Sign in to follow this  
Somalina

Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo tababar ugu soo gabagabeysay Baydhabo Macallimiinta Dugsiyada

Recommended Posts

Somalina   

Dr.jpg

Axad, Ogoosto 07, 2011 (HOL) – Siminaar ay soo qaban-qaabisay jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo lagu tababarayay macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada doose, dhexe iyo sare ee gobolka Bay iyo degmooyinkiisa ayay jaamacaddu kusoo gabgabeysay maanta magaalada Muqdisho.

 

Macallimiinta tababarkan qaadanayay ayaa waxay tiradoodu ahayd 24, iyadoo ay ka qaybgaleen xirtaanka siminaarka oo ka dhacay xarunta jaamacadda xubno isugu jira aqoonyahano, odayaal dhaqan iyo waxgarad kale.

Macalimiinta%201.jpg

Xiraankii tababarka ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka golaha aqoonyahannada Koonfurta Soomaaliya Fowsi C/nuur Maxamed oo sheegay in mar walba loo baahan in la joogtooyo tababaaradan oo kale kuwaasoo sabab u noqon kara faa’idooyin aan lasoo koobi karin, isagoo sheeagy inay muhiim tahay in la kulmo, isagoo mahad u celiyay maamulka jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Kalaay oo uu sheegay inuu mar walba ku howlan yahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada gobollada Bay iyo Bakool.

 

Sidoo kale munaasadaas tababar lagu soo xirayay ayaa waxaa ka hadlay madaxa golaha dhaqanka beelaha XXXXX iyo XXXXX, malaaq ***** Ibrahim isagoo yiri: "Waxaan si aad ah ugu faraxsannahay munaasadan, mana qiyaasi karo sida uu dareenkeygu yahay waayo waxaan lasoo koobi karin tirada macalimiinta tababarka loo soo xiray, kuwaasoo soo saari doona madaxda berri," ayuu yiri malaaq ***** Ibrahim.

 

Gabagabada xafladda ayaa waxaa ka hadlay hormuudka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Dr Maxamed Cali Kalaay isagoo yiri: "Ugu horreyn waxaan mahaad u celinayaa marti sharafta iyo macalimiinta uu tababarka u soo xirmay - run ahaantii tababarkan waxaa soo qaban-qaabisay jaamacadda qeybteeda cilmi-barista iyo tababarada (Institute of Research and Training- IRT) kaasoo tababarro kala duwan horay ugu qabtay macallimiin. Waxaan filayaa inaad is weydiinaysaan xafladda waxa looga gol-leeyahay - marka anigoo cadeynaya waa in macalimiintu yihiin kuwii bar-baarin lahaa bulsho ka caafimaad qabta jahli iyo mugdi nin kasta oo bulshada ka dhex-muuqda wuxuu soo hor-fariistay macallin marka faah-faahin uma baahna macallinka iyo wax tarkiisa."

Sannadihii ugu dambeeyay ayaa jaamacadda Koonfurta Soomaaliya waxay waday dar-dar cusub oo ay kor ugu qaadeyso aqoonta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada ay ka jirto.

 

Macalimiinta%202.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this