Sign in to follow this  
oba hiloowlow

WAR DEG DEG AH: Dagaal culus ayaa xilligan ka soconaya degmada Yaaqshiid

Recommended Posts

Dagaal culus ayaa xilligan ka socda degmada Yaaqshiid meel ku dhow Garoonkii Ciyaaraha Muqdisho oo shalay ay fariisin ka sameysteen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii weerar culus ay ku soo qaadeen Xarakada Al-Shabaab.

 

Hugunka Madaafiicda iyo rasaasta noocyadeeda kala duwan ayaa si aad ah loo malqayaa, waxaana sidoo kale dagaal kale uu isna ka dhacay goor dhoweyd Dugsiga Farsamada Jarmal ee Xero Jarmal, markii Ciidamada Dowladda ay gaareen.

 

Weerarkan ayaa ah mid qorsheysan oo Shabaabka horay u dajiyeen, kadib markii Afhayeenkooda uu sheegay in qidadooyin ay ugu tala galeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, isla markaana saacadaha soo socda wado kasta iyo luuq kasta looga soo bixi doono.

 

Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhinaca waqooyi ee jidka Warshadaha kaga soo qaaday weerarka, halka kuwa qaar ay ku jireen dhismayaal ku yaala goobihii ay ka baxeen habeen hore.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ka dhacay agagaarka Dugsigii Farsamada uu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askarta Dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Sidoo kale dagaalka iminka ka socda agagaarka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho iyo Isgoyskii Telfishinka Qaranka mid labada dhinac ay isu adeegsanayaan hub cul culus

 

Saakay barqadii ayaa rasaas ay ka soo dhaceysay dhismayaal ay Shabaab kaga sugnaayeen meelaha qaar, iyadoo iska hor imaadyo goos goos ah ay socdeen, hase ahaatee haatan ayaa dagaal fool ka fool ah oo aad u culus uu ka socdaa Wadada Warshadaha meelaha Ciidamada Dowladda ay soo galeen maalintii shalay.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Man that doesn't sound good. USC style ay lasoo baxeen shabaabka miyaa sidii waagii UNISOM. BTW, include your source in your posts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

yeah lol dhib malaha waa laga sal gaara dadka wey arkeen, SNTV iyo universal aan xalay ka daawanaye dadkii oo farxad la ooynaaye kolkey arkeen ciidamada xooga dalka... Hada xataa kacdoono ayaa ka socdo tuuloyin ka mid ah sh/dhexe iyo galgaduud sida Garas bintow,galcad,masagawaay iyo run nirgood.. Btw the source is Jowhar oo dagaalkii yaaqshiid sheegay..

Share this post


Link to post
Share on other sites

DUQEYN CULUS OO XILIGAAN KU SOCOTO XAAFADA JUUNGAL EE DEGMADA YAAQSHIID

 

MUQDISHO: - Duqeymo culus ayaa xiligaan ku socoto xaafada Juungal degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Xaafadaasi oo ka mid ah meelaha ay wali joogaan dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab o hab qabiil u abaabulan ayaa la sheegay in duqeymaha ka hor laga tuuray hoobiyeyaal.

 

Madaafiicda loo yaqaano PM-ka iyo Morter-ka ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku hoobteen meelo badan oo ka tirsan xaafadaaasi.

Inta hada la ogyahay waxaa ku dhintay afar ruux kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka Masaajidka Oday Geedi ee xaafada Juungal, halka qaarkoodna.

 

Qof goob jooge ah oo isaga oo cararayo nala soo xiriiray ayaa sheegay in dadka ay kala carareen walina ay socoto madaafiicda oo kaga soo dhaceyso dhinaca garoonka kubada cakta.

 

Wixi kusoo kordho kala soco Soomaalidamaanta.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this