Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso gets local city council...PICS

Recommended Posts

Golaha Deegaanka ee degmada Bosaso oo maanta la dhaariyey[sawiro]

15 mins ago | 0 comments

 

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey golaha deegaanka degmada Bosaso oo ka koobnaa 27-xubnood oo isugu jira rag iyo dumar xarunta gobolka Bari ee degmada Bosaso.

 

Munaasabadii lagu dhaariyey xubnahaasi ka mid noqday golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga & DDR Puntland Khaliif Ciise Mudan,Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire,Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dawladda hoose Cabdillaahi Axmed Jaamac’Ilkajiir’,Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Injineer Siciid Maxamed Raage,Saraakiil iyo xubno kale.

 

Intii aan Khudbadaha mas’uuliyiinta laguda gelin ayaa mid mid loogu yeeray Xubnihii ku sugnaa xarunta kuwaasi oo gaarayey 27-qof,waxaana lagu dhaariyey in si daacad ah ugu adeegayaan bulshada degmada.

 

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf Cali’Cali Xoosh’ oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadii dhaarta,wuxuuna Faah-faahin ka bixiyey marxaladii uu soo maray dhisida golaha degmada Bosaso,wuxuu sheegay in uu mudadii ay socotay diyaarinta xubnaha la soo gudbiyey ku dhawaad 46-File balse la rabay oo kaliya 27-xubnood taasina ay keentay dib u dhac ku yimid dhismaha golaha.

Khilaaf ayuu sheegay Cali Xoosh in uu ka taagnaa soo magacaabida Xubnaha cusub ee kamid noqonaya golaha degmada kuwaasi oo qaar kamid ah dib loogu celiyey beelihii soo xushay kuna soo badaley kuwa kale.

 

Sidoo kale ayuu hoosta ka xariiqay in caqbado farabadan uu kasoo gudbay magacaabida golaha degmada ee cusub taas oo ay ugu weyn tahay beel dooneysa wax walba isgu darsato.

 

…..”Golaha deegaanku haddii uu Saddex meelood oo meel horey u soco weeye,haddii beel jeegada jilic ka dhigto waa laga soconayaa si lhorumar loo gaaro….”ayuu yiri.

 

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire oo isna hadalo kooban oo u badnaa dardaaran usoo jeediyey Xubnaha cusub ee degmadu ay yeelatay,wuxuuna sheegay in looga baahanyahay in aad la tiamaadaan horumar cusub kaas oo bulshada u horseedi kara horumar balaaran.

 

Mudane Faarax Cali Shire oo khudbadiisu ku socotay Xubnaha cusub ayaa sheegay in International Community-gu waxa ay wax ku bixiso ay tahay hawsha aad qabataan balse haddii aan wax la qaban haba yaraatee majirto dhaqaale ay bixiso.

 

…..”bishii January ee sanadkan 2011 Bosaso waxaa u bilaaban lahayd 1000 oo doolar,2010 wey ku guul dareysatay,mana hasato xiligaan dhaqaale loogu talagalay sababtoo ah ma dhisna gole deegaan…”ayuu yir.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dawladda hoose Cabdillaahi Axmed Jaamac’Ilkajiir’ ayaa shaaca ka qaaday in maalinta bishu ay tahay 16.8.2011 si rasmi ah loo qaban doono doorasha golaha degmada Bosaso.

 

Si kastaba ha ahaatee doorashada Guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa ee golaha deegaanka ee degmada Bosaso ayaa la filayaa in bishaan 16-keeda ay si rasmi ah uga dhacdo gudaha magaalada Bosaso.

 

Cismaan Turaabi

Horseed Media

Bosaso,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this