

 

Fanaanka Keynaan oo qaaday heestii Furitaanka aheyd ee Koobkii Aduunka Waving Flag ayaa dhowana ku baaqay in loo gurmado abaaraha ka jira Soomaaliya, si loo bad baadiyo dadka gaajada iyo macluusha ugu dhimanaya.

 

Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Muqdisho ay soo gaartay fanaanada Mama Zoul ee reer Mareykanka iyo Fanaanad caan ka ah dalka Turkiga oo qeyb ka aheyd wafdigii maalinimadii jimcihii ee uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Kaynaan Cabdi Warsame ayaa wuxuu maanta uu soo gaaray magaaaldda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Amisom.

 

Hobolka codka halaasiga leh ee Kaynaan Cabdi Warsame ayaa wuxuu maanta uu soo caga dhigtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, isla-markaana wuxuu hogaaminaayaa kooxo fanaaniin ah oo u dhashay Waqooyiga Maraykanka.

 

Kaynaan iyo fanaaniinta uu hogaaminaayo ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran u fidiyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, kuwaa oo maanta laga dheehan karaayo farxad balaaran.

 

Durbaba Ciidamadda Amisom iyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay u dhaqaajiyeen dhinaca cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, halkaasoo ay ku booqdeen boqolaal caruur ah.

 

Kaynaan ayaa waxaa la-soo sheegayaa in uu cunada nafaqada leh u qeybinaayo caruurta iyo ciroolaha ku xanuunsanaaya cisbitaalka weyn ee Banaadir, halkaasoo ay iminka ku sugan yihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fanaanka Soomaaliyed ee caanka ah Keynaan Cabdi Warsame oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa ka deyriyay xaalada dadka abaaraha iyo macluusha ay heyso, isagoo sheegay in dalka sidii uu ugu tagay aanu aheyn.

 

"Dhib badan ayaa soo arkay, wadanka sidii aan uga tagay ma ahan, inkastoo markii aan xataa ka tagayay xabad iyo dhibaato ay jirtay, xabad wax ka weyn ayaa maanta jirta, dadka gaajo ayaa heyso"ayuu yirii Keynaan oo wareysi siinayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

 

Keynaan ayaa sheegay inuu soo booqday Isbitaalka Banaadir iyo xerooyin dad barakacayaal ahi ay ku jireen, kuwaasoo uu tilmaamay in dhibaato aad u daran ay ka muuqatay.

 

"Xaalada ma ahan wax sahlan, Isbitaalada aad bey u buux dhaafiyeen arrintan aad iyo aad ayay ii qabatay waxaa maanta soo arkay"ayuu intaa ku sii daray Keynaan.

 

"Waxaan waa dadkeygii, wax sahlan ma ahan, sida dadka Telefishinka ka fiirsanayay ma ihi, dadkaagi markaa arkeysid adigaa is arkaya, canuga markaa fiirineysid indhihiisa ayaa iska dhex arkaa"ayuu yiri Keynaan oo muujinayay sida dhibaatada abaaraha ay u muuqato.

 

Sidoo kale Keynaan ayaa sheegay in wixii jeebkiisa uu dhiibiyay, isagoo tibaaxay inuu ku tala jiro inuu sameeyo barnaamijyo faneed lacago loogu uruurinayo abaaraha, isla markaana uu diyaar u yahay in magaciisa uu u isticmaalo si uu indhaha Caalamka u tusiyo.

 

"Waxaan ku talo jiraa wixii aan sameyn karo inaan sameeyo, magaceyga xataa inaan u isticmaalo inaan muujiyo arrintan oo aan aduunka tusiyo"ayuu yiri.

 

Keynaan ayaa mar la weydiiyay fariinta uu u dirayo Soomaalida qurba-joogta iyo wixii uu soo arkay ayaa ugu baaqay in wixii dalka imaan kara oo wax qaban kara ay qabtaan, iyo dadkii lacag soo dhiibi kara, si buu yiri loogu gurmado dadka dhibaatada abaaraha iyo gaajada ay heyso.

 

"Dadka waa dadkaagii aad ayay kuugu baahan yihiin, waxaa dhihi lahaa wadanka waa imaan kartaan, cidii dadka wax tari karta, wixii lacag soo diri karta"ayuu yiri Fanaanka Soomaaliyed Keynaan Cabdi Warsame oo heysta dhalashada Canadianka.

 

Keynaan ayaa deeqo kala duwan waxaa uu gaarsiiyay Isbitaalka Banaadir iyo xerooyin barakacayaal ah, oo ay ku sugan yihiin qoysas ka soo barakacay abaaraha, iyadoo ay ku wehliyeen Fanaan kale oo Canadian iyo kuwo kale isugu jiray.

 

Galabta ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay sii sagootiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda KMG iyo dadweyne kale.

 

keynaan-muqdisho_1.jpg

 

keynaan-muqdisho_2.jpg

 

keynaan-muqdisho_3.jpg

 

keynaan-muqdisho_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fannaanka Soomaaliyeed ee caanka ah oo lagu magacaabo Keeynaan Cabdi Warsame oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku tagay isbitaalka hooyada iyo Dhallaanka Bannaadir oo ay jiifaan bukaanno isugu jira Caruur, Haween iyo dad da’ah.

 

Fannaanka oo ay si heersare ah amaankiisa u sugayeen ciidamada ammaanka ayaa waxa uu ku soo wareegay qeybaha cisbitalkaasi isagoo mid mid u gacan qaaday bukaannada jiifa Cisbitalkaasi.

 

Keynan oo Telefeshinka Qaranka ugu waramay gudaha Cisbitalka ayaa sheegay in ujeedada uu dalka u yimid ay tahay in uu dhibaatada la qeybsado dadkiisa Soomaaliyeed isla markaana uu kor u qaado dareenka caalamka eek u aadan sidii wax loogu qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

 

Fannaanka Keynaan oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan caalamka ayaa booqashiisu muujineeysaa dareenkiisa wadaniyadeed ee ku aadan sida uu uga damqanayo dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed K`naan Cabdi Warsame ayaa maanta booqday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

K`naan ayaa booqday cusbitalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana uu halkaasi kula kulmay howlwadeenada cusbitalka.Ujeedka uu Muqdisho u yimid ayuu ku sheegay mid la xiriira arrimaha abaaraha, waxaana uu intaa raaciyay in loo baahan in gacan la siiyo dadka abaareysan.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu fanaankan cagta soo dhigo magaalada Muqdisho tan iyo burburkii dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa maanta ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo Fanaanka Soomaaliyed Keynaan Cabdi Warsame, waxaana ujeedada wafdiga la sheegay inay la xariirto sidii uu u booqan lahaa dadka ku dhibaateysan dalka gudihiisa oo imaatinkiisana uu yahay markii ugu horeysay oo Muqdisho yimaado.

 

 

Fannaanka Keynaan Cabdi Warsame ayaa hada Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan caruur aad u fara badan oo la ildaran nafaqo daro iyo shuban biyood, iyadoo halkaas uu ka qeybinay gar gaar daawooyin iyo raashinka nafaqada.

 

Wararka ku saabsan Fanaan Keynaan ayaa waxaa wehliya Fanaaniin kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Canada, kuwaasoo iyana qiimeynaya xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta dalka.

 

Xubna soo dhoweeyay waxaa ka mid ah mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda, waxaana wafdiga uu Keynaan hogaaminayo ay kormeeri doonaan xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala Muqdisho.

 

Fanaanka Keynaan oo qaaday heestii Furitaanka aheyd ee Koobkii Aduunka Waving Flag ayaa dhowana ku baaqay in loo gurmado abaaraha ka jira Soomaaliya, si loo bad baadiyo dadka gaajada iyo macluusha ugu dhimanaya.

 

Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Muqdisho ay soo gaartay fanaanada Mama Zoul ee reer Mareykanka iyo Fanaanad caan ka ah dalka Turkiga oo qeyb ka aheyd wafdigii maalinimadii jimcihii ee uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this