Sign in to follow this  
General Duke

Powerful African Nations declare they will never recognize Somaliland..outch

Recommended Posts

Dalalka Koonfur Afrika iyo Tanzaniya oo sheegay inaysan Somaliland u aqoosanayn dal madax-bannaan

 

Axad, Ogoosto 14, 2011 (HOL) – Dalalka Koonfur Afrika iyo Tanzaniya oo ka mid ah dalalka Qaaradda Afrika ayaa si wadajir ah u sheegay inaysan diyaar u ahay inay Somaliland u aqoonsadaan dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Tanzaniya Bernard Membe iyo wasiiradda xiriirka caalamiga ah ee dalka Koonfur Afrika Maite Nkoana-Mashabane ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay Sabtii shalay ku yeesheen magaalada Pretoria ee xarunta Koonfur Afrika.

 

Mr. Membe ayaa sheegay inuu la kulmi doono laba todobaad kaddib wafdi ka socda Somaliland, laakiinse wuxuu diiday inuu faallo ka bixiyo waxyaabaha kulankaas looga hadli doono ka hor inta uusan dhicin.

 

Labada mas'uul ee Koonfur Afrika iyo Tanzaniya Membe iyo Nkoana-Mashabane ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen inay arkaan Soomaaliya oo soo noqota iyadoo hal dal ah.

 

"Somaliland hadda waxaan u aqoonsannahay inay qayb ka tahay Soomaaliya. ma doonayno inaan ku dhiirrigelinno inay noqoto dal gooni u taagan," ayuu yiri Nkoana-Mashabane. Isagoo intaas ku daray: "Innagoo ku hadlayna afka Midowga Afrika ma doonayno inaan kala jarjarno dalalka Afrika."

 

Bishii May ee sannadkan ayay Somaliland u dabaal-dagtay sannadguuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday inay ka go'aday Soomaaliya inteeda kale. Iyadoo Somaliland ay ahayd gobolladii waqooyi oo xorriyadooda ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this