Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Taleex elders say that they support the Somaliland government+video

Recommended Posts

Qaar ka mid odayaasha waxgaradka Degmada Taleex oo ka hadlay inay ka tirsan yihiin Maamulka Somaliland

* * * *Posted to the web on Aug 19

 

qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Taleex ayaa si cad uga hadlay inaysan ku qanacasanayn maamulka Puntland hawl galada ay ka wadaan deegaanka Taleex waxayna shir ay ku qabteen magaalada Taleex ay sheegeen in Hay,add dhawaan maamulka Puntland keenay Deegaankaas ay waxyaabo kale waday isla markaana aysan ogolaan dooniin.

 

 

 

 

Odayaashan ayaa sidoo kale ka codsaday In maamulka somaliland uu saami deegaankaas si huan u soo bixiyo lana shaqayn doonaan maamulka,

 

 

 

 

Halkan Ka daawo warbixin Muuqaal ah oo laga diyaariyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Qaranka Oo Adkeeyay amniga Degmada Taleex

 

Ciidamada Qaranka Oo Adkeeyay amniga Degmada Taleex

 

 

August 20th, 2011

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- Abaanduulaha Ciidanka Qaranka ee qaybta 81aad oo ka tirsan Taliska 12aad ee ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland Axmed Muuse ayaa shalay ka hadlay qorshayaasha Ciidan ee magaalada Taleex iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Sool.

 

Abaanduulaha ayaa si weyn uga hadlay, islamarkaana fariin ugu gudbiyay Ciidanku waxyaabaha looga baahan yahay inay wax ka qabtaan, mar ay Ciidanku sameeyeen hawlgalo ku wajahan sugida amniga iyo sidii ay uga shaqayn lahaayeen guud ahaanba adkaynta nabadgalyada, inaanay mar labaad Ciidan beeleedka maamulka ******teeniya aanay ku soo xad-gudbin deegaanada Gobolka Sool.

 

Waxaana uu abaanduuluhu u jeediyay Ciidanka, islamarkaana uu kula dardaarmay sidii ay Ciidanku u adkayn lahaayeen Goobta ay dageen ee qalcada muhiimka ah ee ay deganaan jireen Ciidamadii Daraawiishtu, islamarkaana looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen cidkasta oo cadow ku ah jiritaanka iyo qaranimada Jamhuuruiyada Somaliland.

 

Dhinaca kale maayarka degmada Taleex Faarax Cali Ibraahin ayaa ka hadlay baahiyaha aasaasiga ah ee dhinaca horumarinta deegaanka degmada Xudun, oo uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto oo ay ka mid yihiin dhinaca waddooyinka soo gala degmada oo uu sheegay inay aad u liitaan

 

Maayarku waxa uu intaa ku daray, degmada xudun oo ku fadhida dhul baaxad balaadhan oo gaadhaya 160Km oo isku wareeg ah, islamarkaana ka mid ahayd degmooyinkii jiray ilaa xilligii dawladii burburtay ee Somalia iyo xukuumadihii kala dabeeyay ee soo maray Somaliland, ayaa waxa uu sheegay inaanay waxba ka qaban dhinacyada horumarinta ee adeegyada bulshad, isaga oo xusay in aanay degmadu helin saamigii ay xaqa u lahayd inay hesho ee 2%-ka ahaa u qorshaysan guud ahaanba loogu talo galay horumarinta gobolka Sool, taas oo uu tilmaamay in haddii degmada xudun ay heli lahayd ay wax weyn ka tari lahayd dhinacyada adeega bulshada.

 

Maayarku waxa kale oo uu sheegay in garoonkii Kubada ay dhalintu ku ciyaari jireen uu u baahan yahay in wax laga qabto xaga agabka iyo adeegyadii garoonka oo dibu hagaajin u baahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Siciid1986;741846 wrote:

 

Are these soldiers marching in front of Mohamed Abdullah Hassan's stronghold at Taleex, that was bombed by British warplanes in 1920?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this