Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Askarigii dilay Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Geeska Afrika Fazul Cabdalla oo la dhaawacay

Recommended Posts

Captan Hassan Mohamed Abukar oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda KMG ee fariisinka ku lahaa Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegay inuu ku dhaawacmay, xilli bishan gudaheed howl galo ka wadeen gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

Mr Hassan ayaa wareysi uu siiyay Wargeys lagu magacaabo Bloomberg oo ku hadlay afka Ingiriiska ayaa sheegay inuu ka dhaawacmay jilibka midig, kadib markii weerar ay ku soo qaadeen Suuqa Bakaaraha.

 

Waxaa uu sheegay in xilliga la weeraray uu ku jiray howl gal Ciidamada Dowladda ay ka wadeen Suuqa Bakaaraha, waxaana uu sheegay in xilligaas ay rasaas ku soo rideen ragg uu aqoon u leeyahay.

 

"Anagoo howl gal dhexda kaga jirnay oo aan Suuqa Bakaaraha kaga nadiifinaynay Al-Shabaab, ayaa koox ka tirsan si lama filaan ah aan ka arkay meel noo dhoweyd, waxay ogaayeen in aan ahay ninkii dilay Fazul, kadib waxay igu soo fureen rasaas, waxaan ka dhaawacmay jilibka"ayuu yiri Captain Hassan Mohamed Abukar.

 

Hassan ayaa hada ku jira Isbitaalka Madiina, halkaa soo lagula tacaalayo xaaladihiisa Caafimaad, waxaa uu sheegay inuu helay hanjabaad markii uu dilay Fazul Cabdalla Mohamed Hogaamiyihii Al-Qaacida Geeska Afrika, waxaa uu tibaaxay in Taleefanadiisa ay ka soo wacayeen ragg ugu hanjabayay inay dilayaan.

 

 

Fazul Cabdalla Mohamed oo ahaa Hogaankii Al-Qaacida ee Geeska Afrika ayaa waxaa uu ka mid ahaa ragga sida aadka ah u baadigoobayeen Mareykanka, kaasoo loo heystay weeraradii safaaradihii Mareykanka ku lahaa dalalka Tanzania iyo Kenya sanadkii 1998-dii, waxaa uu ka mid ahaa ragga ku jiray Liiska waxa loogu yeero Argagixisada, waxaa madaxiisa saarnaa 5-milyan Doolarka Mareykanka.

 

Dilkaas sida sahalka ku dhacay ayaa ka dambeeyay markii gaari Runeyd ah oo uu saarnaa Fazul iyo nin kale ay ka soo dhumeen jidka habeenimadii arbacadii ee 9-kii Bishii June, iyadoo xilligaas kadib shaki badan oo ka dhashay dilkaas ay keentay in la qaado dheecaanka DNA, taasoo ugu dambeyn xaqiijisay inuu ahaa ninka la dilay Sarkaalkii Al-Qaacida ee Bariga Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this