Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweyne Siiraanyo Oo Maanta Soo Guryo Noqday Sheegayna in Mashaariic badan uu Qalinka Ku Soo Duug

Recommended Posts

Saalax   

di-QIQI.jpg

 

Madaxweyne Siiraanyo Oo Maanta Soo Guryo Noqday Sheegayna in Mashaariic badan uu Qalinka Ku Soo Duugay

 

 

Togaherer :Hargaysa 18.Aug 2011

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siiraanyo Iyo Wafti Uu hogaaminaayo ayaa Maanta Ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Ee Hargaysa International Airport.

Waftigan uu madaxweynuhu hogaaminaayo ayaa waxa uu ka koobnaa Oo ku wehelinaayey Safarkiisa Marwada Madaxweynaha, Wasiirada Arimaha Dibada , Beeraha , macdanta iyo biyaha, Madaxtooyada, iyo maareeyaha Dekada Berbara.

 

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Hargaysa Intenational Airport waxaa uu ka warmay hawshiisi shaqo ee uu ku maqnaa iyo wixii uga soo qabsoomay waxanuu sheegay in wadaxaajood dheer ka dib ay natiijadii noqotay in Somaliland iyo maalgalshedayaashu ay gadheen heshiin dhinacyo badan leh oo Ay kamid ahayd dekada Berbera oo la balaadhiyo, samaunta Dhuumo isku xidhay Ethiopia iyo Somaliland , warshado iyo wadooyin.

“Wadaxaajood dheer kadib waxay Maalgashadayaasha iyo Somaliland Wada gaadheen heshiis hordhac ah oo ujeedadiisu tahay in isbadal wayn oo lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka oo ay kow ka tahay balaadhinta Marsada Berbera “

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Qalinka uu ku soo duugay Samaynta Dhisme Cusub oo Loo adeegsado Safrinta Saliida taas oo noqon doonta Dhuumo Dhulka Hostiisa Mara oo ay inoo samayn doonaan nimankaas Maalqabeenadaha ah ama maalgashadayaasha lagu magacaabo.

“Waxa kale oo aanu isla eegnay in la sameeyo dhisme dhuumo dhulka Hoostiisa mara oo gaasta dabiiciga ah iyo saliida ethiopia lagu geeyolagana safriyo dekada Berbera”

 

Mar uu ka hadlaayey Madawynuhu Warshada Lagu sii safeeyn doono Gaasta iyo Saliida oo Ku jirta Heshiiskii u qalinta ku soo duugay ayaa waxa uu yidhi

“Sidoo kale waxaa hawshaa ka mid noqon doonta dhismaha Warshad lagu diyaarinaayo gaasta iyo saliida inta aan debada loo iib gaynin”

 

Heshiisyadan oo Soo galay Madaxweynuhu intaas kumay eekayn ee waxaa ka mid ahaa Mashaariic badan oo ay ka mid tahay Wadada isku xidhay Ethiopia iyo Somaliland taas oo waayadan ay ahayd waxa ugu hadal haynta badan ee ay mujtamaca reer Somaliland ay ku qadaynayeen kuna quraacanayeen, sidoo kalena qaar ka mid ah ay soo dhaweynayeen Heshiiskaas halka qaar ka mid ah Bulshadu ay u arkayeen Arintii Soo dhawaynaysa in Somaliland Ay noqoto Gobol ka mid ah Dalka Ethiopia Taas oo ay ku macnaynayeen in ay fududaynayso isu gudubaka labada dal.

“Mashaaricda waaweyn ee Somaliland ay doonayso inay samayso waxaa ka mid ah Wada weyn ee isku xidha Berbera iyo Wajaale ay ka mid noqoto waxaanay Somaliland u keeni doontaa faaidooyin Dhaqaale oo aad u balaadhan waxaana ka mid ah faaidooyinkaas Aburitaanka Shaqooyin badan oo muwaadiniinta Reer Somaliland ay ka heli doonaan , sidoo kale waxa uu mashruucani kor u qaadayaa Dakhliga Dawlada oo lagu fulin doono adeegayada bulsho, waxaa iyana ku soo kordhi doona shirkado badan oo dhaqaalaha dalka kor u qaada, sidaa awgeed marka ay hawshani hir gasho waxa uu dalku heli doonaa horumarka ugu wayn ee Soo marta Dalka Somaliland ilaa iminka iyo intii ay ka qaadtay Xornimada Boqor tooyadii Engiriiska 1960, waxaanu kor u qaadi doonaaa doorka ay Somaliland ka qaadatay dhinacyada Nabadgelyada , dhaqaalaha horumarka ,ganacsiga geeska Afrika iyo dunida kaleba”

 

” Waxaan Shacabka Somaliland ku boorinayaa in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ilaashadaan Nabadgaleyadooda iyo Qaranimadobada sidaas ayey isku ognahay”

 

Madaxweyne Siiraanyo ayaa waayadan ku maqnaa Safar uu ku tagay Dalka China oo macnihiisu ahaa in uu mashaariic badan ka soo saxeexo taas oo la sheegayey in mashaariicadan ay dabada ka riixaysay dawlada Ethiopia oo iyadu ka dambaysay In Somaliland iyo China ay isku xidhi .

Warqabadka Togaherer

Xafiiska Shabakada Caalimaga ah Ee Hargaysa

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

ethiopiandchinameeting1.bmp

Ma isagaa ku soo duugay mise ato Malez..

ethiopiandchinameeting6.jpg

ethiopiandchinameeting3.jpg

probably when the two leaders were toasting, Siilanyo was either stuck in the airport or deferred to Tialand..

ethiopiandchinameeting4.jpg

ethiopiandchinameeting5.jpg

ethiopiandchinameeting2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I can only see Zenawi and Ethiopian flag in the pictures. Where is Siilaanyo? Heshiis saddex-geesood ah hadduu dhacay, soo 3-da dhinacba ma soo fariisteen. Mise riyo ayuu kaga qayb galay illeen sida la sheegayo Shiinahaba ma tegine?:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well, he didn't exactly say he met with the Chinese govt like some other sites were reporting. Wuxuu yidhi wuxuu lasoo heshiiyey 'maalgalsheyaash/maalqabeenayaal', which I read as investors? So could be anybody. Maybe the Malaysians will be constructing these numerous projects.

 

As I hear it though, khadkiiba waa la bedalay. Mombasa ayaa sheekada soo gashay, which will supposedly see its railway line extended all the way to South Sudan. A new partnership between Kenya, Uganda, Ethiopia and S. Sudan, all Christian countries, will realign Eastern Africa. Djibouti and SL, in this regard will be left out in the cold.

 

People keep forgetting that Ethiopia has an absolute stake in ensuring Somalia remains shattered. Any Somali who thinks Zenawi is a friend to them and will give them a helping hand cirkuu roob ku ogyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^That sums it up very much, Val.

 

The only scenario where Ethiopia would encourage significant trade with Somaliland would be if she actually harbors ambition to absorb this region into the greater Ethiopia. 80 million land-locked people at the mouth of Red Sea, and the only thing in between is 3 million, weak, undefended Somalis who claim to be independent country. It sort of tempts Zenawi ...

 

But it is not as easy as it sounds. And that leaves Ethiopia the option to keep the region within the sphere of her influence, while interring legally binding contracts with sovereign nations. And that is exactly what is happening today.

 

No country, even Ethiopia, will stick its neck out to embrace a separatist state.

 

Ramadan Kariim Jamacah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Silaanyo is finally released, something secessionists to happy about.

 

Deep down these secessionists know they are being used and abused by Melez

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

A_Khadar;741449 wrote:
ethiopiandchinameeting1.bmp

Ma isagaa ku soo duugay mise ato Malez..

ethiopiandchinameeting6.jpg

ethiopiandchinameeting3.jpg

probably when the two leaders were toasting, Siilanyo was either stuck in the airport or deferred to Tialand..

ethiopiandchinameeting4.jpg

ethiopiandchinameeting5.jpg

ethiopiandchinameeting2.jpg

Ishaad ka riday, saxb, No mention of SL, he must have been sleeping in Beijing Airport when all these were happening

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Reading these reponses by SOL members, one could ask who the real opponents of Somaliland's economic development are?

 

For sure it aint the Chinese nor the Ethiopians.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this