Sign in to follow this  
oba hiloowlow

UK oo dhowaan xafiis ka furan doonto Muqdisho

Recommended Posts

dibadda dalka Ingiriiska William Hague ayaa sheegay in dowladda Ingiriisku ay dooneyso inay dib uga furato Soomaaliya safaaraddeedii mudada 20-ka sano ka badan xirneyd, wuxuuna intaasi ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furi doono safaaraddaasi, gaar ahaan marka ay duruufuhu saamaxaan.

 

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh ayaa lagu yiri “Hadalka ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda ee dowlada Ingiriisku uu muujinayo muhiimada Soomaliya ay u leedahay xasillonida gobolka iyo dagalka ka dhanka ah aragagaxisada iyo burcad badeeda, waxaa kale oo ay mujineysa tageerada dowladda Ingiriisku ee ah in la helo dal xasilon oo ay yeeshan shacabka Soomaliya.

 

“12-ki bilood oo la soo dhafay dowladda Ingiriisku waxay kordhisay howlaha ay ka wado dalka Soomaliya, bishii May 2010-kii ayaa waxaa la magacabay wakiil sare ee Ingiriiska u qaabilsan Soomaliya, Febrayo, 2011-ka Xoghayaha hormarinta calaamka u qaabilsan dowladda Ingiriiska Andrew Mitchel ayaa ku dhawaqay in dowladda Ingiriisku ay 3-dax jibareyneyso lacagaha deeqaha ah ee ay Soomaaliya siiso, waxaa kale oo la aasaasay xafiska gaar ah oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaliya, kaas oo hoostagaya safaaradaa Ingiriiska ee Nairobi, waxayna howshiisa ay noqneysaa agasimidda howlaha in ka badan 30-shaqale oo ka howlgala hay’adaha hormarka caalamiga ee DFID, xafiiska arrimaha dibadda iyo dalalaka barwaqa sooranka ee Foreign and Common Wealth Office, qeybta ka shaqeyso xasiloonida Stabilization Unit iyo wasaradda gaashandigga”.

 

“In dib loo furo safaarad Britain ee Soomaliya waa tallabo macquul ah oo lagu xoojinayo dedaalka ay dowladdu Ingiriisku ku tagereyso in la helo xasilloni iyo nabad, balse xaaladda adag ee siyaasadda iyo aminga awgeed waxaa loo bahanyahay in la gaaro hormar la taaban karo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaasi ku daray “Siyaasad ahaan waxaa muhiim ah in hormar laga garo sidii loo dhisi lahaa dowladd shariciga wafaqsan, kana wakiil ah shacabka, isla markaasna uu xil ka saaranyahay dadka Soomaliya”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this