Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Madaxweyna Sheekh Shariif iyo Guulaha SIyaasadeed ee uu ku tilaabsaday

Recommended Posts

Madaxweyna Sheekh Shariif iyo Guulaha SIyaasadeed ee uu ku tilaabsaday 10/6/2006-20/8/2011. (Warbixin Xasaasi ah)

 

 

Waxaa muxaliliinta siyaasadda caalamku aad ula yaabanyihiin guulaha siyaasadeed ee taariikhigaa ee uu ka taaba geliyay geyiga Soomaaliya 5-sano ee ugu danbeysay madaxweynaha Soomaaliya ee xilgaan Sheekh Shariif Sheekh Axmad.

 

Ma aha wax lala yaabo in qofku uu ku tilabsado guul iyo lamo laakin marka uu horjooge ka noqdo guulo badan oo is xig xiga wexey taasu dhalineysaa in su,aalo badan leeska weydiiyo,muxaliliinta siyaasadduna ey arinta si gaara isha ugu qabtaan.

 

Haddaba iyadoo qaar badanu ey leeyihiin guulahaanu kuma imaan kaliya waxqabadka sheekh shariif iyo raggiisa la shaqeeya ee waxaa sabab u ah waxa soomaalidu ku mahmaahdo ee ah (Daal iyo muwafaqaa wada dhashay)

 

Hasa yeeshee intaas kaliya ma aha ee sababao badan ayaa jira oo keenay guulahaas oo aan ku caddeyn doono qormadaan.

 

Haddaba waa maxay guulaha Madaxweyne Sheekh Shariif uu gacantiisa ku dhiliyay ee taariikhigaa?

 

Waxaan cidina inkiri karin oo taariikhda galay guulo is daba jooga oo madaxweynuhu uu ku tilaabsaday 5-tii sano ee uu ku jiray masraxa siyaasadda soomaaliya waxaana laga xusi karaa.-

 

1-Hogaamintii wanaagsaneed iyo deganaaanshihii cajiibka ahaay ee uu kusoo maamulay maxaakiimtii islaamka iyo sabarkii iyo dulqaadkii uu ku wajahay xaaladahii kala duwanaay iyo duruufihii adkaay ee soo maray iyo kooxihii aadka isu khilaafsanaay oo iskula jiray midowgii maxaakimta haddana aan isku ajandaha eheyn sida uu isugu haayay.

 

2- Sida uu ugu guuleestay in ey muddo 2-bilood iyo maalmo ah ey cagta mariyaan hogaamiya kooxeedyadii isbaarada ku ahaay umadda soomaaliyeed muddadii 15 sana ahaad una diiday wadanku inow dowlad qaran yeesho.

 

3- Go,aankii taariikhiga ahaay ee uu ka qaatay nimankii fashiliyay maxaakiimtii ee xag jirka ahaay markii uu ogolaaday saxiixayna heshiiskii jabuuti 2009 ee taariikhiga ahaay ee ey ka dhalatay dowladda midnimada qaran ee haatan jirta.

 

4- Saariddii ciidamadii Ethiopia ee dalka uu ka saaray iyo xiriirka wanaagsan iyo iskaashiaga ciidan ee uu la sameestay wadamada bariga afrika ee aan soomaaliya soohdinta la leheyn damaca siyaasadeedna aan ka leheyn oo taabanaaya madaxbanaanida qaranka soomaaliyeed sida wadamada UGAANDA iyo BURUNDI iyo TANZANIYA.

 

5- Saxiixiddii Ku Dhaqanka Sharecada Islaamka, taasoo ah guul weyn oon weli soomaaliya ka dhicin in baarlamaan u codeeyo iskuna raaco ku dhaqanka shareecada islaamka xukuumadduna ay insixiso madaxweynuhuna uu saxiixo si uu u dhaqangalo.

 

6- Sida uu u bedelay xukuumaddii hogaamiya kooxeedyada ee MPIGATI ee uu dhaxlay si deggan uguna bedelay rag aqoonyahan ah oo isbedelka maanta jira gacantooda ku sameeyay asagoo madaxweynuhu uu gerwadeen u yahay.

 

7- Ku kuuleysashada dowladdiisa aqoonsi caalamiya markii ugu horeysay muddo 20 sano ah tan iyo wixii ka danbeeyay xukuumadii Maxamad siyaad barre woxow naqday madaxweyne Sh shariif madaxweynaha kaliya ee helay aqoonsigaas oo qaabilay madaxda sare ee USA iyo UK iyadoo la ogyahay in uusan madaxweyne ka horeeyay tan iyo SIYAAD BARE uusan jirin ee gallay OFFIS no.9 EE UK oo ah aqalka Ra'isul wasaaraha ee looga taliyo UK.

Haddana la kulmay mas'uulka 2-aad ee dowladda mareykanka helerey kilintoon iyadoo madaxdii 3-da eheed ee cali mahdi,c/qaasim ,c/lle yuusuf midna uusan qaabilin mas'uul mareykan oo heerkaas gaaraaya.

 

8- In uu ku guuleestay dhismaha ciidan qaran oo ka fayow qaababakii qabiilka iyo jabhadaha taasoo keentay guulaha isdabajooggaa ee maanta umaddu ku faraxday soona celisay rejedii shacabka soomaaliyeed.

 

9- Mideynta iyo hanashada caasimadda soomaaliya oo 21 sano u qeybsaneed hogaamiya kooxeedyo iyo jabhado taasoo eysan ku guuleysan madaxweynayaashii ka horeeyay.

 

Haddaba iyadoo guulahaas 9-kaa aan cidina inkiri karin oo ey muddo kooban ey ku taaba gashay ayaa weli umadda soomaaliyeed ka sugeysaa madaxweyne Sheekh Shariif inuu ku guulesto in wadanka oo dhan uu ku baahiyo nadaamka dowladnimo iyo nabadgelyada kana tilaabsado caqabadaha loo dhigaayo ee faraha badan.

 

Ragga siyaasadda Soomaaliaya indha indheeya wexey sheegaan sifaadka uu leeyahay oo u suurta geliyay madaxweyne Sh Shariif inuu taaba geliyo guulahaas waaweyn ee u muuqda sidii wax mucjisaa.

 

Haddaba waa maxay tilmaamaha uu ku caanbaxay madaxweyne Shariif oo ey u qirsanyihiin cadawgiisa iyo hiilkiisuba?

 

Mas,uul kastaaba woxow lee yahay waxyaabo uu ku caanboxo oo lagu tilmaamo waxaana ka mida waxyaabaha uu ku caanbaxay madaxweyne Shariif.-

 

A: Deganaansho iyo in uusan eheyn casabi aan naftiisa ka adkeyn marka ey soo wajahdo xaalad aan caadi eheyn balsa uu yahay qof aad u degan oo aan aad looga akhrin karin isbedelka carada iyo farxadA eE lasoo dersa.

 

B: Hufnaan dhanka dhaqaalaha oo haba yaraatee aan lagu aqoonin inuu dhaqaala doon yahay balsa loo qirsanyahay in aan dhankaas weligiis lagu tuhmin.

 

C: Ka fogaanshaha Qaabyaaladda iyo qaraabeysiga oo eysan ka badbaadin inta badan siyaasiyiinta soomaaliyeed taasoo xata reerka uu ka dhashay aad ula yaabeen laakin intooda wax garadkaahu ey aad ugu faraaxsantahay dhaqankaas wadaniyadda iyo diintaba ku dhisan ee ah in aan reernimo uusan ku shaqeyn madaxweynuhu, waxaana laga garankaraa arinkaas qaabka dhismaha xafiiskiisa oo ey wada joogaan dhamaan beelaha soomaaliyeed rag ka kooban oo aqoonyahan ah.

 

D: Cadaalad iyo qaderin dadka kale taasoo astaan looga dhigan karo hanbalyadii taariikhiga eheed ee uu u diray maalintii 1-da luulyo maamulka soomaaliland, taasoo aad ey usoo dhaweeyeen walaalaha woqooyigu ********a in aan neceyb loo heyn aadna loogu faraxsanyahay nadaamka iyo nabadda ey heleen, masiirka wadankana laga wada hadli doono xiliga ugu habboon sida madaxweynuhuba uu raacsiiyay hanbalyadiisa.

 

E: Hamigiisa ku aaddan xasilinta wadanka iyo ilalainta madaxbanaanidiisa taasoo uu u daadihiyay si aad u heer sareysa waxyaabaha uu aadka u horistaagayna waxaa ka mida in dowladaha safka hore ey ciidan ahaan soo farageliyaan soomaaliya markale lakin xiriirka wadamadaas aad loo adkeeyo taasoo keentay guulaha siyaasadeed ee maanta la gaaray.

 

F: Ilaalinta xiriirka beesha caalamka iyo haddana in isbedelku uu ku yimaado gacamaha soomaalida iyo gacanta ciidamada qaranka soomaaliyeed.

 

G: U madaxbaneynta he,daha distuurigaa shaqadooda sida Ra,isul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, iyo Baarlamaanka iyadoo dhaqankaasu uusan jiri jirin oo la ogyahay wixii ka dhex dhici jiray xiliyadii ka horeeyay iyadoo weliba aad faragelin loogu haayo siyaasadda gudaha ee soomaaliya.

 

 

iyadoo mararka qaarkood dusha looga keeno go,aamo uusan rabin laakin uu uga dabaasho siyaasaddiisa degan iyo daacadnimadiisa sidii arintii Heshiiskii Kanpala oo beesha caalamka iyo gud.baarlamaanku ku dhegeen casilidda ra,isulwasaare farmaajo laakin uu arikaas ku maareeyay madaxweynuhu qaab aad u yaab leh markii uu qanciyay saaxiibkiis siyaasaddii xukuumaddii iyo barnaamijkiina sidiisii usii socday taasoo ey ku hongoobeen raggii colaadiyay Mr Farmaajo oo asagu uu gacantiisa wax uga dhisay xukuumaddaan maanta jirta una hanbalyeeyay saaxiibkiisna booskiisii wax uga dhiibay, waxaana guushaas loo tiiriyaa siyaasadda degan ee madaxweyne shariif.

 

Haddaba Su,aasha maanta leesweydiinaayo ayaa ah madaxweynuhu maku guuleysandoonaa 2-arimood oo muhiim u ah mashruuciisaas wadanigaa?

 

1- In uu guulaha siyaasadeed iyo nabadgelo ee magaalada muqdisho uu kula wareegay inuu ka mira dhaliyo kana ilaaliyo in qabiil iyo hogaamiye kooxeed midkoodna uusan dib usoo laaban kana gaashaanto kuwii sugaayay in mar uun ey dib usoo noqdaan aagag qabiilna muqdisho dib uga sameestaan baaddii iyo bililiqadii iyo xarumihii dowlada oo dib deegaanno looga sameestana weli hanqal taag uga jiro, iyo in halganka ciidan dowladdu ey sii waddo ilaa ey gacanta uga dhigeyso wadanka oo dhan gaar ahaan koofurta iyo bartamaha soomaaliya.

 

2- In uu ka gaashaanto in shararkaan wada tashi ku sheeggaa oo shacabku aad uga baqaayaan in carqalado loola jeedo iyo in lagu dhiciseeyo guulahaan amaba lesku dayo in khilaafaadkii siyaasadeed dib loosoo nooleeyo raggii la yiqiin ee aan howl aan khlaaf eheyn aan weligood ka shaqeynina oo maalmahaan caajis haayana dib loo howl geliyo, leeskuna dayo in inta sanadka ka dhiman khlaaf iyo is qabqabsi lagu dhameeyo,arinkaas oo mudan in uu madaxweynaha iyo xukuumaaddiisuba ey ka degtoonaadaan eyna aad dar dar u geliyaan in ciidamaduna howshooda wataan iyaguna ey sameestaan qaab shacabka lagu mideynaayo looguna baaqaayo iney difaacdaan guulohooda qaran iyagoo aqoonyahanku ey horkacaayaan abaabulna laga bilaabaayo aduunyada daafeheeda.

 

waxaan ilahey ka baryeynaa inuu umaddeena kheyrka waafajiyo tiimkaan isbedelka shacabka soomaaliyeed rejadiisa soo celisay keenayna uu gaarabkooda galo. aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Aanba horboodee waxaa i soo gaartey in Shariif iyo kooxdiisa Aala-shiikh ay ku riyoonayaan in 5 sano loogu daro. Looba joogee insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Som@li;740555 wrote:
:D
, Af case is trying to get credit. a PR stunt

:D :D. I know right! That weak nigga needs to step down, he got no leadership skills, we learned this the hard way. High school geography teachers don't make good presidents LOL.

 

Abwaaan, shariif tabcaan has 0 chance of extending this again, come next august and his *** will be gone, if not earlier.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

the sooner we get rid of this Idi0t the better, What unfortunate to have him as "leader". And yes, he will be gonner soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sheik Sharif hawshaada halkaas ka sii wado. Qashinka wasaqda badan lehna ka xaaq magaalada.

wareega-shariifka_5.jpg

 

Reer Mogadisho will always be grateful to you. Don't you ever forget that Mr. President.

 

Thank you, thank you! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo sheegay inay si qasab leh uga saarayaan shakhsiyaadka ku jira guryaha Dowladda iyo rayid.

 

Kadib markii Xarakada Al Shabaab ay iskaga baxday inta badan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wuxuu Madaxweyne Shariif uu sheegay, inay ka saari doonaan dadka ku jira guryaha ay leedahay Dowladda.

 

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo shalay galabta warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in loo-baahan yahay shakhsiyaad guryaha Dowladda ku jira inay iskaga baxaan.

 

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in hantida Dowladda ay noqon kareyso kuwii hore iyo kuwa dambaba, sidaasi daraadeed ayaa wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in guryaha ay iskaga baxaan dadka ku jira

 

Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay in guryaha ama hantida Dowladdu ay lee-yihiin dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba kala joogga, isla-markaana wuxuu meesha uu ka saaray in shakhsiyaad oo qura ay ku takri fallaan guryaha ama hantida Dowladda.

 

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu xusay in dadka ka dhaga adeega amarka uu shalay soo saaray, in dadkaasi ay kula hortaggi doonaan gacan bir leh, ayna la-tiigsan doonaan sharciga.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ugu baaqay in si wanaagsan ay uga baxaan guryaha Dowladda, ayna hantida Dowladda ku soo wareejiyaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, haddii kalana ay talaabo adag ka qaadi doonaan.

 

Sidoo kale dadka deggan guryaha ay lee-yihiin shacabka Soomaaliyeed ayaa wuxuu iyana uu ugu baaqay in guryaha ay uga baxaan si deg deg leh, haddii kalana sida uu hadalka u dhigay ay ka qaadi doonaan talaabo adag.

 

Madaxweyna Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ugu dambeen uu shakhsiyaadkaas uu ugu baaqay, inay la-shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya oo iminka u taagan badbaadinta hantida Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this